Bashaaral Asad Muxuu Ugu Dhaganyahay Madaxtinimada? Q: Mr. Nasir Xassan Timoweyne

0
1151

Waa maxayse xidhiidhka ka dhexeeya m.weyne Putin iyo Asad?

1

‘Waar ninyohow maxaa hor dhigay dadka ninkan miyuu iska tago. Muslimiintii ayuu xasuuqay. Waa shiicoo sunigii ayuu xasuuqay.’ Figradahan waa kuwo ay qabaan dadkeenu oo kusoo dhaca dhagahayga marka xaalka siiriya aynu ka hadlayno.

Maxaa kaa galay Shiico rabta inay xukunka kaa rido oo ku disha waliba, waa fikirkii alaha u naxariistee Sadaam xuseen. Maxaa kaa galay xasuuqiisa iyo muslinimadiisa muslin raba inuu xukunka kaa rido hadana si sharaf daran kuu dilo, waa fikirkii Mucamaral Qadaafi alaha u naxariistee. Maxaa kaa galay xasuuqiisa suni raba inuu xukunka kaa rido oo ku dilo waliba, waa fikirka siyaasada Bashaaral Asad.

Bashaaral Asad waxa uu haystaa cashar ku filan oo uu ka bartay sidii loo galay madaxdii la midka ahayd ee ay r.galbeedku u dhigeen shirqoolada dhagarta ah. Waxa uu u joogay wixii ku dhacay Sadaam Xuseen ee uu ku mutaystay qiimaha saliida wadankiisa oo uu kor u qaaday iyo muslinimadiisa. Waxa uu indhihiisa oo shan ah ku daawaday falkii waxshinimada ahaa ee lagula kacay Mucamaral Qadaafi ee ku mutaystay isku dayga inuu xor ka ahaado maamulka r.galbeedka iyo maraykanka iyo hodanimada saliida ee dalkiisa.

Wuxuu ogaaday inaanay sheekadu ahayn digtaytar la dagaalan iyo shacab badbaadin, taasoo uu ku xaqiijiyey duruustii uu ka bartay wixii ku dhacay madaxweyne Mursi oo ahaa madaxweynihii si dimoqraadi ah lagu doortay ee ka alkumay kacdoonkii balaadhnaa shacabka Masar. Ee inta xilkii laga qaaday xabsiga loo taxaabay, kalidii taliyihiina xabsiga laga saaray, wadankiina gacanta loo galiyey hogaan ku yimid afgambi ciidan.

Bashaaral Asad ama ha saxsanaado ama ha qaldanaadee waxa uu isticmaalay siyaasada ah ‘ninkii naftaada kuu badbaadin kara ayaa wax kuu ah diintuu doono ha haystee, markaa waa inaad la saaxiibtaa. Kii raba inuu xukunka kaa rido oo uu kuu horseedo in laguu dilo sidii Qadaafi oo kale (oo sabarad dabada lagaa galiyo ama lagu naageeyo), ama sidii Sadaam adigoo nool aad god gasho laguuuna dhiibo cadawgaaga si ay kaaga arsadaan, waa cadawgaaga kula diinba ha ahaadee, sidaa darteed waa inaad xasuuqdaa, xasuuqaaguna kama duwana ka ay gaystaan r.galbeedku.’

Bashaaral Asad isagoo xaqiijinaya siyaasadiisa cusub ee badbaadada naftiisa waxa uu kaashaday wadanka Ruushka oo wadan lid ku ah wadamada r.galbeedka ee raba inay isaga ka taqalusaan, waanuu ka helay garabkii uu ka rajaynayey waxana kuu cadaynaysa inuu dib uga qabsaday macaaradkii magaaladii ugu weyneyd ee Xalab 22/12/2016. Basharal Asad iyo wadanka Ruushku waxay noqdeen laba isku baahan. Ruushku waxa uu noqday mid ku helay kharash la’aan danihii ka lahaa Siiriya waayo maal iyo aduunkasta oo Ruushka kaga baxaya Suuriya waxaa bixinayaa Asad iyadoo Ruushku anuu u dagaalamaynin danaha Asad ee ay tahay danihiisa gaarka.

Dagaalka ka dhacaya suuriya maaha mid u dhexeeya dawlada iyo xoogaga ka soo horjeeda, ee waa dagaal u dhexeeya Ruushka iyo r.galbeedka waana dagaalkii qaboobaa oo dib u soolaabtay. Heshiiskii midawga soofiyeed lagu burburiyey waxa ka mid ahaa in NATO aanay isku dayin inay isku fidiso wadama midawga la ahaa Ruushka oo aanay gaashaan buuraysanin iyo in in Yukreyn ahaato meel ka madax banaan labada dhinac ee r.galbeedka iyo Ruushkaba. Sidaa ayuuna midawgii soofiyeed ku tanaasulay1991.

