Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Somaliland iyo Saxaafada Ku Bogaadiyey Ka Qayb Qaadashadii Dabaal Degyadii 18 May Ee Dunida iyo Dalka

0
953

 

Siilaanyo2Hargeysa (Geeska Afrika)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland uga mahad naqay sidii qiimaha lahayd ee ay u ajiibeen isku soo baxyadii sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii Somaliland.

 

Wuxuu sidaas ku sheegay madaxwenuhu war-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay qasriga madaxtooyada, waxaanu intaas ku daray oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey saaxafada, isaga oo ku amaanay sidii ay qaybtooda uga qaateen. War saxaafadeedkaas oo uu nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska wararka ee geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan:-

Date: 23/05/2011

War-saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Mahad-naq ah u dirayaa Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland. 

Waxaanu Madaxweynuhu dhambaalkiisa ku yidhi sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Dhamaan shacbiga reer Somaliland mid yar iyo mid weynba, mid maqan iyo mid joogaba waxaan u dirayaa mahad-naq iyo Boogaadin balaadhan sidii weynayd ee maamuuska iyo midnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen una muujiyeen xuskii sannad guurada  20-aad ee  18-May, oo ah maalin inagu wayn. 

Waxa aan mar kale idiinka mahad-naqayaa isu soo baxyadii aad ka dhigteen daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba, sidoo kale waxa aan mahad-naq balaadhan u dirayaa Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Amniga Somaliland oo door-weyn ka qaatay sugida Amniga iyo nabad-gelyada dalka. 

Waxaa iyana xusid mudan Saxaafadda oo ah mid u guntatay sidii ay caalamka ugu gudbin lahaayeen qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland. 

Ugu dambayn, waxa aan mar kale idiinka mahad-naqayaa sidii wanaagsanayd ee nabad-gelyada lahayd ee aynu caalamka ugu ban-dhignay sida aynu ugu adagnahay gooni isu taaga Somaliland

ALLAA MAHAD LEH ILLAAHAYBAA MAHAD LEH.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL