Biitsada, Beergarrada Iyo Cuntooyinka Dufanka Cabbaa Waxa Ay Keenaan Kansar

54
3101

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in cuntooyinka dufanku ku badan yahay, ama marka la samaynayo dufanka cabba sida cuntada Beergarka iyo biitsadu ay kordhiyaan khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka. Hore ayaa loo ogaa in cuntooyinkani ay khatarta kansarka keeni karaan, waxa se ay daraasaddan cusubi meesha ka saartay fahamkii hore ee ahaa in dadka buuran oo keliya ay khatartan ku keeni karto, waxa aanay caddaysay in miisaan kasta oo uu qofku yahay ay taagan tahay khatartani.

Cilmibaadhistani waxa ay xoojinaysay cilmibaadhis ka horreysay oo xarunta ka hortagga cudurrada ee dalka Maraykanku ay ku ogaatay in dhuubnimada lafteedu aanay mar kasta ahayn caafimaad iyo fursad uu qofku ku isticmaali karo cuntooyinka uu doono. Gaar ahaan in aanu qofku isticmaali karin cuntada uu doono, maadaama oo ay khatar ku keento awoodda jidhka ee dheefsiga cuntada (Metabolism)

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda ‘Medical Daily’ oo ay barta internet ka ku leedahay majaladda Newsweek ayaa intaas ku dartay in dumarka da’da dhalmada ka gudbay ee miisaankoodu dabiiciga yahay, laakiin isticmaala cuntooyinka dufanku ku badan yahay ama cabba dufanku in ay boqolkiiba 10 kor u kacdo khatarta ah in uu ku dhaco cudurka kansarku. Dr. Cynthia K. Thompson oo hoggaaminaysay cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in cilmibaadhistani ay iftiiminayso in miisaanka oo aad xakamaysaa aanay ahayn sida keliya ee aad kaga badbaadi karto xanuunnada dufanka ama subagu keeno iyo kansarka, gaar ahaan marka aad isticmaasho cuntooyinka dufanku ku badan yahay. Taas oo marar badan dhacda maadaama oo qofka weyda ahi uu aaminsan yahay in aanay caafimaad ahaan waxba yeelayn. Waxa kale oo ay dhakhtaraddu sheegtay in cuntooyinka dufanka cabba ama uu ku badan yahay ay keeni karto xanuunnada dufanka ka dhasha, sida oo kalana khatar ku tahay caafimaad nafsiga ah iyo ka jidheed labadaba.

Daraasaddani waxa ay tilmaamtay in miisaanka oo kordhaa aanay ahayn sababta keliya eek a masuulka ah kansarka, noocyadiisa dufanka badani keeni karo. Maadaama oo cuntada dufanka lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa markal agu shiilo uu dufanku la falgalo ee cabba, sida beergarrada iyo biitsada ay keeni karaan xanuunka kansarka, sababtuna ay tahay cillad ay cuntadani ku keenayso awoodda dheefsi ee qofka, taasina aanay ku xidhnayn miisaanka qofka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here