Duufaanka Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin

Published on Aug 07 2018 // Warar

Kamaal Marjaan (Q.2ad) 

ITOOBIYA 

Itoobiya waxa ay marka hore ku socon jirtay istaraatjiyad ah in cududdeeda ciidan ay hagto diblumaasiyaddeeda iyo xidhiidhadeeda, laakiin taasi waxa ay u abuurtay colaad badan iyo in ay dhexgeli kari weydo dalalka gobalka oo ay doonayso in ay iyadu hoggaamiso. Marka aynu eegno tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed, waxaa cad in uu jidkaas hore ka baydhay. Waxaa ka muuqda in uu tirtirayo wixii colaad iyo kala waabasho ahaa ee ka dhexeeyey dalkiisa iyo guud ahaanba dalalka bariga Afrika, waxa aanu bilaabay fikir ah in dano is dhaafsiga iyo dhaqaale wadaaggu uu noqdo ka hagaya diblumaasiyadda cusub ee Itoobiya, taas oo haddii uu ku guulaysto, ka dhigi doonta dal si laga raalli yahay caynaanka ugu qabta dalalka Geeska Afrika.

Itoobiya waa dalka ugu dhulka ballaadhan, ugu dadka badan, ugu dhaqaalaha buuran, ugu cududda weyn, dawladnimadeeduna ugu gun dheertahay, dhammaan dalalka Geeska Afrika. Arrimahaas oo dhammaantood ah furayaasha u soo jiidi kara horumarka, kana caawin kara in ay hoggaamiso Geeska.

Marka aynu soo ururinno, jidka cusub ee ay Itoobiya dooratay, waxa uu ka dhigi doono quwad diblumaasiyad qabow iyo xoog dhaqaale ku hoggaamisa gobalka Geeska Afrika iyo guud ahaan bariga qaaraddan. Marka ay sidaas tahay Itoobiya faa’iido aan la soo koobi karin ayaa uu u wadaa dufaanka isbeddel ee dhacayaa, waxa aana hubaal ah in tubta uu qaaday hoggaamiyahooda dhalinyarada ahi uu ka dhigi doono dal qaaradda iyo dunidaba meel sare ka gaadha, waa se haddii uu ka badbaado saddex isdiiddo oo aan la dhayalsan karin.

KURSIGA OO AANU KU DHEGIN

 Dhibta ugu badan ee Afrika ka taagani waa kala tagga weyn ee ku dhex jira da’da talinaysa iyo da’da dadka loo talinayo, tusaale ahaan da’da dadka Afrika celcelis ahaan waxa ay noqonaysaa 19 iyo badh sano jir, laakiin celceliska da’da hoggaamiyeyaashoodu waa 65 sano. In da’da talinaysaa ay u taliso jiilkii ay awoowga u noqon lahaydna waxa ay sababaysaa isla jaanqaadi waa iyo in uu meesha ka baxo xooggii cusbaa ee la qabsan kari lahaa duruufaha uu la noolyahay oo uu inta badan uga faham badan yahay cid kale oo kasta.

Waxaa iyaduna xusid mudan in Inta badan ee hoggaamiyeyaasha soo maray ama hadda jooga Afrika ay yihiin dad marka hore maamuus ku lahaa dalalkooda; iyaga oo da’ yar ayaa ay halgankii gobannimo doonka kaalin geesinimo iyo hoggaamineed ku lahaayeen ama markii ay xukunka qabteen ayaa ay horumar iyo isbeddello loo baahnaa keeneen, laakiin dhammaantood magacaas iyo maamuuskaas taariikhdooda waxa ay ku tirtireen habdhaqankoodii siyaasadeed ee dambe, kaddib markii ay diideen in xukunka uu ka kaxeeyo wax aan ahayn wed ama xoog ka awood badan.

Marka aynu eegno Itoobiya inkasta oo ay tahay dal guun ah, haddana waxa ay caan ku ahayd hoggaamiyeyaal boqortooyo iyo kuwo xukunka xoog ku haysta waqtiyo dhaadheer, waxaa u dambeeyey raysalwasaare, Meles Sinawi oo ahaa Abiy Axmed saaxiibkii ama macallinkiisii siyaasadda. Waxa uu xukunka Itoobiya magacyo kala duwan ku hayey 21 sano, isaga oo aan weli u diyaar ahayn in uu ka tagana waa uu geeriyooday. Raysalwasaare Abiy Axmed waa in uu ka feejignaadaa kursi ku dheg uu ku tirtiro taariikhdiisa, isla markaana abuura jawi ay kaga soo horjeestaan dadkiisu. Waa in uu dalka ka abuuro nidaam talowadaag ah oo xukunka lagu yimaaddo doonista dadka. Haddii kale sida hoggaamiyeyaashii ka horreeyey ee Afrika ayaa uu qoomi doonaa magaca uu ku helayo isbeddelka uu dalkiisa ka hirgeliyey.

