Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson MandelaAfrika. Staff Writer (Q:6aad)

Published on Jan 01 2014 // Editorial/Staff Writer, Warar

Picture6Haddii aad u haysato in Mandela ay ka dhab ahayd in isaga iyo kooxdiisu ay yihiin reer Miyi aanu ku jirin qof madaxtooyo maamuli karaa, ma’aad fahmin xikmadda qisadan oo tilmaam u ah laab-xaadhnaanta siyaasadeed ee Mandela iyo sida uu diyaar ugu ahaa in uu qaranka uga faa’ideeyo dadka waayo aragga ah, waana sirta ugu weyn ee ku jirta guusha ka dhigtay hoggaamiye siyaasadeed oo dhab ah.

Tallaabada kale ee iyaduna xusidda mudani waxa ay tahay in; Nelson Mandela uu madaxweyne ku xigeen ka dhigtay madaxweynihii xilka uga horreeyey ee hoggaaminayey dowladdii midab takoorka F. W. De Klerk, go’aankaas uu madaxweyne ku xigeenka caddaanka ah ku raadsaday waxaa ku jiray laba qodob oo muhiim u ahaa dowladdiisa:

– Kan koowaad waxa uu ahaa in uu bulshada si ficil ah u tuso in ay dhammaatay cuqdaddii midab takoorku ka tegey ee dadka qaybisay, in uu umadda u muujiyo in cafiska iyo isa saamaxa uu muwaadiniinta ka doonayaa aanu ahayn ereyo siyaasi ah oo afka uun uu ka odhanayo, balse uu yahay wacad uu naftiisa si niyad ah ula galay; xujada ugu dhow ee ay dadku ka dheehan karaana ay tahay in uu ku xigeen ka dhigtay ninkii hoggaaminayey dowladdii midab-takoorka ee muddada rubuc qarniga ka badan ku haysay xabiysada ciqaabta.

– Muhiimadda labaad ee ay tallaabadani lahayd waxa ay tahay, De Klerk waxa uu hoggaaminayey dowlad guun ah oo talada dalka soo haysay muddo nus qarni ku dhow, sidaa awgeed waxaa hubaal ah in ay ku jirto waayo aragnimo weyn oo dhinaca maamulka, hoggaaminta iyo siyaasadda ahi, iyo weliba xog’ogaal nimo badan oo uu hayo macluumad qaranka iyo dowladnimada uu Mandela dhisayo muhiim u ah, taas oo la xidhiidha nidaamka dowliga ah, sidoo kale De Klerk iyo raggiisu waxa ay leeyihiin xidhiidho badan oo diblumaasiyadeed iyo kuwo caalamiya oo muhiim u ah dowladdan cusub.

Maadaama oo Mandela iyo xisbigiisu ay ahaayeen mucaarad aan khibrad hore u lahayn hoggaaminta qarankan waxaa qasab ku ahaa in ay la tashadaan cidna kala hadhaan dowladdaa hore ee guunka ah. Waana sida ugu sahlan ee is-beddelka dowladda ku yimi looga ilaalin karo in uu raad taban ku yeesho hab-sami u socodka hawlihii qaranka iyo dhismaha dowladnimo.

Somaliland waa dal curdin ah oo weli xidhiidhadiisa diblumaasiyadeed aanay qaan-gaadhin, xidhiidhada diblumaasiyadeed iyo iskaashiyada caalamiga ah ee ay ku jirtaana ay yihiin kuwo ay qasab tahay in ay qarsoodi ahaadaan oo si sir ah ugu dhexeeya masuuliyiinta ugu sarraysa Somaliland iyo dalkaas kale, taas oo sababta kallifaysaa ay tahay aqoonsi la’aanta Somaliland oo ay ka dhalanayso in aanay xidhiidho laba-geesood ah oo buuxa la yeelan karin dalalka dunida.

