Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuuda, Farxadeedii Ma’ Ay Waarin

Published on Aug 06 2014 // Columnists, Warar

Picture3Dagaallada Wax-iska-caabbinta Falastiin iyo Yuhuuudda.. Q:1

Hordhac:

Markii uu dhammaaday dalkii Israa’iil ay sida yaabka leh ugaga adkaatay ciidamada Carabta, waxa ay la’ ahayd in uu noqon doono kii ugu dambeeyey, markaa wixii ka dambeeyana ay u jeesan doonto dhismaha dowlad awood badan, oo haybadda dhirbaaxadaa ay Carabta ku dhufatay ka heshay awgeed kor u sii socon doonto. Marka si loo eego sidii ay Israa’iil u haysatay ayaa ay noqotay oo dagaalkaas ayaa noqday kii ugu dambeeyey ee rasmi ah ee ay la gasho ciidamo dowladeed oo rasmi ah, laakiin ma’ uu noqon dagaalkii ugu dambeeyey ee ay la gasho Carabta.

Markii Israa’iil ay iska aamusiisay dowladihii Carbeed, waxaa u bilowday dagaallo taxane aan dhammaanayn ah, sannadihii 1978kii iyo 1982kii waxa ay dagaal la gashay kooxihii wax-iska-caabbinta ee Falastiin iyo Lubnaan, sidoo kale sannadihii 2002da iyo 2003da ayaa ay gudaha dhulka Falastiiniyiinta ee ay haysato ee Marina Qaza iyo Daanta Galbeed ee webiga Urdun waxa ay dagaallo qadhaadh kula gashay kooxo wax-iska-caabbinta reer Falastiin ah. Mar kale ayaa ay sannadihii 2008 iyo 2012 ka ay Israa’iil dagaal adag kooxaha Falastiiniyiinta kula gashay Marina Qaza, dhinaca Lubnaan marka aynu ku noqonno sannadihii 1993kii, 1996kii iyo 2006dii ayaa ay Israa’iil dagaallo khasaare badan u geystay la gashay kooxaha wax-iska-caabbinta ee reer Lubnaan, imika oo aynu ku jirno 2014kana dagaalkan lagu hoobtay ayaa ay Israa’iil weli kaga jirtaa Markina Qaza. Intaas dhibtu uguma ekeyn Israa’iil ee waxa uu culays badani ka soo gaadhay la dagaallanka kacdoonnadii dadweyne ee Falastiiniyiinta ee la baxay Intifaada, oo kii hore dhacay sannadihii 1987kii illaa 1993kii, mar labaad ayaa ay dagaal adag la gashay gadoodkii dadweyne ee labaad oo isna socday intii u dhaxaysay 2000 illaa 2004tii, waxaa intaasba sii dheeraa iska hor-imaaddada hubaysan ee ay meelo kala duwan marar kala gaar ah Israel la gelaysay kooxaha Wax-iska-Caabbinta ee Falastiin iyo Urdun.

Tani waxa ay Israa’iil oo aad u dhista cududdeeda Milateri ka dhigtay dowladda taariikhdeedu ugu dagaal gelidda badan tahay, marka dib loo eego tan iyo markii qasabka lagu dhisay sannadkii 1948kii, kuwaas oo noqonaya 14 dagaal marka celcelis ahaan loo qiimeeyana u dhigamaya in ay Shantii sanaba hal mar dagaal gelaysay dagaal, afar ka mid ah ay la gashay ciidamada dowladaha Carabta, Tobanka kale toddoba waxa ay la gashay kooxaha wax-iska-caabbinta ee Falastiin iyo Saddex ay la gashay kooxaha reer Lubnaan.

Dagaalladan ayaa la aaminsan yahay in ay meesha ka saarin kalsoonidii lagu qabay amniga iyo dhaqaalaha Israa’iil labadaas shay oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay dowladi ku dhisnaan karto, tusaale ahaan waxa ay dagaalladani beeniyeen sheegashadii Israa’iil ugu celcelinaysay Yuhuudda dunida ku filqan ee ahayd in ay Israa’iil tahay hoy aamin u ah Yuhuudda, sidaa awgeedna ay u soo haajiraan si loo dadeeyo Israa’iil. Dadka Israa’iil iyo cid kasta oo arrimaheeda u dhuun daloolaa waxa aanay qarin karin in ay jiraan khataro badan oo halis ku ah jiritaanka Israa’iil iyo nolosha dadka gudaheeda ku dhaqan, sababta ugu weyn ee ay u sibir saaraanna waa siyaasadaha colaadda iyo gar-darrada ku dhisan ee arrimaha dibadda xukuumadaha Israa’iil hoggaamiya, waxa ay noqotay dowlad Milateri oo dalabaadkeeda ugu badan ee ay dunida u gudbisaa yihiin in laga caawiyo sugidda amnigeeda iyo xasiloonideeda siyaasiga ah iyo weliba sarraynteeda milateri ee gobolka.

Dagaallada soo noqnoqday ee Israa’iil la gelayso kooxo lagu tilmaamo in ay yihiin shicib hubaysan oo haddana ay itaal ahaan kala bixi waayaan ayaa Israa’iil ka bixiyey sawir beeninaya sheegashadeeda ah in ay tahay quwadda gobolka iyo magaca ay ula baxday ciidamadeeda ee ah, “Ciidanka aan la muquunin” dagaalladii ugu dambeeyey ee soo noqnoqdayna waxa ay hoos u dhigeen meeqaamkii ay isugu dhigaysay dalka Maraykanka ee ahaa in ay noqoto saldhigga laga ilaaliyo danaha Maraykanka ee dunida Carabta.

In kasta oo guul weyn loo arkayey ka bixitaankii ay Israa’iil iskeed ciidamada ugala baxday Lubnaan sannadkii 2000 iyo kii xigay ee ay sannadkii 2005ta ka baxday Marinka Qaza, labada dhacdana lagu tilmaamay in ay tahay midhaha dagaalka ay joogtada u wadaan kooxaha wax-iska-caabbintu, haddana waa run in aanay kooxaha wax-iska-caabbintu illaa hadda ku guulaysan xoraynta Falastiin, iyo in ay si dhab ah u jebiyaan Israa’iil, laakiin waxaan iyadana la diidi karin in ay awoodeen inay xakameeyaan Israa’iil, fahamsiiyaanna in awooddeeda milateri inkasta oo ay le’eg tahay haddana uu jiro xad aanay dhaafi karin. Marka aynu intaas hoos ugu sii dhaafno dagaallada ay Israa’iil muddadii ay jirtay la gashay kooxaha wax-iska-caabbinta ee Falastiin iyo Lubnaan, waxa aynu ka soo qaadan karnaa intan:

Dagaallada Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda:

Sannadkii 1978kii ayaa uu ahaa dagaalkii koowaad ee dhex maray dagaal-yahanno hubaysan oo reer Falastiin ah iyo ciidamada Israa’iil. Dagaalkani waxa uu bishii Saddexaad ee sannadkaas ka dhacay deegaanka Al-Laydaani oo ah webi ku yaalla koonfurta dalka Lubnaan. Israa’iil oo ka jawaabaysay hawlgal uu hoggaaminayey Dalaal Al-Maqribi oo ka tirsanaa ururka Fatax oo uu gudaha dhulka Israa’iil haysato ka fuliyey Kamaal Cadwaan ayaa xoog ku gashay gudaha Lubnaan, gaar ahaan deegaannadaas kooxaha Falastiiniyiintu deggenaayeen.

La soco…

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!