R.galbeedku markii ay arkeen awooda xawliga ee Ruushku dhaqaalo ahaan iyo militari ahaan uu ku socdo laakiin quseysa uun gudihiisa, waxay damceen inay ka hortagaan inuu ruushku mar uun damac soo noqosho awoodeed ah ay gasho. Sidaa darteed waxay bilabeen inay NATO ku fidiyaan ama ku soo daraan wadamadii ku jirijiray isbahaysigii Ruushku hogaaminjiray ee heshiisku ahaa inaanay faragalinin. Waxaana NATO ku biiray wadamo ay ka mid yihiin: Czechoslovakia, Hungary iyo Poland 1999; Bulgaria, Estonia, Latvia, Lithuania, Romania, Slovakia iyo Slovenia 2004; Albania 2009 iyo Ukrain oo 2014 ay ku sameeyeen faragin. 

Isagoo Ruushku taa ka warwarqaba ayaa hadana waxay r.galbeedku faragalin ku sameeyeen Yukreyn oo ah ardagiisii, Ruushkuna waxa uu isku arkey libaax loogu soo galay keyntiisii. Weynu ogayn wixii ka dhacay Yukreyn iyo dhirbaxadii foosha xumeyd ee ay kala kulmeen r.galbeedka halkaas, ilaa uu qayb kamid ah Yukreyn kudaray Ruushka, barigeedana ka furay qalaalase.

Hadaba aaga labaad ee Ruushka in laga wiiqo la rabo waa Suuriya oo wadanka kaliya ee carab ah ama bariga dhexe ee uu ku leeyahay saldhig milatari. Mida labaad Ruushku si awood ugu yeesho istcmaal ciidameed bada midhatariyanka waa inuu awood uyeeshaa joogista iyo saamayn ku lahaanshaha Suuriya. Si awooda Ruushka ee afqalaad lagu yidhaahdo (geopolitics power) loo wiiqo oo go’doon loo galiyo r.galbeedka oo maraykanku horkacayo waa inay Siiriya ka hirgaliyaan dawlad la saaxiib ah iyaga isagana cadaw ku ah. Taasi haday dhacdo waxay la mid tahay Ruushka oo gidaar bir ah la isaga xidhay waxayna halis ku tahay jiritaankiisa mustaqbalka.

Miyaad maqli jirtay meel uu maraykan faraha la galay oo cid kale ku qurdisay? Dunidu dib ayey u noqonaysaa, waxayna ku noqonaysaa raadkii ay soo martay. Taariikhda casriga ah waxaan si fiican u xasuusan kartaa dagaaladii 1aad, 2aad ee dunida iyo kii qaboobaa. Hada waxa socda dagaalkii qaboobaa. Hadii sidaa xaaladuhu ku socdaana waxaan ka hadlaynaa meelo soke e (Syria) ee waxa ku xigi doona dagaalkii 3aad ee dunida, mar walbana cadaymaha arintaas loo hayaa way sii kordhaysaa. Waxana ugu dambeysay in Maraykanku ku dhawaaqay 20/12/2016 inuu geeyo gantaalaha difaaca wadamada yurubta bari ee Ruushka la jaarka ah. Ruushkuna waxa uu kaga jawaabay inuu amar ku siiyey saraakiisha ciidamada Ruushka in kor loo qaado tayada hubka iyo ciidanka ee Ruushka islamarkaana la diyaariyo hubka aan strategy ga ahayn waa sida uu hadalka u dhigay m.weyne Putin e. Taas oo macnaheedu yahay in seefta galka laga saaro oo soofaha la mariyo.

Arinku waxa uu ku ururayaa CABSI. Maraykanka iyo Ruushka aad moodeyso inay muslimka u heshiiyeen wey kala cabsanayaan. Bashaar wuu cabsanayaa, Putin wuu cabsanayaa. Obama sidoo kale. Dhamaan waxay raadinayaan badbaado (survival). Hadaba hadii dagaalkii 3aad ee dunidu dhoco maxaa Somaliland ku dambeyn doontaa, maxaase u qorshe ah?

Q: Mr. Nasir Hassan Timoweyne  nation003@gmail.com  22/12/2016