GUUGUULE IYO MAANTA

0
960

Wakhti sii horaysay ayuu Cigaal u kaxaystay Addis Ababa xubno ka
tirsanaa wasiiradiisii, dabadeed wuxuu ku yidhi Meles Zenawi oo uu la
balansanaa wasiiradaydu qolka nasashada ayay igu sugayaan ee adna
kuwaaga iska soo reeb aynu labadeena oo keliyi is aragnee. Meles wuu
aqbalay sidii ayaanay isaga iyo Cigaal ku keliyaysteen kulankoodii.
Markii dambe ayuu nin kaftan badnaa oo wasiiradii Cigaal ka tirsanaa
ku yidhi “Madaxweyne; maxaad noo bahdishay eed kulanka nooga reebtay.”
Cigaal wuxuu ku yidhi, “Meles wuxuu watay niman khubaro ah, anigana
idinkoo dhallinyaro ah ayaa ila socday, markaas haddii aynu doodno dee
waa la ina jiidhayaa laakiin keligii waan ku filanahay.” Imika
Madaxweynaheenan mujaahidka ahi ma haysto wasiiradii u babac dhigi
lahaa waxyaabaha Geeska Afrika ka soo kordhay ee intay goori goor
tahay qodobkaas xisaabta haku darsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here