Doorashaddii Somaliland Xor Iyo Xalaal Ma Ahayd?

Published on Nov 28 2017 // Maqaalo

Yuusuf Goodir

Doorashaddii ka dhacday wadanka Nofembar 13dii , 2017 waxay lahayd muuqaal aan sina looga duwi Karin kuwa caalamiga ah ee dunida talaabsatay ku dhaadato, doorasho xor iyo xalaala ah (free and fair election.) Ma dhabaa sidaasi? Jawaabta su’aashaasi waa waayo badan! Marka laga eego komisionkii aynu igmanay iyo awooda xuquuqeed ee ay lahaayeen haa waa mid u dhacday si xor iyo xalaal ah. Wareegtadii madaxwaynuhu waxay joojisay in aan lagu hawl gelin hantida qaranka iyo weliba shaqaalaha dawladda. Iyadoo warbaahinta qarankana ay mucaaridku si xoogan uga hawl galeen, isla markaana aanay jirin cid laga laga horjoogsaday in ay warqadda codka ku rido sanduuqa.

Si aynu u saafno su’aasheena iswaydiintu waxay tahay ma cid baa laga horjoogsaday in ay codayso, waa maya. Sidee baynu markaa su’aal u gelin karaa xor iyo xalaalnimadda doorashadda! Aadamiga fahamkiisa garashadda ayay ka timaadaa tilmaanta ama jawaabta uu bixiyaa, taasna wuxuu u gar-gaarsadaa aaladaha Illaahay inoogu deeqay ee loo yaqaan shanta dareeme. Bal waxaad ka soo qaadaa in muraayad lagaaga soo cawaray meel 20m kuu jirta, ma ku doodii kartaa in falaadhihii qoraxdu xiligaas kaa qariyeen in aad si qumaati ah wax u aragto? Waa hubanti. Ma u arki kartaa in cidda ku cawartay kugu xad gudubtay? Oo haddaase! Xiligaas haddii laba qof oo aad eegaysay wax isu gaystaan markhaatina maxkamadda horteeda lagu soo taago, ma kala furdaamin lahayd; mise waxaad odhon lahayd, mid habaar qabe ah ayaa muraayad igu cawarayay? Dee haa! Sidaas waxaa la mida maqalka oo haddii agtaada bawdaan laga tumo aanad maqasheen wixii lagu yidhi ama cid kale is tidhi.

Aynu taas ku xidhiidhino halbeegga lagu codeeyay. Maxaa ka soo baxaya haddii dadkii codeeyay la waydiisto in ay is dabataagan qof waliba murashaxii uu u codeeyay. Markhaati ma doontadu waa in taageeraddu ku dhisnayd qabiil. Xiligii ololaha waynu arkaynay in maalinba dadku xaafad ka soo sunsumayay. Aragtidu waxay ahayd in taageeruhu la qoys yahay murashaxa ama ninkale oo madax ah oo la socda. Tiro aad u yar baa jirtay kuwaas oo la shawray maankooda dabadeedna go’aan saday in ay murashax codka siiyaan. Halkaa waxaa ka muuqda in qofku aanu madax banaanayn  oo maankiisa la daba fadhiyay, dan guudna aan laga talin. Waxay inoo sheegaysaa in laga gudbay dareemayaashii uu qofku miciinsan lahaa lagana dheereeyay, si toos ah ayaa loola wareegay maankiisii waxaana lagu shubtay warkii loo baahnaa. Miyaanay arinkaasi inoo muujinayn in aanu qofku xor ahayn xiligii cod bixinta.

Xiligii doorashaddii degaanka ayaan la hawl galay koox ka mid ah goob joogayaashii caalamiga ahaa, habeenkii labaad doorashadda ka dib ayaanu fadhiisanay hudheelka City Plaza, nin ka mid ah madaxdii goobjoogayaasha ayaan ku idhi, xiliagan naguma haboona dimuqraadiyaddu, wuxuu ku jawaabay oo lixdankii ayaaba is dooranayseen, waxaan ugu warceliyay haa Siyaad Barre ayaa sameeyay –big interruption. Haweenay Ingiriis ah oo goobta joogtay ayaa qosol dheer la dhacday.

