Faysal Cali Waraabe Oo Balan Qaaday In Sabtida La Soo Saari Doono Murashixiisa Madaxweyne-Xigeen

0
1006

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigan, ayaa ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, oo aan wali lagu dhawaaqin, waxaanu sheegay in haddii ALLE idmo Sabtida fooda inagu soo haysa in si rasmiya loo shaacin doono.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha Xisbigiisa, haddii u taladda dalka ku guulaysto, waxaanu ugu horeyn aanu weydiinay sababta ilaa hadda loogu dhawaaqi waayey Musharaxa Madaxweyne ku xigeen, madaama ay Doorashadii fooda inagu soo hayso, Ololihiina bilaabmi doono, wuxuuna ku jawaabay “Waa la is weydiinayaa Musharixii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga, oo waxa la leeyahay goorma ayaa la sheegayaa, waxaan se dadweynaha iyo cid walba leeyahay Musharixii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID insha allaah Sabtida ayaa  si rasmiya loo sheegi doonaa, xaqiiq ahaan Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbig wuxuu noqon doonaa Masuul u qalma, oo ku haboon xilkan”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa mar uu ka hadlaayey qorshaha XIsiga haddii uu taladda dalka ku guulaysto wuxuu yidhi “Xisbi ahaan qorshe ayaanu hore u soo bandhigay, qorshahaasna aad baa loo soo dhaweeyey, Xisbi UCID, oo ah Xisbigii cadaalada iyo daryeelka, insha allaah haddii uu taladda dalka ku guulaysto waanu ku guulaysan doonaaye, wuxuu balanqaadayaa inuu dalka horumar balaadhan oo dhinac kasta ah gaadhsiiyo, inuu xooga saaro baahiyaha aasaasiga ah ee arrimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, inuu shaqo abuur sameeyo, Ictiraafka aynu ka oomanahay 26-sano, jidka ugu fudud ayaanu u maraynaa, wakhtiga ugu yarna waanu ku keenaynaa, insha allaah, markaas waxaan Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan leeyahay Xisbiga UCID, oo ah Xisbigii ugu horeeyey ee dalka ka jira, marka la barbaro dhigo labadan Xisbi ee kale codkiina siiya, oo codkiina ugu hiiliya, mar walba Xisbiga UCID shuruucda iyo sharciga dalka wuu ilaaliyaa, wax olole ah oo uu qaadayna ma jirto”.