Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Oo Si Heer Qaran Ah Hargeysa Loogu Aasay

0
768

 

aaaaskaHargaysa(Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed maxamuud (Siilanyo) ayaa ka qayb galay shalay aaska gudoomiyihii jaamacada Hargaysa alle haw naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Cilmi  oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalda Berbera. Madaxwaynaha ayaa illaahay uga baryay inuu marxuunka ka waraabiyo janadiisa. waxaanu sheegay in uu ahaa Marxuun Muuse ruux ku sifoobay akhlaaq iyo diin.

Marxuumka ayaa alle haw naxariistee waxa lagu aasay xaafada daloodho ee magaalda Hargaysa, waxaana aaskiisa isugu yimid xildhibaano, xubno wasiiro ah, siyaasiyiin, ardayda jaamacaha iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madaxwayneha Somaliland Axmed Siilanyo ayaa waxa uu ka hadlay xabaasha dusheeda waxaanu ugu baryay marxuumka inuu ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanu wax ka tilmaamay dhaqanadii marxuumku uu lahaa waxaana daladiisa kamid ahaa “Muuse waxa uu ahaa masuul weyn oo ka dhintay Qarankan, waxa uu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan oo Muslim ah oo fiican, oo akhlaaqda,  diinta iyo dhaqanka ku wanaagsan, waxa aynnu leenahay ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo oo kuligeen samir iyo ha inaga siiyo”

Waxana sido kale ka hadlay xabaasha marxuun Muuse alle hawnaxariistee shirgudoonka golaha wakiilada, siyaasiyiin, aqoonyahano waxaanay dhamaantood ku sifeeeyeen marxuunku inuu ahaa inin muslina oo afkiisa iyo gacantiisaba laga magangalay akhlaaqna leh, waxaanay dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada Somaliland ee aas-kaas qaran isugu yimid ayaa marxuunka illaahay uga baryeen inuu naxariista jano ka waraabiyo.

Marxuumka ayaa waxa uu ku geeriyooday shil baabuur oo kad hacay duleedka magaalda Barbara maalintii isniinta.