Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 25aad

Published on Mar 27 2014 // Warar

Picture4Haybadle Boqor Haille Salassie: “Warkiinu ma aha mid toos looga jawaabi karo, waayo waxa uu u baahan yahay feker badan. Taariikhda Itoobiya waxay caddaynaysaa in soodimaheedu ay gaadhsiinaayeen Geeskan Afrika ilaa Areebiya (Arabia). Waxa hadda sidan ku soo koobay soodimaheeda, duulimaadkii ay nagu soo qaadeen cadawgayagu iyo dareen la’aanta dadkayaga.

Waxa xorriyadda la idiinku oggolaaday dhowaan, waxa laga cabsaday waddaniyadayada iyo qiiradayada. Eriteriya muddo badan ayey ku jirtay gacanta cadawgayaga, Illaahay mahadii waa nagu soo noqotay, annaga ayey wax nala qabtaa.

Marka laga yimaaddo Eriteriya, Harar iyo Ogadeen ma aha dhul hadda nagu soo wareegay, Aabbahay ayaa xukumi jiray, dabadeedna annaga ayaa uga dambaynay. Markii Eriteriya iyo Asmara naloo soo ceshay, Soomaaliya iyo Moqdishu waxa loo dhiibay Talyaaniga. Maxay ahayd ujeeddada laga lahaa arrintaasi? Talyaanigu waxa uu ahaa cadawgayaga; iyagana waa uu gumaysan jiray haddana waxa la yidhi Wisaayad ku haya.

Markii aannu ku soo noqonay dalkayaga waqtigii dagaalkii labaad, waxa na weydiistay inay sii maamulaan Ogadeen Biritishka, arrimo digtooni dagaal (istraatijiyadeed) awgood. Dagaalkii ka dib way sii haysteen oo marba qurub ayey noo soo celinayeen ilaa la gaadhay 1954 oo intii u dambeysay ay soo celiyaan markii aan ka joogi waynay. Ma idiin sheegi karo dhibaatada naga gaadhay sidii dhulkaasi uu gacantayada ugu soo noqon lahaa. Waa aad ogsoon tihiin in Hawd iyo Reserve Area aanay ahayn dhul madhan oo cidi lahayn (No man’s Land) ee Ogaadeen ayaa muddo dheer degganaa oo ku noolaa.

Arrintaan rabo inaan idiin caddeeyo waxay tahay weligeen ma noolaanaynu, sidaa darteed qofku waa inaannu samayn wax hadhaw laga qomamoodo ama laga shaleeyo. Qof kastaa waa kala garan kara xumme iyo wanaag, gef iyo toos. Waxaad hadda na tidhaahdeen ma aha war nagu cusub, Reer Yurub ayaa warkaas oo kale yidhi. Waxa mar hore soo jeedisay in la dhiso Soomaali weyn ninkii Bevin [Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Midawday (UK) 1945 – 1951]. Waa aannu diidnay soo-jeedintaas oo looga dhan lahaa in dalkayaga lagu googoosto; deeto waa la iska dhaafay soo-jeedintii. Idinku ma tihidin cadawgayaga ee waxaad tihiin Walaalahayo. Cadawgayagu waa ninka saanta cad.

Talyaanigu waxa uu mar yidhi waxan rabnaa Wal Waal, si aan nabadda u illaaliyo. Waa diidnay in dalkayaga la googoosto, deeto waad la socotaan wixii ka dhacay iyo sheekadii halka ay ku dambaysay (Talyaaniga ayaa ku duulay Itoobiya oo qabsaday). Idama lihin Talyaaniga ayaad la mid tihiin, balse waxa aannu idin xusuusinaynaa sida uu muqadas noogu yahay dhulkayagu.