Waxaan uga socdaa Dimuqraadiyaddu ma waxay u baahan tahay in bulshadda loo diyaariyo misee waa ku rid codkaaga. Dimuqraadiyaddu waa geed hadhwayn oo ku baxa ciida Reer Galbeedka, kaasi wuxuu ahaa cinwaankii maqaal aan qoray muddo haatan laga joogo 20 –sano.

Sida uu dhigayo dastuurka Somaliland qofka waa la dooran karaa, cid kalena wuu dooran karaa. Si taasi u meel marto waxaa cid kasta oo doonaysa loo ogolaaday in loo diiwaan geliyo urur, kuwaas oo ay ka soo dhex baxeen saddexda xisbi ee tartamay. Yaa kala saaray ururaddaa? maxaa lagu cabiray? Ma dhabaa in saddexdani ahaayeen kuwii ugu mudnaa? Taa ka soo gudub. Ma jiraa xisbi murashaxiisa si hufan xisbiga gudihiisa lagula soo tartamay? Ha ka yaabin! Taasi ma jebinaysaa xeerka kor ku xusan? Dad badan oo isa soo taagi lahaa baa ku hungoobay.

Qormaddii hore waxaynu ku soo tilmaanay in aan cidna si muuqata looga horjoogsan cod bixintii, qof kasta oo doonayay in uu warqadda codbixinta ku rido sanduuqa wuu haleelay. Sidoo kalena waxaynu tibaaxnay in dadku sidii ay u badnaayeen maankoodii la dhacsiiyay in ay ku codeeyaan taageero inaadeer. Halkaa waxayu ka  soo falkinay qodob tilmaamaya in aan doorashadu si xor iyo xalaal ah u dhicin iyo mid tilmaamaya in ay ahayd xor iyo xalaal. Kee baynu raacnaa! Haddii aynu ka hore yeelno waxa eedda qaadanaya qaranka Somaliland ee ku guul daraystay in bulshadda Somaliland aan loo diyaarin aqoontii iyo kalsooniddii ay u baahnayd ee kaga maarmi lahayd qabiil ku codaynta. Eedaasina waxay u taal intii madaxwayne ee ina soo martay oo aan maanka ku hayo in ay dhamaan ku guul daraysteen masuuliyaddii loo igmaday.Haddii aynu ka danbe yeelnana, Gudoomiyaha xisbiga Wadani wuu gefay oo doorashadda go’aankeedii wuxuu ku tilmaamay in la duudsiyay.

Labada qodob ee aan kor ku xusayba waa biyo kama dhibcaan. Midi waa arin togan oo cod bixiyayaashii lama kala faquuqin. Ka kale aynu faaqidno, xisbiyadan tartamayay mid waliba sidii uu ku bilaabmay waynu ogayn oo waxay ahaayeen urur nin samaystay reerona ka caawinayeen. Gudoomiyaha murashaxa Ucid ayuun baa dhawr jeer farta ku fiiqay sida qaawan ee labada xisbi ee kale u adeegsadeen qabiilka. Waa tii Salaadiintu Laascaanood iskaga daba tagtay; Burco Jeegaantii lagu sii adkeeyay; Boorama is xulafaysigii hore  lagu dhidbay. Sidaas daraadeed, wuxuu ahaa xad gudub si guud loogu gaystay bulshaddii codaynaysay ee ma aha mid cid gaara lagu duudsiyay. Taasna waxaynu ku xardhaynaa in aan komishinka doorashaddu eed ku lahayn.

Labadda xisbi ee Kulmiye iyo Wadani waxay bilaabeen in ay ololohooda bilaaban iyadoo aan wakhtigii la gaadhin. Mar labaadkiina kumay joogsan kii odhanayay yaan la bilaabin ololaha berito inta ka horaysa 8da  habeenimo oo weliba dhismo gudeheed ah.

