Facebook Oo Fashiliyey Gacan Ku Dhiigle 38 Sano La Raadinayey, Kaddib Markii Uu Laba Qof Dilay

47
3212

Washington (Geeska)- Siddeed iyo toban sano oo la raadinayey kaddib, ayaa la soo qabtay gacan ku dhiigle dilay laba ruux oo raadkiisa la waayey. Gabadh la dhalatay labada qof ee la dilay midkood ayaa ku guulaysatay in iyada oo adeegsanaysa shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ku guulaysatay in ay hesho.

Nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Silas Duane Boston ayaa sannadkii 1978 kii dilay lammaane Ingiriis ahaa oo dalxiis ku joogay badhtamaha Ameerika, kaddib markii inta ay is barteen uu ka dalbaday in ay ka kiraystaan laash yar oo uu lahaa si uu ugu dalxiis geeyo gasiirado badda dhexdeeda ah.

Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mirror, gacan ku dhiiglaha ayaa intii aanu dilin ka hor, si arxan darro ah u ciqaabay Christopher Farmer iyo gabadha ay isku cindanaayeen ee Peta Frampton, kaddibna waa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Inkasta oo bilowgiiba uu dembi baadhihii galka dacwaddan hayey, soo caddeeyey magaca gacan ku dhiiglaha ah, haddana waxaa dhibaato noqotay heliddiisa, taas oo maxkamadda ku kalliftay in toban sano markii galdacwadeedkani uu furnaa ay iska xidho iyada oo aan weli la helin eedaysanaha.

Haddaba Penny Farmer oo ay walaalo yihiin Christopher, xilligii dilkud hacayna aad u yarayd ayaa nasiib u yeelatay in ay 38 kaddib ay hesho gacan ku dhiiglaha. Penny ayaa waraysi talefishan ku sheegtay in Facbook uu ka caawiyey aqoonsashada gacan ku dhiiglaha. Kaddib markii sannadkii 2016 kii, ay shabakadda Facebook u suurtagelisay in ay aqoonsato gacan ku dhiiglaha carruurtiisii, taasina ay booliiska ku hagtay in ay soo qabtaan, si ciqaabtii uu mutaystay loo mariyo.

Penny ayaa muddo ay raadinaysay kaddib waxa ay 2016 ku guulaysatay in ay Facebook ka barato wiilasha gacan ku dhiiglaha, markii ay heshayna waxa ay la samaysay xidhiidh isbarasho oo muddo marxalado kala duwan maray. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Penny ay labadan wiil si aanay fahmin ugu riixday in ay ka sheekeeyaan fal dambeedka aabahood geystay, waxa aanay qireen in ay goobjoog ahaayeen markii uu dilayey lammaanahan dalxiiska ahaa. Labada wiil ayaa Penny siiyey faahfaahinta sidii uu falkani u dhacay.

Baadhista Penny ee Facebook ayaa booliiska ka caawisay in ay si rasmi ah eed ugu soo oogaan gacan ku dhiiglaha. Laakiin gacan ku dhiigluhu markii uu muddo xabsiga ku jiray ayaa uu bes u geeriyooday.

Sheekadan ayaa la yaab ku noqotay dadka Ingiriiska oo aad uga helay kartida iyo garaad badnaanta gabadhan ka hadhi weyday dhiigga walaalkeed iyo gabadha la socotay. Penny ayaa maalmo yar ka hor oo ay talefishan la hadashay waxa ay ka sheekaysay sidii ay qisadan ku gashay iyo muddada ay wadday dadaalka ay ku heshay gacan ku dhiiglaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here