Inkasta oo Biritish-ku ay isaga hadheen soo-jeedintoodii ahayd Soomaali-weyn, waxay dhowaan la yimaadeen midawga Soomaaliya iyo Maxmiyadii Somaliland. Kama aannu hor iman arrintaasi inay dhacdo… Waxa aan ka baqnay in la isku kaaya diro Soomaaliya, sidaas darteed waxa aan la xidhiiidhnay Cabdullaahi Ciise (Madaxii Dawladda Soomaaliya) si aannu uga saarno shakiga la geliyey. Waxa aannu u caddaynay inaanaan wax ka qabin xorriyadooda iyo midawgaba. Markii aannu Ogadeen u tagnay sidaas si la mid ah ayaan u sheegnay.

Haseyeeshee, haddii gobanimadaasi iyo midawgaaasi uu yahay far cusub oo isticmaar oo cadawgayagu wato; waa ka horimanaynaa. Cidina nooma iman oo naguma mahadnaqin taageeradaasi. Wax xummaan ah uma aanaan qaadan maqnaashahaas, waxa laga yaabaa inaad sababo kale ku maqnaydeen. Midabkeena, dalkeena, ciiddeena ayaa ina mideeya, ma jirto sabab aan ku colownaa. Muqdisho ayaad tagteen si aad ula midoobi lahaydeen Soomaaliya. Markii Biritish-ku uu idiin oggolaaday xorriyadiina, maxaad noogu iman waydeen intaydan tegin Soomaaliya iyo London? Itoobiya oo ah deriskiina koowaad oo ah dal madaw, maxaad annaga noogu soo horreyn weydeen, hadhow waxaad doontaanba sameeya oo? Haddii rabitaanka gobanimadu uu runtii dhinaciina ka yimid, annaga ayaad noo iman lahaydeen, waxase aan darremaynaa inay tani tahay dib u soo noolayn qorshihii Beeefin (Bevin plan) iyo Soomaali-weyn.

Halkan [Itoobiya] cidna laguma dhibo, ha ka yimaaddo Soomaaliya ama Somaliland ama meel kaleba. Hadalkiina fiican ee aad ku soo qaadeen gobanimada dalalka Afrika ee ka xoroobaya isticmaarka shisheeyaha iyo inaannu nahay odayga madaxda Afrika aad ayaad ugu mahadsan tihiin. Haseyeeshee, waxay ahayd inaad annaga nala wadaagtaan farxadda gobanimadiina, annaga oo ah dalka ugu da’weyn dalalka Afrika, halka aad cadawgayaga ugu tagteen.

Qofna gacantiisa ma gooyo, oo kuma sooryeeyo qof kale si loogu amaano. Ma doonayno hal hiish oo dhul cid kale leedahay. Bal soo eega sida Eriteriya u horumartay markii ay gacantayada dib ugu soo noqotay. Waxa aannu ka dhisnay mashaariic beerood, waxaannu ka dhisnay cusbataalo, dugsiyo iyo wershado, ma tirin karo mashaariicda horumarinta ah ee aan ka fulinay Eriteriya.

Wasiirkayga Arrimaha Gudaha oo Badhasaab ka ahaa ayaad ka warsan kartaan arrimahaas haddii aad rabtaan… Waxa aynu nahay dad walaalo ah, waxase xidhiidhkeena xummaynaya qorshii hore ee isticmaarka. Markaad Muqdisho tagteen, waxad u ololayseen Soomaali-weyn iyo inaad ka mid noqotaan Commonwealth-ka (Barwaaqasoornka Boqorada Biritisku Madaxda ka tahay). Aniga oo ah Boqor Afrikaan ah, miyaad iga filaysaan inaan lug iska gooyo oo oggolaado in lagu xidho Commonwealth-ka, sida aad isugu xidheen? Ogaadeen waa walaalihiin ,miyey ka raali noqonayaan in dalkooda la siiyo Commonwealth-ka? Ma la idiin qabo wax xummaan ah, haseyeeshee si cad oo run ah ayaannu idiinla hadlaynaa. Afriki waxay nagu qiimayn doontaa sida aannu xukunno dadkayaga iyo sida aannu u xurmayno deriskayaga. Walaalayaal idima siin karno qayb ka mid ah dalkayaga. (Warbixintii Wardoonka Dawladda British-ka, la soco)

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!