Cadasku Waxa Uu U Fiican Yahay Caafimaadka Caloosha Timaha, Wadnaha, Dheefshiidka Iyo Wareegga Dhiigga

23
3845

Hargeysa (Geeska)- Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka lagu ogyahay faa’iidooyinka tirada badan ee dhinaca caafimaadka ah. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarab, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee ay xeeldheerayaasha cilmiga caafimaadku sheegeen in laga helo cunista cadaska.

– Cadasku waa il laga helo tamarta, waxa uu hodan ku yahay ganka oo caloosha iyo guud ahaanba caafimaadka u fiican, waxa uu nidaamiyaa shaqada habdhiska dheefshiidka, oo faa’iidadeeda ay ka mid tahay in uu fududeeyo dheefshiidka cuntada, waxa aanu yareeyaa ama la dagaalamaa calool istaagga.

Maadaama ay cadaska ku jirto maadadda ‘Magnesium’ oo faa’iidooyinkeeda uu ka mid yahay in uu wanaajiyo burqashada wareegga dhiigga, iyo in neefta ogsajiintu ay jidhka si habsami ah u wada gaadho. Taasina waxa ay yaraynaysaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxdu.

Waxa kale oo cadaska lagu ogyahay in uu faa’iido u leeyahay dadka qaba macaanka, waxa aanu caawiyaa dhalaalka iyo quruxda maqaarka, waxa uu ka takhalusaa coodh-coodhka iyo calaamadaha gabowga. Cadaska oo carruurta la siiyaa waxa uu ka caawiyaa dhismaha lafaha carruurta.

– Ganka / galka iyo barootiinnada cadasku hodanka ku yahay waxa ay qofka ku beeraan dhereg, waxa aanay dib dhigaan gaajada, wada ay sida oo kale yareeyaan doonista cunto ee qofka, sidaa awgeed ayaa ay khubaradu dadka miisaanka dhimaya ugula taliyaan in ay cuntadooyinkooda cadaska ku daraan.

– Cadasku waxa uu u fiican yahay caafimaadka timaha, oo ay ka mid tahay in uu dheereeyo.

– Cilmibaadhiso lagu sameeyey faa’iidooyinka cadaska ayaa ku talinaya in ay fiican tahay in ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii la cuno cadaska. Waxa ay khubaradu sheegeen in cadaska qiyaas ahaan koob muggii ahi uu qofka siiyo boqolkiiba 49 macdanaha iyo faytamiinnada kala duwan ee uu jidhku u baahan yahay maalintaas.

Fiiro gaar ah: Cadasku waxa uu leeyahay noocyo badan oo kala duwan laakiin faa’iidooyinkoodu isku mid yihiin. Midabbada uu yeesho waxaa ka mid ah madow, huruud, casaan iyo bunni. Noociisa huruudda ahina inta badan waa uu jajaban yahay Karintiisuna waxa ay qaadataa 20 illaa 30 daqiiqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here