Dawladda Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inay Taageerayso Aqoonsi Ay Somaliland Hesho, Midawga Afrikana Ku Dhiirigelinaysa Talaabadaas

4
1018

Onyonkax012-300x199

Nayrobi (Geeska)-Dawladda Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay taageerayso aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka si ay uga mid noqoto bulshada caalamka.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Md. Richard Onyonko, ayaa sheegay inay dawladda Kenya dalalka Midowga Afrika ku dhiirigelinayso aqoonsi rasmi ah oo loo fidiyo Jamhuuriyadda Somaliland. Warkan waxa habeen hore baahiyay Telefishanka laga leeyahay dalka Iran ee Press TV, waxaanu masuulkani hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay kulan ay yeesheen jaaliyadda Somaliland ee magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Maxamed Saalax, oo isna ah muwaadin reer Somaliland ah oo kulankaas ka qayb galay ayaa sheegay inay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah, maadaama oo ay nabad ku naaloonaysao labaatankii sannadood ee u dambeeyay.
 

Hadalkan ka soo yeedhay masuulkan ka tirsan dawladda Kenya ayaa ku soo beegmay iyadoo ay umada Somaliland labaatan sannadood ka dib bulshada caalamka ka dalbanayso ictiraaf, waxaanay dad badani aaminsanyihiin inuu hadalkani yahay mid miisaankiisa leh.

Comments are closed.