Facebook Oo Lagu Eedaynayo In Xogaha Dadka Ee Ay Hayso Ay Siiso Dad Dano Siyaasadeed Uga Faa’iidaysanaya

45
3046

Washington (Geeska)- Waxaa muddooyinkii u dambeeyey isa soo taraya culayska caalamiga ah ee masuuliyiinta barta bulsho ee Facebook lagu weydiinayo su’aalo la xidhiidha warka sheegaya in shirkaddu ay xogta macaamiisheeda u adeegsato ujeedooyin siyaasadeed ay dad gaar ahi ku dheefayaan.

Golaha odayaasha Maraykanka, baarlamaanka Midowga Yurub iyo golaha odayaasha ee dalka Ingiriiska ayaa dhammaantood maamulka Facebook ka dalbanaya in uu ka jawaabo eedaymaha loo soo jeediyey ee la xidhiidha in shirkadda Facebook ay xogta dadka macaamiisha ah ugu diiwaangashan akoonnadooda Facebook-ga ka iibiso shirkado ka dhex shaqaysta internet ka, waxa kale oo lagu eedeeyey in ay ka qayb gasho jihaynta ol’olayaasha doorashooyinka oo ay dhinacyada tartamaya qaarkood adeegsadaan. Waxaa shirkadda Facebook si gaar ah loogu eedaynayaa in iyada oo ka faa’iidaysanaysa xogta dadka ee ku kaydsan ay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka caawisay ol’olihiisii doorashada ee sannadkii hore.

Dhinaca kalana guddi baadhiseed ka socota golaha sare ee baarlamaanka Ingiriiska ayaa aasaasaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ugu yeedhay kulan ay dhowaan yeelanayaan si su’aalo iyo faahfaahino looga weydiiyo warka sheegaya in shirkad Ingiriis ahi ay ujeedooyin sharciga ka baxsan u adeegsatay xogta 50 milyan oo ruux macaamiisha Facebook ah. isla markaana dawladda Ingiriiska ayaa dalbatay fasax sharci oo garsoorku ugu ogolaanayo in ay baadho xafiisyada shirkadda Ingiriiska ah ee Cambridge Analytica oo lagu eedeynayo in xogaha dadka Maraykan ee macaamiisha u ah Facebook u adeegsatay shaqooyin raad ku yeeshay doorashadii madaxtinimada ee u dambaysay dalka Maraykanka, in kasta oo ay shirkaddu si dhaqso ah u beenisay warkaas.

Eedahan sharci ee dhinacyada kala duwan kaga imanaya shirkadda Facebook ayaa la aaminsan yahay in ay qayb ka yihiin sababaha keenay hoos u dhac boqolkiiba 3 ah salaasadii ina dhaaftay ku yimi iibka saamiyada shirkadda, halka isniintii ka horreeysayna uu qiimaha saamiga Facebook hoos u dhacay boqolkiiba 6.7. waxa aanay arrintu sii korodhay markii eedaha la xidhiidha isticmaalka xogta macaamiishu ay sii kordhay ee ay soo baxeen shirkado kala duwan o oak faa’iidaysta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here