Cabashaddii ka timi xisbiga Wadani ee ku shubashadda waxaa sal u ahaa buuggii gacantooda soo galay oo tilmaantu ahayd in uu yahay mid si sharci daro ah loo soo daabacday. Buugaas xaajadiisu waxay ku soo ururtay in uu ka mid ahaa agabkii doorashadda. Laba qodob mid uun bay ahayd, in reer Wadani buuga dhulka ka heleen, ama uu ka soo gaadhay cid ka tirsan Komishinka? Komishinka qaranka waxaa la gudboon in ay si sharciga waafaqsan uga jawaabaan. Waayo, dad baa u dhintay! Madaxda xisbiga Wadanina waxaa la gudboonayd in ay buuga si hoos ahaan ah ugu celiyaan Komishinka. Waayo, xisbiyadda iyo komishinka wada shadashaqayn baa ka dhexaysay. Sida ku jirtay warbixintii komishinka sanaaduuq la qoonsaday waa laga saaray tiraddii, mana jirin sanduuq lagu guray codkii loogu talo galay oo dhan. Halkaana waxaynu kaga tegaynaa in ku shubasho hadhan tahay.

Arinta da’da goobjoogayaashii way tilmaameen, waxayse ku xidhan tahay qaradeeda, oo iyagu ay tilmaameen in aanay doorashadda wax u dhimayn taas oo laga garan karo in aanay badnayn. Gudoomiye Ciro wuxuu u jeeday in lagu codeeyay dadkii dhintay kaadhadhkoodii. Waxaa hubanti ahayd in labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadaniba isku dayeen waddo kasta oo ay ku hanan karayeen guusha. Gobaladda ayuun baa kala duwanaa, waxyaabaha dhacay waxaa ka mid ahaa in dadka waawayn la lugoynayay oo safka laga saarayay iyadoo la lahaa halkan kuma qorid; lacag la bixinayay; kaadhadh la sheegay in qaad loo rahmay markii danbena logu codaynayay sida kuwa laga dhintay. Reer Kulmiyana markay ogaadeen in ay guulaysteen ayay shibta galeen intan oo kale way odhon lahaayeen sidaan filayo.

Qardoofooyinkii dhacay waxaa ka mid ahaa in Xisbiga Wadani ku dooday in Barnaamijka Kulmiye yahay koodii. Waxaa jira tilmaamo dawladnimaddu leedahay oo si isku dhow looga hadli karo. Tusaale ahaan, ka Wadani waxaa ku jiray 2. Dib –u- Qaabaynta maamulka iyo Siyaasadda Dalka, 3. Xoojinta koboca dhaqaalaha; halka uu ka Kulmiye ahaa 3. Dhaqaalaha, 6. Hore u marinta maamul-wanaaga, markaan baadhay nuxurkooda hoose wuu kala duwan yahay.

Eeddii loo soo jeediyay Murashaxa xisbiga Wadani ee ahayd in uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya marna lama soo bandhigin wax xaqiiq ah. Waxaanay ahayd xad gudub bulshadda qayb ka mid ah lagu riixayay in ay doonayso Soomaaliwayn. Mar haddii dadku ku kala qaybsanaayeen reero eedayntaasi waxay ahayd mid bur-burinaysa qaranka Somaliland. Laba iyo toban sanadood oo uu gudoominayay golaha wakiiladdana lama sheegin, waayo, qaran looma daneeyo ee qof ayay daaran tahay eeddu. Dhinaca kale cod bay u kordhisay Wadani.

Aan kala reebo labaddii qodob ee iska soo horjeeday, Dadka garaadkoodii loo gacan dhaafay xiligan waxba lagama qaban karayn waana arin u baahan istiraatijiyad iyo wakhti. Sidaas daraadeed, doorashaddaasi waxay ahayd mid xor iyo xalaal ah.  Komishinka qarankuna xilkoodii waxay u guteen si toolmoon.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!