Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Xisaab Xidhka Iyo Miisaaniyadda

28
3267

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa kal-fadhigoodii shalay waxay si adag uga doodeen Miisaaniyadda iyo Xisaab xidhada oo ay sheegeen in khaladaadka badan iyo musuq badani ku jiro, waxayna soo jeediyeen in Guddi Wakiilada ah oo baadhitaan ku sameeysa Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda la sameeyso, si loo soo saaro khaladaadkaas, xilli uu hor yaalo xisaab xidhkii 2016-ku.

Xildhibaanada Golaha Wakiiladu waxay kale oo ay soo jeediyeen in awood buuxda siiyaan Hanti-dhawraha qaranka, isla markaana laga ansixiyo Golahooda,si uu awood buuxda oo waajibaadkiisa shaqo u guto, si yar oo fududna aan loogu eriyin, Xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Xildhibaan Baar Siciid oo si adag arintan uga hadlay ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable uu yidhi  “Waatan la leeyahay Dastuurka ayaa la furayaa ee aynu la eegano, oo ninka Hanti-dhawraha waa inuu Goluhu ansixiyaa, Goluhuna awood siiyaa sida Wadamada horumaray, waayo haddii uu nin gacanta ugu jiro ama Wasiir gacanta ugu jiro, umadda waxba uguma fadhiyo waa nin shaqaale ah, waaga anagu waanu soo jeedinay laakiin waa lanagu kacay, waa la qayliyey, masiibo ayey noqotay ay ka baqatay Dawladdii waagaa, waxaan soo jeedin lahaa in xal la soo saaro si umadda hantidoodu ugu nabadgasho, oo inan yar oo Wasiira oo  Madaxtooyo fadhiyaa, iyo nin kale oo meel fadhiyaa aanu ugu takrifalin, ama Wasiir ama kolayga qaadka la geeyeynin, ama baabuur la iska iibsado, la bedelo nidaamkaas, tan aad ka hadlaysaan waxba tari mayso, haddii aan lagu soo celin Golaha sida Adduunka, in Goluhu ansixiyo, kuna eryi karo, ku dadaala in go’aan iyo qodob dastuur bedelida la sameeyo, in Goluhu ansixiyo, Golaha laga doorto, Goluhuna eryi karo”.

Xildhibaan Dable mar uu ka hadlaayey xisaab xidhka ayaa yidhi “Haddii aad doonaysaan in xisaab xidhku hagaago, nidaamka xisaabaadka, ee ay yaqaaniin nimanka xisaab xidhka sameeya, waa inay soo baxaan, sababta bangiga, foojarada wixii baxay waa in lifaaqa go’aan Gole, oo ka soo baxay bangiga, haddii shuraadaas laga waayo xisaab xidhka eedada iyo Wasaaradaha inay baadil tahay masuuliyadeedana ay qaadi doonaan cidii foojaradii aan ku soo xidhin cidii sidii ay u baxday aan ku soo xidhin, hanti dhawruhu ma aqbalaya haddii uu Dawladda hoose u tago oo uu ku yidhaahdo waan ku baadhayaa oo uu ku yidhaahdo lacagtaasi sidaas ayey ku baxday muu yeelayaa waxa ugu horeeya ee uu odhanayaa waa keen foojaraadii iyo sidii ay u baxday, waayo inagu maxaynu u odhan weynay keen foojaradii, iyo xisaabtu siday ku baxday, maxa loo dhan waayey, inagu aynu sameeyno nidaam, inta aan isaga loo yeedhin, qaabkaas baa laga rabaaye ama Hay;’ad tag ama Wasaarrad tag, ku soo xidh sida ay wax u baxeen iyo foojarada, haddii aad ku soo xidhi weydo adigaa jeelka lagu taxaabayaa”

Xildhibaan Baar Siciid ayaa iyana tidhi“Waa in la diro Guddi baadhitaan oo Golaha ah, oo wax soo caddeeya, madaama Guddidii ku shaqada lahayd, ay soo jeedisay qodobo badan oo caddaynaya siduu u dhacay xisaab xidhkani, iyo in aanay is waafaqsanayn Miisaaniyadda, oo dalkana ka muuqato imika, waxaan soo jeedinayaa in wax laga qabto, in baadhitaano la sameeyso in xafiisyadii la tago, la caddeeyo waxani halkay ka baxeen, madaama masuuliyadeena tahay oo ILLAAHAY maalinta qiyaamaha uu inagula xisaabtami doono”

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa isna yidhi “Laba laba u eeg iyo intaas ayaa baxday ayaa ku qoran,laakiin sidee ayey u baxday kuma qorna, waa inagu ceeb, horena ceeb bay inoogu ahaan jirtay, xeerkii hore ee aan xasuusan nahay wuxuu si cad u dhigaayey in Golaha la hor keeno, ka Badroolka ku baxay ha yaraado ama ha badnaado, Goluhu xaq buu u leeyahay in la caddeeyo waxa Badroolka ku baxay iyo mushahaaradka waxay ku qaadan jireen, laakiin warbixintan waxaan ka arkayaa in Miisaaniyadda ay Guddidu caddaysay in Miisaaniyadu sidii aynu doonaynay aanay u bixin, in Gobolada Barri lacagaha 25% loo jaro, loo isticmaalo si aan sidii loogu tagalay aan ahayn, waxay kala oo ay caddeeyeen in Heedhiska sidii aanu u ansixinay aan loo isticmaalin, waxa laga yaaba in lala dhuuntay, waxa laga yaaba in guriyo lagu dhistay, taasina waa khalad, taasna Guddidu halkan bay ka caddaysay, Hanti-dhawraha waa wax aanu la baranay inaynu duuduub ku ansixino, Qaranku wuxuu Golahan la bartay in caqligiisa iyo cilmigiisa uu intaas oo nin ku ciyaaro, sababtoo ah tii hore ee aanu ansixinay ee aanu ka qaylinaynay markii aan anigu Guddoomiyaha ahaa, waxa ku qornayd laba laba u eeg oo shan ah, khaladka may lahayn ee khaladka waxa lahaa Golaha, Shirgudoonka ayaa khaladka lahaa, inta la hor keenay ayaa xitta Guddidii u yeedhin, inta inan yar oo Agaasime hanti dhawro ahi loo yeedhay ayaa Baashe iyo Cali albaabka hoosta uga xidheen, ayey yidhaahdeen iskugu kaaya gee, waxay garan waayeen Guddida warbixinta qortay u yeedha, waxay kale oo ay garan waayeen Guddida bal rayigooda eega, xitta waxay kale oo garan waayeen khaladaadka noocaas oo kale ah,  waxaan leeyahay hanti –dhawre loo yeedho oo halkaas la soo fadhiisiyaa macno sameeyn mayso su’aalo ayeynu weydiinaynaa isna uu inooga jawaabayaa, laakiin anigu waxaan leeyahay Guddi baadhitaan Golaha ha loo sameeyo, waxan baadha, Wasaaraddaha u tagta, xaqiijisa siday waxani u baxeen”

Dhinaca kale kal-Fadhigii shalay ee  Golaha Wakiilada  oo ay goob joog ka ahaayeen 45 xildhibaan ayaa  cod loogu qaaday is casilaada  uu Golaha u soo gudbiyey Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo loo magacaabay Wasiirka Biyaha, 42 Xildhibaan ayaa ogolaaday, laba xildhibaan weydiideen,  Guddoomiyuhuna muu codaynin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here