Dawladda Somaliya Oo Sheegtay Inay La Soo Wareegayso Hawada

24
3432

Hargeysa(Geeska/BBC)-Dawladda Somaliya ayaa sheegtay inay la soo wareegayso hawada dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto.

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii Soomaaliya ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay inay dib u dhis ku sameysay qalabkii lagu hagi lahaa hawadda Soomaaliya oo ay ICAO gacanta ku haysay.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda ee dowladda Somaliya Maxamed Cabdillaahi Cumaar oo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in muddo labo todobaad gudohooda kadib ay si rasmi ah u maamuli doonaan Hawadda Soomaaliya oo laga hagi doono madaarka Muqdisho.

Wasiir Cabdullahi waxaa kale oo uu xusay in faa’ido ay u tahay Soomaaliya, maadaama buu yidhi dhaqaalaha ka soo xarooda hawada Soomaaliya uu ku bixi jiray dalal kale, hataan na dhaqaalahaasi uu dib ugu soo laabanayo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in hay’addo kale ay ku lugyeelan doonaan maamulka hawada ilaa iyo inta laga tabababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh inay maamulaan hawadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu wasiirka intaa ku daray in ahmiyadda ugu weyn ay tahay sidii Soomaaliya ay markale gacanta ugu dhigi laheyd maamulka hawada.

Dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal hadalkan ka soo yeedhay dawladda Somaliya, waxase la filayaa in dawladda Somaliland war cad ka soo saarto arrintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here