Guulihii Rayaale Ka Gaadhay Geedisocodka Aqoonsi Raadiska Iyo Gaabiska Maanta Warbixino Geeska Afrika soo ururiyay Q.2aad

0
551

Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisii iyagoo qaatay talada dalalka reer galbeedka ee ah in garwaaqsiga qadiyada Somaliland laga soo bilaabo dalalka Afrika gaar ahaan ururka Midowga Afrika iyo dalalka la jaarka ah Somaliland, ayaa haddana waxay wadeen dedaal kale oo ah in dalalka reer galbeedka sida Ingiriiska iyo Maraykanku ay dalalka Afrikaanka ah ee ay saaxiibka la yihiin iyo ururka Midowga Afrikaba culays ku saaraan taageerista qaddiyadda Somaliland.

Madaxweyne Rayaale, wuxuu horaantii sannadkii 2008 booqasho shaqo ku tagay dalka Maraykanka, isagoo martiqaad ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanu kulamo muhiim ah la soo yeeshay saraakiil ka tirsan waaxaha arrimaha dibadda iyo difaaca ee dalkaas, waxaana socdaalkaas Madaxweyne Rayaale ka hadashay dawladii Cabdillaahi Yuusuf oo ku tilmaantay mid aan loo baahnayn. Afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ee wakhtigaas ayaa shirjaraa’id oo uu qabtay wuxuu isagoo ka jawaabaya dhawaaqa dawladda Somaliya sheegay inaanu Marayknku wax aqoonsi ah siinin Somaliland, balse la qaabilay Madaxweynaha Somaliland.

Markii uu Madaxweyne Rayaale ka soo laabtay safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka, waxa muuqday in isbedel weyni ku yimid xidhiidhkii Somaliland iyo Maraykanka.

Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee maamulkii Bush Ms. Jendayi Frazer ayaa Addis Ababa ka sheegtay in Maraykanku midowga Afrika culays ku saarayo sidii wafti culus loogu diri lahaa Somaliland. Ms. Frazer oo u warantay Muha Daahir Faarax Jire oo ka tirsanayd telefishanka qaranka Somaliland, ayaa waxay tidhi “Annaga ayaa taageeraynay in Midowga Afrika u diro wefti culus oo qiimayn ku sameeya wada hadalna la yeesha shacbiga iyo dawladda Somaliland, annaga ayaana taas dhiiri gelinayna Midowga Afrikana ku saarayna culays inay Somaliland u diraan wefti.”

Isla sannadkaas 2008 dawladda Ingiriiska ayaa bilowday dedaal ay culays ku saarayso ururka Midowga Afrika inuu garab istaago qaddiyadda Somaliland. Xildhibaan Lord Eric Avebury oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Odayaasha Ingiriiska, ayaa sheegay in Ingiriisku wado dadaalo waddamada Midowga Afrika loogu baaqayo in ay aqoonsadaan qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, isaga oo xusay in arintaasi ay lafdhabar u noqon doonto xal-u-helidda Soomaaliya, isla markaana gacan ka gaysan doonto sidii looga hortagi lahaa in kooxaha argagixisadu qabsadaan dalkaas burbursan. “Haddii Midowga Afrika awoodi waayaan inay ku qanciyaan dalalka xubnaha ka ah in ciidamo nabad-ilaalineed oo xoojin ah oo loo diro Soomaaliya, Golaha Ammaankuna indhaha ka qarsado dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxa daruuri ah in Midowga Afrika raadiyo xal ugu yaraan lagu lagu ilaalinayo Somaliland, kaas oo ahaa dal astaamihii qarannimo oo dhan buuxiyey, iskiina isku maamulayay 18-kii sannadood ee ina dhaafay, haddana ka taliso dawlad si dimuqradai ah loo soo doortay.”

Isagoo xidhibaanku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dawladda boqortooyada Ingiriisku waxay ka fikiraysaa siday ii sheegeen wasiiro xukuumadda ka tirsani sidii dib-u-qiimayn loogu samayn lahaa xaaladda ka jirta Somaliland, isla markaana looga hirgalin lahaa mashaariic horumarineed iyo fursado kor u qaadaya taageerada la siiyo, taas oo ay ugu horreyso sidii dalalka Midowga Afrika loogu qancin lahaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo la raacayo xeerarka iyo shuruucada caalamiga ah si looga hortago iskuday kasta oo xoogagga argagixisadu ku damacsan yihiin in kula wareegaan dhulkaas iyo si aanay falal argagixiso oo dambe uga dhicin.”

La soco…………………..