Golaha Guurtida Oo Soo Gunaanaday Khilaafkii Golaha Wakiilada, Khudbadii Xaaji Cabdi-Waraabe, Aqbalaadii Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Nuxurka Qodobada Guurtida

0
548

Picture7Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida ayaa si rasmi ah u soo afmeeray khilaafkii xooganaa ee dhawaanahan kala fogeeyay xildhibaanada golaha wakiilada. Guddigii dhexdhexaadinta ee golaha guurtida ayaa golaha wakiilada ka hor akhriyay saddex qodob oo ay ku xaliyeen khilaafkii golaha wakiilada,qodabadaas oo ay ka mid ahaayeen in 42 cod ay noqon doonaan codadka xilka lagaga qaadi karo,guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeenba iyo in aan wax mooshin ah inta ka hadhay muddo xileedkooda laga keeni karin shirgudoonka golaha wakiilada.

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdiwaraabe) ayaa xildhibaanada golaha wakiilada ujeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga codsaday inay aqbalaan go’aankooda, isla markaasna uu ku hogo tusaaleeyay. Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro oo ku hadlaayay afka golaha ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanada ay khilaafkaas ka soo saareen golaha guuridu, waxaanu ku dhawaaqay in golaha wakiilada fasaxiisii caadiga ahaa galaayo muddo sideed todabaad ah.

 Ugu horayntii Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdiwaraabe) oo golaha wakiilada la hadlaayay waxa uu yidhi“Golahu inuu is khilaafaa Aadame ayaynu nahay oo waa wax inbadan soo dhisnaa, waxa gobonimo leh ninka tanaasula ee garta tii uu sitay mooyaane tii kale la siiyo. Waxaanu idinka doonaynaa ragiinaas dhalinyarada ah ee soo socda oo aan qabo inaad tihiin rag sharaf leh, ragiinaas mutacalinka u badan waxa la doonayaa inaad is jeclaataan,axdigaad qaadateen inaad buuxisaan,waxa la doonayaa in aynu mid ahaano,in aynu xanteena wanaajisano ayaa la doonayaa, waxa la doonayaa waa lays bartaye in laysu hiloobaa ama geeri ayaynu kaga tagaynaa ama nadalid,waxa la doonayaa in la yidhaahdo waar sidii baarlamankii hore yeela in raga idin badalaaya loogu hal qabsado, in la yidhaahdo kuwii hore kuwan ayaa dhaamay inaga ilaaliya.nina madhnaan kama tago,nin waxa uu qaataa waar maxuu ahaa, nina waxa uu qaataa amaan oo waxa la yidhaahdaa waar ninku nin buu ahaa.”

Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa aan leeyahay arinku waa uu urursan yahay,arinka waataad noo dhiibteen,tii guurtidana barigii hore anaga ayaa ka garnaqnay,musalax ayaanu ku garnaqnay,hadalkiinii waanu dhagaysanay xaalkana waanu ognahay, muslax ayaa la qaadaa oo quraankii Alle soo dajiyay ayaa haddana muslax la barbar dhigay,inaguna waxaynu nahay dawlad cusub, waxaynu nahay dawlad caalamku inuu ku soo dhawaado doonaysa,waxaynu doonaynaa in aan hadal xun dibada inooga bixin,waxaynu doonaynaa dawladaha oo imika inoo soo joogsaday Allena wali aanu garansiin ictiraafkeenii in aynu ictiraaf ka helno,waxaynu doonaynaa in layna amaano oo la yidhaahdo waa niman caqli leh oo tashaday oo markay is qabtaan si sharaf leh ku kala baxa,waxaanu doonaynaa si wanaagsan oo sharaf leh inaad u qaadataan waxaas aanu soo jeedinay,oo anagana rag aqoon leh aad naga dhigtaan,idinkuna rag aqoon leh aad noqotaan oo si gobonimo leh aad u qaadataan Jamhuuriyada oo dhan dhagta ayaa taagane, nin go’aankaas ka kaca oo yidhaahda sidaas maaha waxaan doonaynaa in aan Alle idinka soo saarin ee isku duubnaan isku raaca.”

