Guriga Cad Oo Ku Dhawaaqay In La Shaybaadhayo Caafimaadka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

31
3187

Washington (Geeska)- Guriga Cad ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadka foodda innagu soo haya ee 2018 ka geli doono shaybaadh caafimaad oo lagu eegayo fayaqabka maskaxdiisa, natiijada ka soo baxdana lagu dhawaaqi doono.

Afhayeen u hadashay Guriga Cad oo lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders ayaa shirjaraa’id oo ay qabatay jimcihii dorraad ka sheegtay warkan oo sida la filayo jawaab u ah warar ay warbaahintu aad isula dhexmaraysay oo wax ka sheegaya xaaladda caafimaad ee maskaxda madaxweynaha. Waxa aana hadallada afhayeenka ka mid ahaa, “Waxaa jira shaybaadh caafimaad oo la qorsheeyey in uu maro bilaha hore ee sannadka soo socda, waa shaybaadhis dhammaystiran oo madaxweyneyaal badan oo Maraykan ah lagu sameeyey”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa intaas ku daray in Trump uu Shaybaadhkan iskaga qaadi doono Xarunta Qaranka ee caafimaadka milateriga oo lagu magacaabo Walter Reed. Waxa aanay afhayeenku ballanqaaday in natiijada shaybaadhku isla marka ay soo baxdo dadka loo faafin doono.

Tan iyo xilligii uu Trump ku jiray ol’olaha doorashada madaxweyninimada Maraykanka ee uu kaga adkaaday Hilary Clinton waxaa jiray xeeldheereyaal caafimaad oo ku doodayey in aanu caafimaadka maskaxdiisu gaadhsiisnayn intii saxda ahayd. Dooddaas oo aad loo soo hadalqaaday markii dhowaan khalkhal aan qarsoonayn laga arkay markii uu dhowaan Madaxweyne Trump jeedinayey khudbaddii uu kaga dhawaaqay go’aankisia aha in magaalada Barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa maalintaas la arkayey isaga oo kelmado badan si qaldan ugu dhawaaqaya, laakiin Sarah Huckabee Sanders oo arrintaas la weydiiyey ayaa si cadho leh u sheegtay in ay su’aalaha noocaas ahi ‘macne darro’ yihiin, waxa aanay ku doodday in sababta madaxweynaha ku adkaysay ku dhawaaqista ereyada qaar ay ahayd hunguriga oo yara qallalay, “Wax aan intaas ahayni ma’ay jirin’ ayaa ay tidhi haweenayda afhayeenka ahi.

Dhinaca kalana waxaa hore u jiray dood la xidhiidha caafimaadka maskaxeed ee ganacsadaha Maraykanka u taliya, taas oo ka dhalatay nidaamkiisa cunto qaadasho. Corey Lewandowski oo ahaa madaxii ol’olaha doorashada madaxweynaha ee Donald Trump ayaa buug uu soo saaray ku sheegay in ‘Trump uu si aad ah u jecelyahay cunista Haambeegarka ay samayso shirkadda caanka ah ee McDonalds, isla markaana ay dhacdo in uu cashada oo keliya afar xabbo ka cuno’ ficilkaas ayaa ah mid aan looga baran qof da’da Trump ah oo weliba barwaaqo ku kor dabaqadda sare ka soo jeeda ah, iyada oo weliba la ogyahay in uu miisaankiisu ka badan yahay inta dabiiciga ah. Waana sababta ay dad badani ula noqotay in cuntadaas badan ee uu cunayaa calaamad u tahay in aanay maskaxdiisu fayoobayn.

Waxaa xusid mudan in Trump uu kursiga Madaxweynaha sannadkii 2017 ka ku qabsaday da’da 70 jirka, sidaasna uu ku noqday madaxweynihii ugu da’da weynaa ee qabta kursiga madaxweynaha Maraykanka. Si kastaba ha ahaato ee Trump isaga waa uu is diidsiiyaa da’da, mar uu xilligii ol’olaha ka hadlayeyna waxa uu ku andacooday in marka uu muraayadda isku eego uu arko, ‘Nin 35 sano jir ah’

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here