Caadaysiga Ciddiyo Cunka Oo Cudurka Kansarka Sababay

69
5639

Hargeysa (Geeska)- Ciddiyaha oo afka lagu guraa waa caado ay dad badani carruurnimo ku bilaabaan, marka ay weynaadaan ay ku adkaato in ay iska joojiyaan. Laakiin haddana bulshada dhexdeeda waxa ay ka tahay anshaxdarro iyo in qofka loo arko sida ruux wasakh afka gelinaya, maadaama oo la ogyahay in ciddida hoosteeda wasakhda iyo jeermisku ku ururaan. Hadda ka hor caafimaadku si cad uma uu xusin in ay arrintani caafimaad darro la ogyahay sababi karto. Laakiin waxa ay arrintaasi is beddeshay markii dhowaan ardayad u dhalatay dalka Ingiriiska oo caado ka dhigatay in ay ciddiyaha afka iskaga gurto, sannado badan kaddib ay caadadani ku keentay cudurka Kansarka.

Courtney Whithorn oo labaatan sano jirtay ayaa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in mid ka mid ah faraha gacmaha ciddeeda uu kaga dhacay cudurka kansarka. Waxa aanay sababtiisa la xidhiidhiyeen afka oo ay ciddiyaha ku guri jirtay. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in bilowgii sababta Courtney Whithorn ku kalliftay ciddiyo cunku ay ahayd xaalado nafsi ah oo ay dugsiga kala kulmi jirtay, laakiin markii dambe ay u noqotay caado aanay dhaafin.

Courtney Whithorn ayaa muddo ay qarsanaysay ciddiyo xanuun aanay fahmin sababtiisa kaddib, waxa ay markii dambe u tagtay dhakhtar qalniin oo ay doonaysay in uu qurxin ug usameeyo. Baadhis dheer kaddiba waxa uu dhakhtarku dareemay in ciddida suulku aanay la mid ahayn kuwa kale, markii uu iyada kelideed sii baadhayna waxa u caddaatay in ciddadaas uu ku dhacay cudurka kansarku.

Afar qalniin oo kii u dambeeyey suulka badh ka mid ah la jaray ayaa lagu sameeyey Courtney Whithorn, waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in ay nasiib badan tahay, maadaama oo xanuunkan la ogaaday ka hor intii aanu ku faafin suulka oo dhan.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in laga dheeraado in ciddiyaha afka lagu guro, maadaama oo ay hadda muuqato in uu sababo karo cudurkan khatarta badan. Waxa aanay sababta uu cudurkan u keenayo ku sheegeen dhaawac ay qaniinyada ciddida lagu samaynayaa ay nabar ama jug badan gaadhsiinayso maqaarka. Waxa ay dhakhaatiirtu isku mid ku sheegeen dhaawaca kansarka keenaya ee ciddiyaha oo afka lagu guraa sababo iyo dhaawaca isla cudurkan keenaya ee ka dhasha gubashada qorraxda, marka ay fallaadhaha qorraxdu si joogto ah maqaarka ugu dhacaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here