Faa’iidooyinka Beedka (2): Beedka Guriga Ha Ku Haysan Laba Toddobaad Wax Ka Badan

27
3061

 

Midabka beedka: Dad badan ayaa uu shaki ku abuuraa kala duwanaanshiyaha midabka beedka, ee caddaanka iyo bunniga casaanka xiga labadaba noqda, waxa aanay mararka qaarkood u dadku u qaataan in uu kala faa’iido badan yahay, laakiin baadhitaannada lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu midabkaasi wax macno ah ku kordhinayn ama ka dhimayn faa’iidadii caafimaad ee beedku lahaa. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in beedka oo dhami isku mid yahay dhinaca faa’iidada laga helayo. Waxaa jirta in beedku uu kala duwanaan karo dhinaca waxtarka iyada oo aan ku xidhnayn midabka qolafta balse ku xidhan cuntada kala duwan ee digaagaddu cunto. Tusaale ahaan xaddiga Faytamiin ‘A’ ee ku jira ama maadadda lutein. Beedka qaybtiisa huruudda ah ayaa ah il muhiim ah oo laga helo faytamiinno, macdanno iyo barootiinno.

Muddada la isticmaali karo: Beedka isticmaalkiisu waxa uu ugu habboon yahay in aanu ka badan saddex toddobaad kaddib marka la soo saaray (Digaagaddu dhashay), iyada oo ay weliba shardi tahay in si meesha lagu haynayaa ay ku habboon tahay.

Waxa aad ogaataa in heerkulka aynu caadiga u naqaann ee qolka gudihiisu uu awood u leeyahay in uu beedka bisleeyo/dillaaciyo, sidaa awgeed ay qasab tahay in aan muddo dheer la haynin ee ay tahay in dhaqso loo cuno.

Kansarka iyo la dagaalanka mariidka

Beedka faytamiinnada ku jira ee sida sahalka ah ugu dhex milma dufanka waxaa ka mid ah ‘A’, ‘K’ iyo ‘D’, waxa aana caafimaad ahaan la ogyahay in faytamiinnadaas oo jidhku in ku filan ka helaa ay tahay difaaca ugu fiican ee uu jidhku iskaga caabbin karo kansarka.

Cuntooyinka iyo cabbitaannada kala duwan ee jidhkeenna gelaya waxaa ka samaysma hadhaa iyo sun haddii ay jidhka aad ugu ururto aan u fiicnayn caafimaadka. Labada xabbo ee beedka ah waxaa ku jira xaddi ka mid ah maaddooyinka la dagaalama mariidka. Dhibaatooyinka mariidku keeno waxaa ka mid ah baraha madow iyo boogaha jidhka qofka ku samaysma, gaar ahana marka da’diisu weynaato.

Kalastarool iyo faytamiinno muhiim ah iyo maaddooyin kale

Waxaa beedka ku jira qiyaas ah 6 giraam oo ah barootiin muhiim u ah dib u cusboonaysiinta iyo abuurka unugyada. Waxaa dheer in beedka intiisa huruudda ah uu ku jiro 55 miligiraam oo ah Fosfoor, iyo 22 miligraam oo Kaalshiyaam ah, maaddooyinkaas oo u fiican unugyada jidhka.

Kalastaroolku waxa uu khatar ku yahay caafimaadka, beedkuna waxa uu ka mid yahay cuntooyinka kalastaroolka leh, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in kalastaroolka beedku aanu dhibaato keenin, balse xoojiyo caafimaadka.

Waxa kale oo beedka ku jira maadadda Biotin oo lagmaa maarmaan u ah asiidhada duxeed, iyo Guluukoosta, oo marka labadooda la isku daro kaalin weyn ka qaata awoodda uu jidhku u leeyahay dheefsiga iyo ka faa’iidaysiga nafaqada.

In beedka la kariyaa waa habka caafimaad ahaan ugu fiican in ay u isticmaalaan dadka qaba cudurrada Kalastaroolka iyo macaanku. Waxa kale oo uu beedka karsani u fiican yahay dadka jidhkooda ay ku yar tahay awoodda dheefshiga cuntaadu.

Ugu dambayn waxa ay khubaradu isku raacsan yihiin in beedku marka uu caafimaad ahaan ugu fiican yahay ay tahay marka karkariyo, waxa aanay sheegeen in marka uu karsan yahay uu qofku maalin kasta xabbad cuni karo. Halka beedku marka uu siyaabaha kale u diyaarsan yahay, sida shiilnimada ay khubaradu sheegeen in uu cabbo dufanka sidaa awgeed aanu u fiicnayn caafimaadka, haddii laga tegi waayana aanay fiicnayn in uu qofku beedkaas cuno maalintii hal mar wax ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here