Intaas kadib ku simaha golaha guurtida ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Siciid Jaamac Cali ayaa ku dhawaaqay go’aanada ay khilaafkaas ka soo saareen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Kadib markii golaha guurida Somaliland soo kala dhex galay khilaaf iyo murano ka soo bilaabmay isku shaandhantii guddi hoosaadyada golaha,isuna badalay in la gaadho marxalad xaas’saasi ah oo aan dib loo soo qaban karin,waxa uu golahu ka codsaday 8/02/2014 inay dib u dhigaan fadhigooda maalintaas,taas oo ay gudiga ka aqbaleen,khilaafkaas oo sii kordhayay ayaa golaha guuritda ula muuqday in loo baahan yahay in la dhexdhexaadiyo oo laysku dayo in laysku soo dhaweeyo dhinacyada khilaafku dhex yaalo, iyada oo laga codsaday in golaha fadhigiisa dib loo dhigo muddo todabaad ah, labada dhinac ee iska soo hor jeeda ee golaha wakiilada ayaa ka codsaday gudida dhexdhexaadinta in labadooda gudi laysku daayo inay is arkaan wada hadalna dhex maro,isku daygii labada dhinac ee golaha wakiilada kamay soo baxin natiijo is afgarad ah. Waxaanay gudidii golaha guurida arinkii dib ugu soo celiyeen 15/02/2014 si ay xal uga gaadhaan.”

Guddoomiye Siciid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Haddaba gudida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta markii uu waraystay labadii dhinac gudiyadoodii 16/02/2014-ka kana xog waraystay khilaafka iyo halka uu salka ku hayo,markii ay ka qaateen kalsooni qoraal ah labada dhinacba,markii uu ka baarandagay nuxurka khilaafka,marka uu qiimeeyay saamaynta uu khulaafkani ku yeelan karo bulshada qaybaheeda kala duwan gudo iyo dibadba, dhanka amniga iyo xasiloonida,markii ay gudidu tix galisay duruufaha inagu xeeran danta iyo maslaxada guud ee qaranka iyo baahida loo qabo in la dhawro xasiloonida guud lana ilaaliyo wada jirka shacbiga,markii ay gudidu yaqiinsatay in khilaafka golaha wakiiladu uu ka dhashay kadib markii tirada xilka lagaga qaadi karo labada ku xigeen hoos loo dhigay, gudigu waxay go’aamiyeen. 1-In aqlabiyada lagaga qaadi karo guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen oo shirgudoon laysku yidhaahdo kala badh iyo hal, oo ah 42 tirada guud ee xildhibaanada golaha. 2-In aan shir guddoonka oo ah guddoomiyaha iyo labada ku xigeen loo soo dhigi karin mooshin xilka xayuubin ah mudada xilka golaha uga hadhsan,haddii aanay xilkooda u gudan waayin si waafaqsan xeer hoosaadka iyo dastuurka qaranka.3-In guddoomiyahu ku dhawaaqo xidhitaanka kalfadhigan 43-tanaad ee golaha wakiilada,isla fadhigan maanta ah goluhuna galo fasaxiisii caadiga ahaa. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad naga aqbashaan oo aad waafajisaan nidaamkiina.”

Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa si rasmi ah u sheegay isaga oo ku hadlaaya afka golaha wakiilada inay aqbaleen go’aamadaas“Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland markii uu tixgaliyay dhexdhexaadinta golaha guuritda ee khilaafka wakiilada,golahu marka uu tixgaliyay kalsoonida uu siiyay golaha guuritda, golahu marka uu tixgaliyay midnimada golaha,golahu marka uu tixgaliyay kaalinta dastuuriga ah ee ku leeyahay qaranka,golahu marka uu tix galiyay saamaynta ay arintani ku yeelan karto amniga,golahu isaga oo xurmaynaaya shacbiga soo doortay ogna war warka uu ku hayo khilaafkana dhex galay golahan,golahu isaga oo xurmaynaaya go’aanka uu golaha guurtidu ka soo saaray arinta dhexdhexaadinta khilaafka,aniga oo ku hadlaaya magaca gole weynaha waxa aan shacbiga reer Somaliland iyo guurtidaba u sheegayaa in goluhu aqbalay go’aanka golaha guurtida. golahuna waxa uu galay fadhigiisii caadiga ahaa sideed todabaad.”