Gabowga Ku Dhaca Habdhiska Difaaca Ee Jidhka Aadamaha Ayaa Ka Mid Ah Sababaha Keena Kansarka

29
3810

Edinburgh (Geeska)- Saynisyahanno ka tirsan jaamacada Dundee oo ku taalla dalka Scotland ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday in sababta ugu weyn ee keenta cudurka kansarku ay tahay gabow ku dhaca habdhiska difaaca ee jidhka aadamaha.

Natiijada ka soo baxday cilmibaadhistan oo lagu faafiyey majaladda ‘Proceedings of the National Academy of Sciences’ ayaa la filayaa in ay ka qaybqaadato helidda habab cusub oo looga hortegi karo kansarka laguna daweyn karo.

Khatarta ah in qofka uu kansar waxa ay aad u sii korodhaa mar kasta oo uu qofku da’ ahaan sii weynaado, taas oo lagu macneeyey in ay sababteedu tahay isbeddellada kordhaya ee ku dhaca DNA ga mar kasta oo uu qofku sii weynaado. Isbedelladaas ayaa ay suurtagal tahay in ay sababaan in unugyada dhalashadoodu ay soo noqnoqoto (unuggii keliyi dhowr jeer iska daba dhasho). Waxa aana la aaminsan yahay in 5 illaa 6 isbedellada noocaas ah oo dhacaa ay keeni karaan in qofka uu kansar ku dhaco.

Sababta keenta in habdhiska difaacu gaboobo ayaa ay cilmibaadhistani ku sheegay in ay tahay khalkhal shaqo oo ku dhaca qanjidhka Thaymus oo ku yaalla dhuunta hawada ee wadnaha iyo hormoonka ‘Thimosin’ oo shaqadiisu tahay in uu caawiyo soo saarista unugyada Layfosaaytiska loo yaqaanno.

Waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in 16 kii sanaba hal mar ay ururto/yaraato dhumucda unugyada Limfoosaytis. Maadaama oo ay unugyadani yihiin kuwo jidhka ka hor istaaga ee burburiya unugyada kansar, marka ya yaraadaan waxaa dhacaysa in unugyadii kansar ay fursad ka helaan jidhka.

Ugu dambayntii waxa ay saynisyahannadu soo jeediyeen in unugyada Limfoosaytiska iyo qanjidhada aynu kor ku soo xusnay oo la xoojiyo shaqadooda iyo soo saaristoodu ay tahay hab fiican oo lagula dagaalami karo kansarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here