Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Ka Horyimid, Sharci Darro-na Ku Fasiray Lacagta Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Bedelaada Taarikada Cusub

41
2760

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire iyo xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa si adag oo sharci ah uga horyimid lacagta ay wasaaradda maaliyadu ku soo rogtay in lagu bedesho taarikada cusub.

Labada xildhibaan ayaa dhaliilay lacagtan oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

Xildhibaan Naasir

Waxa uu xildhibaanku sheegay in aanay lahayn awooda ay ku waajibnayaan lacagaha cusub, isaga oo soo dhaweeyay in taarikada  gaadiidka la badalo haddana waxa uu meesha ka saaray lacagta wasaarada maaliyadu ay soo saartay ee shacbiga lagu waajibinaayo,

Xildhibaan Naasi oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Arinta bileedh lanbarada ee hadda hawshoodu socoto ka gudi ahaan waanu soo dhawaynaynaa  waa talaabo fiican in la casriyeeyo taarikada baabuurta, oo lagu soo dhawaado inaan aduunka la jaan qaadno oo lanbarkan maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaaya ee aanay ishu qaban karayn haday wax dhacaan in la soo koobo.”

Xildhibaanku waxa uu dhaliilay wasaaradaha gaadiidka iyo maaliyada “Laakiin markaan eego xaga takaaliifta imika la soo rogay ee wasaarada gaadiidku ay soo rogtay gudi ahaan waxaanu u aragnaa in marka laga hadlaayo takaaliif,waxa qaranku ka kooban  yahay saddex dhadhaar oo ah garsoorka,sharci dajinta iyo fulinta, xeer dajinta ayaa JSL ay qaadatay in ay iyagu yihiin cida ansixinaysa in intaan dadka wax cashuur ah la saarin, hadaad aad u dhugato qodobka 14-naad dastuurka  JSL faqradiisa koowaad iyo labaad waxay si cad u sheegaysaa cida iska leh waajibaadkaas, waajibinta cashuuraha iyo waxii takaalif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxada bulshada, waxa la eegayaa marka hore umaddu waxan ma qaadi karaysaa, cashuur iyo takaaliif aanay xeer jidayn lama qaadi karaayo. Wasiirka maaliyadu shaqo kuma laha inuu umadda takaalif uu isagu leeyahay uu saaro oo ku soo rogo, qodobadii uu warbaahinta ka sii daayayna waxba kama jiraan, takaaliifta waxa iska leh inay ansixiyaan baarlamaanka.”

Xildhibaan Maxamed Saalax

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa isna yidhi  “Gaadiidka Cashuur baa laga qaadaa oo Liisan bay leeyihiin, haddii Lambarada laga bedelayo, waxay ahayd inay Xukuumaddu bilaash uga bedesho, balse mar haddii ay lacag ka dhigato, waa in marka hore Golaha Barlamaanka laga ansixiyaa, lacag cashuura oo Barlamaanka soo marina waa  sharci daro inay sifo kasta oo ay Xukuumaddu qaado,haddii ay xitaa iskeed u  qaadayso, waa in Baarlamaanka la soo mariyaa, oo Xeer laga dhigaa, lacagtu nooca ay doonto ha ahaate, waa in la ilaaliya, oo la xaq-dhawraa Dastuurka iyo Sharciga dalka u yaala, mana haboona in la baalmaro, Xukuumadduna haddii ay lacag ka qaadayso Gaadiidka kala duwan ee dalka, siday doonto ha u qaade, waa inay Barlamaanka hor keenta, si Goluhu u eego, kadibna uu wajaibaadkiisa ka gudto, ama uu diido ama uu ansixiyio”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here