Sida la wada og yahay muddadii ay dowladdii Md. Rayaale talinaysay ayaa ahayd waqtigii ay Somaliland horumarkii ugu weynaa ka samaysay dhinaca xidhiidhada caalamiga ah iyo iskaashiyada kala duwan ee dhinaca amniga sida argagaxisada iyo budhcad badeedka, la yeelanaysay dalalka dunida ee kala duwan, gaar ahaan kuwa reer galbeedka iyo dalalka aynu deriska nahay, taas oo marag ma doon ka dhigaysa in Madaxweyne Rayaale iyo raggii sida aadka ah ugu dhowaa talada ee xukuumaddiisu ay hayaan xogo iyo xidhiidho muhiim ah iyo siro aanu qaranku ka maarmayn cid kastaaba taladiisa ha hayso ee. Nasiib darro bilowgiiba madaxweyne Siilaanyo waxa uu daaqadda ka saaray dadkii uu u arkayey in ay la soo shaqeeyeen maamulkii ka horreeyey. Waa run in hab-macaamilkii qallafsanaa iyo nidaam xumadii badnayd ee Md. Siilaanyo iyo xisbigiisu ay kala kulmeen maamulkii Rayaale aynu odhan karno waxaa ka dhalatay is colaadsi badan oo siyaasadeed oo ka mid ahayd sababaha ku kallifay Siilaanyo in uu fogeeyo dadkii Rayaale, haddana xaqiiqada uu baal maray waxa ay tahay in markan ay isaga tahay cidda u baahan waayo-aragnimadaas ka horreysay si aanu u fashilmin maamulkiisa cusubi. Waanay jirtaa in muddo aan badnayn kadib ay wax badani iska beddeleen hab-dhaqankii bilowgii uu Siilaanyo ku qaabilay raggaas ka horreeyey, oo duruufihii maamul ee ka hor yimi ay tuseen in aanu dadkaas oo dhan ka wada maarmi karin, kuwo badan oo ka mid ahna uu dib u soo ceshaday, haba u badnaadaan masuuliyiin aan gaadhsiisnayn heerkii ay arrimo badan xog ogaal ugu noqon lahaayeen.

Si kastaba ha ahaato ee, waxaa jira fikir xooggan oo aaminsan, in madaxweyne Siilaanyo ay ahayd inuu Mandela ka barto dersigaas ahaa in uu soo dhoweysto masuuliyiintii sare ee hore, gaar ahaan madaxweyne Rayaale oo ay dad badani aaminsan yihiin in muddada 8da sano ahayd ee uu dalka hoggaaminayey iyo weliba muddo shan sano ah oo uu madaxweyne ku xigeen u ahaa siyaasi ruug-caddaa ah, awgeed uu helay waayo aragnimo badan, isla markaana uu lahaa xidhiidho fiican oo dhinaca diblumaasiyadda iyo amniga ah, gaar ahaan Itoobiya oo ah marinka ay Somaliland dunida uga gudubto, iyo saaxiibkeeda uugu weyn iyo sidoo kale Maraykanka oo xidhiidho adag uu la lahaa, sidaa awgeed ay qumanayd in uu madaxweyne Siilaanyo si uun u soo dhoweysto Md. Rayaale, ugu yaraanna ka dhigto la-taliye dhow oo arrinaha qaarkood kala shaqeeya, si danta qaranku u noqoto ta muhiimadda koowaad leh, dadkana uu sida Mandela u tuso in uu yahay hoggaamiye kii ka fogaa iyo ka la socdayba madaxweyne u wada noqon kara.

Dersiga 5aad: Dhaqaalaha dalka iyo Nolosha Muwaadiniinka:

Nelson Mandela markii uu talada dalkiisa qabtay waxa uu magacaabay guddi dhaqaale oo heer qaran ah oo dejisa khariiradda dhaqaale ee dalku ku soconayo, soona curisay barnaamijyada dhaqaale ee ay tahay in ay dowladdu hirgeliso si loo wanaajiyo heerka nololeed ee muwaadinka reer Koonfur Afrika. Hawlaha muhiimka ah ee uu guddidadani qabtayna waxaa ka mid ahaa in uu dejiyey khariirad cilmiyeysan oo si fiican looga baaraan degey lana aaminsan yahay in ay sees u noqotay hormarka dhaqaale iyo nololeed ee ay Koonfur Afrika samaysay intii ka dambaysay nidaamkii midab-takoorka, iyo in ay kor u soo kacdo nolosha dadkii madowga ahaa ee dhul yaalka ahayd; waana dersi ay fiicnaan lahayd in hoggaamiyaha ruug cadaaga ah ee Somaliland kala baxo taariikhda hoggaamineed ee Nelson Mandela.

