Faransiiska Oo Dameero Ku Caawiyey Burundi Iyo Dawladda Oo Ka Cadhootay Dibna U Celinaysa, Waa Maxay Sababtu?

46
3317

Paris (Geeska)- Wasiirka beeraha ee dalka Burundi ayaa Axaddii toddobaadkii hore amar ku bixiyey in dib loo celiyo toban dameer oo hore loo geeyey degmo ku taalla badhtamaha dalka Burundi, kaddib markii uu arrintaas ka dhashay muran u dhexeeya shakhsiyaad ku dhow-dhow dawladda.

Dameerahan oo laga soo iibiyey dalka Tansaaniya ayaa ahaa mashruuc ay lacagtiisa bixisay safaaradda Faransiisku ku leeyahay dalka Burundi, oo ujeedadiisu ahayd in hay’ad samofal oo deegaanka ahi ay dameerahan ku caawiso dumarka iyo carruurta, dhulkaas beerleyda ahi si ay ugu rartaan biyaha, xaabada iyo dalagga uga soo go’a beeraha.

Laakiin, dad ka agdhow dawladda ayaa si aad ah u naqdiyey caawimadan oo ay ku tilmaameen in ay tahay xaqiraad loo geystay shacabka dalka Burundi. Waxa ay ku doodeen in dameerahan oo ah nooc aan la mid ahayn kuwa dalka Burundi ku dhaqan, ay muujinayso jaahilnimada iyo doqonniimada Faransiiska. Mid ka mid ah lataliyeyaasha madaxweynaha dalka Burundi oo isagu ka mid ah dadka arrintan sida aadka ah u dhaliilay ayaa ku tilmaamay, “In ay cay ku tahay umadda” Afhayeen isaguna u hadlay guddoomiyaha golaha sare ee Baarlamanka dalkaas, Gabby Bugaga, ayaa isna boggiisa twitter ka ku qoray, “Dameero ayaa ay na moodeen” afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale qoray, “Idinkaan idiin dhiibay ee daacad u hadla oo, dameerku ma calaamad qiimayn iyo wanaagbaa, mise waa cay”

Deo Rurema, oo ah wasiirka beeraha ee dalka Burundi, ugu dambayntii arrintan soo farageliyey, waxa aanu masuuliyiinta degmadan lagu qaybiyey dameeraha amar ku siiyey in ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu ururiyaan dameerahaas. Safiirka Faransiiska u jooga dalkaas oo lagu magacaabo Laurent Delahousse ayaa isaguna farriin uu soo dhigay boggiisa Twitter ka, waxa uu ku ammaanay mashruuca dameerahan lagu soo geliyey dalka Burundi, isaga oo tilmaamay in inta uu ka ogyahay, dameerahan keenistooda la mariyey nidaam sharci ah, lana ixtiraamay tallaabooyinkii muhiimka ahaa ee loo marayey oo dhan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here