QAWMIYADIYAHA

Waxaa aad u suurtagal ah in mid ka mid ah sababaha uu raysalwasaare Abiy Axmed u ogolaaday heshiiskii dhul u celinta Ereteriya, ay tahay in uu qaybiyo qawmiyadda Tikreega ee muddooyinkii u dambeeyey haysay talada, abuurtayna nidaam ay adagtahay in ay xukunka ka fogaato. Dhulka ay Itoobiya iyo Ereteriya ku muransan yihiin, sida uu dhigayo heshiiska uu imika ogolaaday raysawasaare Abiy Axmed, haddii dib loogu celiyo Ereteriya, dad aad u badan oo ka mid ah qawmiyadda Tigreegu waxa ay raaci doonaan Ereteriya. Waana xeelad uu Abiy Axmed ku yarayn karo xooggii qawmiyaddan ee culayska ku keeni lahaa nidaamka cusub ee uu damacsan yahay.

Qawmiyadda Oromada oo boqolkiiba 60 ay muslimiin yihiin, waa tan ugu badan qawmiyadaha dalka Itoobiya, waxa aana lagu qiyaasaa in ay ugu yarana boqolkiiba 40 ka tahay tirada guud ee dadka dalka. Nasiibdarro, hore tiradaas aadka u badani qawmiyadda Oromada uma ay saamixin in ay hoggaamiso Itoobiya. Waxa se laga yaabaa in aynu dhowaan maqalno Raysalwasaaer Abiy Axmed oo dastuurka dalka wax ka beddela, si uu u suurtageliyo in doorasho toos ah, ama si uun sida hadda ka duwan, uu ku yimaaddo hoggaamiyaha dalku. Waayo, waa sida keliya ee uu ku dammaanad qaadi karo in Oromadu ay xukunka Itoobiya qabato. Nidaamka imika jiraa waa baarlamaani, oo hoggaamiyaha la soo dooranayaa waxa ay ku xidhantahay hadba isbahaysiyada ka dhex jira baarlamaanka.

Qarnigii 16naad waxa ay Oromadu bartilmaameedkii ugu weynaa u ahayd addoonsigii lagu hayey dadka madow ee Afrika, intii ka dambaysayna waxa ay ku hoos nolaayeen talisyo kiristaan u badan oo cadaadiskii iyo cabudhintii ay kala kulmeen geyeysiisay in tiro badan oo ka mid ahi ay ka baxaan diinta Islaamka, iyo in dadka qawmiyaddani ay aad uga yaacaan Itoobiya oo ay daafaha dunida u kala tacabbiraan.

Waa arrin iska dabiici ah in dadku marka ay xorriyad iyo xoog helaan, ay bilaabaan in ay ka aargoostaan ciddii ay dhibaatada iyo cabudhinta ka tirsanayeen ama u arkayeen in ay u soo raacday ciddii dhibaatada ku haysay, waa se haddii aanay helin hoggaamiye karti leh oo xakamayn kara, si aanu aargoosi iyo is colaadsi u dhicin.

Itoobiya waa dal ay ku dhaqanyihiin qawmiyado aad u kala fog isir ahaan, badankoodana colaado guun ahi u dhexeeyaan. Nidaamkii Abiy Axmed ka horreeyey waxa uu dalkan ku hayey gacan bir ah oo keentay in wada noolaanshiyuhu uu qasab noqdo. Laakiin, isbeddellada uu raysalwasaaruhu wado, waxaa ka dhalanaya in Itoobiya ay noqoto dal aad u furfuran. Waxa aana hubaal ah in ay taasi keeni doonto in aanay is raacsanaanta dhuleed iyo midnimada bulsho sidii hore ahaan doonin iyo in amnigu dabci karo. Khatartaasi waxa ay barbar taallaaa dheefta aadka u badan ee ka dhalanaysa isbeddelka uu wado raysalwasaaruhu. In uu dhibtaas dalka ka badbaadiyaana waa ay ka bilaabmaysaa in uu ugu horreynba ka adkaado qawmiyaddiisa, oo ah tan ugu badan, lagana yaabo in ay uurkutaallada ugu badan qabto.

