Cirro Iyo Faysal Oo Sameeyay Guddi Baadhaysa Dawladaha Hoose Ee Dalka

27
3783

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa si rasmi ah u shaaciyay gudi dhalinyaro isku dhaf labada xisbi ka tirsan oo baadhitaan cilmi ah ku samayn doona goleyaashii deegaanka ee la doortay dhibaatooyinka iyo dib u dhacyada ay gaysteen.

Eng.Faysal CalI Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa iyaga oo ay niyad sami ka muuqato shaaciyay inay gudidan aqbaleen isla markaasna baadhitaan baahsan ay ku samayn doonaan goleyaasha deegaanka ee dalka.

Eng.Faysal Cali Waraabe oo ugu horayntii ka hadlaayay gudidan isku dhafka ah waxa uu yidhi “Gudidan isku dhafka ah ee ka soo jeeda labada xisbi qaran, hawshay u dhaqaaqeena waa hawl loo baahan yahay, waa dareen qof kasta oo reer Somaliland ah uu qabo dalka guud ahaanba inay wax ka qariban yihiin, haayadaheena oo dhami ay iska baaba’een, waxaanu ka bilaabi doonaa inaanu dadka u soo bandhigno runta, sida ay u shaqeeyaan dawlaha hoose masuulyad darada ah, sida dalka ay u boobeen, sida xilkii loo doortay aanay uga soo bixin, waxaanu doonaynaa in arinta si dhakhso ah loo bilaabo, waanuna ka aqbalnay inamada iyo hablahaba labada guddi.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaguna waxa uu dhankiisa halkaas ka yidhi”Halkan waad aragtaan oo labadii guddoomiye iyo labadii xisbi ee mucaaradka ahaa  ayaa ku kulmay, kulankayagani waa uu ka duwanaa kulamadii hore ee asxaabtu kulmi jirtay, barigii hore waxaad maqli jirteen guddoomiye hebel ayaa gudi magacaabay, laakiin maanta way ka duwan tahay oo halkan dhalinyarada hareerahayaga taagan ee ka tirsan labada xisbi ayaa curinta lahaa in maanta dalku u baahan yahay in shacbiga indhihiisa lagu soo jeediyo xaalada taagan, waa bar bilow uun oo waa shaqadii ugu horaysay, waxaanay soo jeediyeen anaguna aanu aqbalnay hadaanu nahay labada gudoomiye inay gudidaasi si dhab ah u hawl galaan, waxay samaynayaan baadhis cilmi ah oo aan ku saabsanayn borobogaando cidna aan duulaan ku ahayn oo ah in ay xaqiiqo dhab ah ka baadhaan golayaashii deegaanka ee aynu dooranay iyaga oo ka bilaabaya caasimada, gobalada kalena u gudbi doona, xaqiiqda dhabta ah ee ay baadheena shacbiga waanu u soo bandhigi doonaa, waxayna qayb ka noqon doontaa sida ay shacbigu wax u dooranayaan, haday tahay deegaan iyo baarlamaanba, waxaanay noqon doonaan gudi wada jir ah oo labada xisbiba ansixiyeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here