GUUGUULE IYO MAANTA

23
3027

Marxuum Cigaal, wuxuu siyaasadda arrimaha dibadda ugu abtirin jiray si xeeldheer. Marka ay noqoto qaddiyadda Somaliland, Ingiriiska iyo Talyaaniga wuxuu xiisayn jiray oo uu culayska saari jiray Talyaaniga. Laba safar ayuu ku tagay Talyaaniga, waana dalka keliya ee reer Yurub ah ee uu safar ku tagay  intii uu talada Somaliland hayay,. Bal haddana Ingiriiska eeg luuqadda uu kula macaali jiray.

Maalin ayaa isagoo Addis Ababa jooga Alle haw naxariiste waxa hadhimo sharafeed u sameeyay safiirkii Ingiriiska, wuxuuse Marxuum Cigaal qadadii u diray laba Wasiir oo la socday oo aan filayo inay ahaayeen Marxuum Fagadhe iyo Gees, waxaanu ku yidhi “Safiirkaas hore ayaanu isu aragnay oo waxba igu soo kordhin maayee idinku  taga qadadaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here