Waxa muuqata in raysalwasare Abiy Axmed qaatay qorshe ah in uu isbeddelkiisa ku kaxeeyo xawaaraha dabaysha. Waa qorshe sax ah marka la eego dal Itoobiya oo kale ah oo ay ka soo jirtay dawlad xididdo aasatay oo cid gaar ah u xidhay dhammaan hay’adihii xoogga lahaa ee qaranka; dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasaddaba. In uu isbeddelkiisu noqdo sida dubbe uu madaxa kaga garaacayo maska, si aanu u helin fursad uu ku soo kacaa, waa xeelad fiican oo uu kaga badbaadi karayey cid kasta oo laga yaabo in ay ka hor iman lahayd. Waxa aanay fursad u siisay in uu masaafad aad u dheer jaro inta aanay gagabgoynin awooddii soo talinaysay, ee aanay wax iska weydiiyaan xukun hayntiisa. Waxa se muhiim ah in xawaaraha uu isbeddelkiisa ku wadaa aanu raysalwasaaraha illowsiinin muhiimadda ay leedahay wadashada ugu yaraan dadka aan la dhacsanayn ee weli talada xisbiga iyo tan dawladdaba awoodda ku leh, oo ay run tahay in ay fursad uun sugayaan, iyo in aanu illaawin in uu xukunka ku yimi sifo ku meelgaadh ah oo xal raadin iyo raalligelin looga dhigayey kacdoonnadii socday.

Wax badanina waxa ay xidhanyihiin, hadba sida uu siyaasadda gudaha u maamulo iyo sida ay dalalka imika Abiy Axmed garbaha hayaa ula sii wadaan hawsha.

JABBUUTI 

Dalka Jabbuuti waxa uu gobalka iyo dunidaba u leeyahay muhiimad istaraatijiyadeed oo dhinaca dhaqaalaha iyo ammaankaba taabanaysa. Jabbuuti iyo Yemen ayaa ah labada dal ee ugu dhow marinbiyoodka Baabul Mandab, oo leh muhiimad dhuleed, siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan, ahna marinka ugu muhiimsan ee isku xidha qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Laakiin xaalka siyaasadeed ee imika ka jira Jabbuuti oo ay ugu horreyso; Quwadaha kala danaha ah ee ay isu keentay, xidhiidhka aan fiicnayn ee ay la leedahay dalalka duufaanka Geesku danta u yahay iyo dhaqanka xukun ku dhegga iyo isbeddel la’aanta ah ee ka jira, ayaa ka dhigaya dal aan sidii la rabay ugu gorgortami karin muhiimaddiisa, waaba haddii uu ka badbaado in duufaanku uu jiidho ee.

 

Waxaa qalad siyaasiya ahaa in dawladda Jabbuuti ay si degdeg ah u taageertay isbahaysigii Carabta ee go’doonka geliyey dalka Qatar, iyada oo aan ka fikirin danaha ay ku waayi karaysay oo ay ugu horreysay in dalka Qatar ciidamadiisu ay ahaayeen kuwa ku dhex jira Jabbuuti iyo Ereteriya. Waana tii sababta u noqotay in Qatar ay ciidamadeeda kala baxdo xuduudka, kaddibna talka Ereteriya uu si degdeg ah u qabsado dhul dheeraad ah oo ay Jabbuuti leedahay. Waxa kale oo qalad kaas hore ka sii weyn ahaa, in Jabbuuti ay haddana si degdeg ah isugu dhacaan dalka Imaaraadka Carabta oo ah kan ugu xarakaadka badnaa xulafadii Qatar ka soo horjeedday, labadaa tallaabo ee ay Jabbuuti israacisay waxa ay si isku mid ah uga wada fogeysay dalalkii muhiimka u ahaa ee carabta oo ay marka hore xidhiidh aad u fiican la lahaan jirtay. Waxaa maanta la gudboon Jabbuuti in ay casharkaas hore wax ka barato oo ay mar kale ka taxaddarto in duufaanka hadda socda ay la jaanqaadi kari weydo, oo ay cadow cusub ku samaysato.

 

Si kastaba ha ahaato ee madaxweyne Geelle waxa uu weli haystaa fursad uu dalkiisa kaga badbaadin karo duufaanka dhacaya, waxa aana ugu horreeya in uu adkeeyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya, in uu ka shaqeeyo sidii ay u dhammaan lahayd colaadda ka dhaxaysa Ereteriya ama ugu yaraan loo suurin lahaa, iyo in uu dejiyo khilaafka u dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo meesha ku jirta sida uu u soo dhoweysto Maraykanka oo isbeddelka socda lug weyn ku leh. Waxa iyaduna talo muhiima ah in uu mar kale ka fikiro isku wadka quwadaha is diiddan ee uu isu keenay iyo in talada dalka uu furfuro, gacanta dadkana ku soo celiyo si aanay u lumin is midnimada iyo xasiloonida guduhu.

LA SOCO QAYBTA U DAMBAYSA 

 Kamaal Marjaan

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!