Marka laga yimaaddo aqoonta heer jaamacadeed gaadhsiisan ee uu madaxweyne Siilaanyo u leeyahay cilmiga dhaqaala waxaa u raacday muddo dheer oo uu ku shaqaynayey, tusaale ahaan laba sano oo u dhexeeyey 1978kii illaa 1980kii waxa uu guddoomiye u ahaa guddidii dhaqaalaha qaranka ee dowladdii askarta oo uu sidoo kale muddo 11 sano ah wasiir ka ahaa wasaaradaha ganacsiga iyo qorshaynta qaranka oo labaduba si uun xidhiidh ula lahaa dhaqaalaha, sidoo kale xukuumaddii madaxweyne Cigaal (AHUN) ee Somaliland ayaa uu ka soo noqday wasiirka wasaaradaha maaliyadda iyo Qorshaynta. Shaqadaas muddada dheer ahayd iyo aqoontaas uu dhaqaalaha u lahaa ayaa keentay in dad badani ay Md. Siilaanyo ku tuhmayeen in uu ka dhaxlay waayo-aragnimo uu nidaam dhaqaale oo togan ku hoggaamin karo Somaliland. Waxaa dadka sii hunguri geliyey barnaamijkii quruxda badnaa ee uu Siilaanyo ku galay ol’olaha oo xoogga saaray horumarinta dhaqaalaha iyo nolosha muwaadinka. Nasiib darrose Saddex sano iyo badh kadib weli waxaa la dhaliilsan yahay dhaqaalaha dalka, waa run in ay xukuumadda Siilaanyo kordhisay miisaaniyadda guud ee qaranka, laakiin runta taas wehelisaa waxa ay tahay in miisaaniyad korodhkaasi aanu ku iman dhaqaalihii iyo dakhligii dalka oo kordhay ama ilihii dhaqaale ee dalka oo wax soo-saarkii kordhiyey balse, waxa uu ku yimi keliya cashuurihii dadka laga qaadayey oo qaarkood la kordhiyey iyo cashuuro sharci ah balse aanay dowladihii hore qaadi jirin oo xukuumadda Silaanyo ay dhaqan gelisay.

Illaa hadda Ma jiro horumar dhaqaale oo la taaban karaa, sidoo kale sidii la filayey uma shaqeeyaan madaxyada horumarinta ee miisaaniyadda qaranku. Muddadii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jirtayna waxaa sabbaynayey qiimaha isku beddelka shilinka iyo lacagaha qalaad, gaar ahaan doolarka oo saamayn weyn ku leh sicirka suuqyada Somaliland, waxaa si xad dhaaf ah u kordhay maciishaddii daruuriga ahayd oo qaarkood in ka badan boqolkiiba 200 uu qiimahoodu kor u kacay, waxaa batay faqrigii muwaadiniinta, iyo shaqo la’aantii, waxa aanu dalka qarka u saaran yahay in bulshadu u kala fuqdo laba dabaqadood oo dhaqaale oo aan is haybsan karin, taas oo halis ku ah qarannimada dalka iyo nolosha muwaadiniinta, gaar ahaan marka la eego dhaqanka isku-dul-noolaanshiyaha ah ee reer Somaliland.

Waxa ay dad badani dhaliilayaan qaabka saami ee ay miisaaniyaddu u qaybsan tahay oo ay culayska saartay hay’ado aan muhiim ahayn, kuwii aasaasiga ahaana lacag aad u yar u qoondaysay, tusaale badanna inoogama baahna, marka aynu eegno miisaaniyadda Talefishanka qaranka ee ka badan miisaaniyadda loo cayimay qaar badan oo ka mid ah wasaaradaha adeegga bulshada. Waxaa intaas kaba sii daran musuq-maasuqii oo baahay iyo qandaraasyadii dowladdu bixinaysay oo badankoodu ku baxa hab-madow badani ku jiro dadka qaarna kuba tilmaamaan naas nuujin iyo cid jeclaysi. La soco…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!