Donald Trump Sodoggii Iyo Soddohdii Oo La Siiyey Sharciga Deggenaanshiyaha Maraykanka (Green Card)

23
2968

Washington (Geeska)- Labada waalid ee afada madaxweynaha Maraykanka ayaa la siiiyey sharciga deggenaanshiyaha rasmiga ah ee dalka Maraykanka oo loo yaqaanno Kaadhka Cagaaran ‘Green Card’. Taas oo jidka u xaadhaysa in ay noqdaan muwaadiniin Maraykan ah.

Michael Wields oo ah qareenka socdaalka ee New York ayaa wargeyska Washington Post oo baahiyey warkan Geeska Afrika turjumay ku yidhi, “Waxa aan kuu xaqiijinayaa in Marwo Trump labadeeda waalid ay dhowaan sifo sharci ah ku soo gelayaan Maraykanka iyaga oo haysta sharciga deggenaanshiyaha joogtada ah” Laakiin qareenku waxa uu diiday in uu caddeeyo sida iyo goorta ay Victor iyo Amelie Knvas oo u dhashay dalka Slovenia ku heleen kaadhka cagaaran.

Waxaa maalmihii u dambeeyey soo baxay su’aalo kala duwan oo la xidhiidhay sida ay sharci ahaan noqonayso xaaladda sharci ee ay lammaanahan soddoga iyo soddohda u ah madaxweyne Trump ku soo gelayaan Maraykanka iyada oo la ogyahay in Donald Trump uu xayiraado ku soo rogay soogaleetiga.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintan oo ay warbaahintu wax ka weydiisay, laakiin haweenay afhayeen u ah Marwo Melanie oo lagu magacaabo Stefanie Gresham ayaa mar sii horreysay oo ay la hadashay wargeyska Washington  Post waxa ay sheegtay in aanay shaqadeeda ka mid ahayn in ay ka hadasho xaaladda dad aan ka tirsanayn xukuumadda, waxa aana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxba ka odhan maayo qadiyadda labada waalid, waayo waa dad si madaxbannaan oo u gaar ah u nool, wax xidhiidh ahna lama laha xukuumadda”

Victor Knvas oo dhalay marwada koowaad ee Maraykanka da’diisu waa 73 sano jir, waxa aanu hore u ahaan jiray xubin ka tirsan xisbigii Shuuciga ahaa ee ka talin jiray dalka Yuguslaafiya, isaga oo sida oo kalana mar dalkiisa Slovania ka ahaa tagsiile. Amelia oo ah marwada hooyadeed iyadu waa 71 sano jir, waxa aanay ka shaqayn jirtay warshad dharka soo saarta.

Afada madaxweynaha Maraykanka Melanie Trump ayaa qudheedu ah soogaleyti dalka Maraykanka markii ugu horreysay dal-ku-gal booqasho ah ku timid sannadkii 1996 kii, laakiin kaadhka cagaaran ayaa ay qaadatay sannadkii 2000, ugu dambayntiina sannadkii 2005 ta ayaa ay guursatay Donald Trump iyada oo sidaas muwaadinad rasmi ah ku noqotay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here