C. Ronaldo Oo La Sheegay In Uu Lacag Siiyey Gabadh Uu Ka Baqay In Ay Ku Soo Faqdo Eedo Hore Oo Kufsi Ahaa

0
643

Berlin (Geeska)- Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa xiddiga kubadda cagta ee kooxda Real Madrid  Cristiano Ronaldo ku eedaysay in uu lacag magdhow ah oo aad u badan Kaash ugu bixiyey si uu u aamusiiyey gabadh ku eedaynaysay in uu sannadkii 2009-kii ku kufsaday magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Ronaldo oo hore u diiday eedahaas kufsiga la xidhiidha ayaa uu wargeyska Der Spiegel oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa xaqiijiyey in Ronaldo uu gabadhan siiyey lacag, “Si uu u aamusiiyo, ugana hortago in ay warar dheeraad ah oo been abuur ah ay ka sheegto, kana fogaado fadeexad”

Wargeysku waxa uu sheegay in koox ka mid ah gacanyareyaasha xiddigu ay dhiibeen lacagtan magdhowga ah oo lagu qiyaasay 375 Kun oo doolarka Maraykanka ah, heshiisna kula galeen gabadhan in ay ka aamusto sheegashadeedii ahayd in Cristiano Ronaldo uu ku dhex kufsaday qol uu ka deggenaa hudheel hurdo oo ku yaalla magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaato ee afhayeenka rasmiga ah ee Ronaldo ayaa warmurtiyeed uu soo saaray, arrintan ku tilmaamay, “Waslad yar oo malo-awaalka warbaahinta ka mid ah” isaga oo intaas ku sii daray in eedaha wargeyska Der Spiegel ee dalka Jarmalku ay yihiin kuwo been abuur ah, oo uu Ronaldo intii awooddiisa ah ka jawaab celin doono eedahaas oo uu afhayeenku ku tilmaamay daandaansi iyo xiqdi, “Ronaldo, ma ogolaan doono in sumcaddiisa burush la mariyo” ayaa uu yidhi Ronaldo.

Warmurtiyeedka Afhayeenku waxa uu sheegay in “Dhibbanaha la sheegay ay diiddan tahay in ay caddayn kari la’ dahay eedaha ay soo jeedisay”

Si kastaba ha ahaato ee wargeysa Der Spiegel warkiisan waxaw uu ku xoojiyey dhukumantiyo caddayn ah, in kasta oo ay ahaayeen kuwo aan la saxeexin, isla markaana dhinacyada wax is dhaafsaday aanay si cad ugu qornayn, waxa kale oo uu wargeysku faafiyey farriimo ay internet ka isku dhaafsadeen labada qareen ee gabadha iyo Ronaldo u kala doodayey. Waxa kale oo uu wargeysku faafiyey warqad uu sheegay in gabadhan dhibbanaha sheeganaysaa ay u dirtay Ronaldo.