Basbaaska Aadka U Kululi Waxa Uu Sababi Karaa Xaalado Caafimaad Darro Oo Illaa Dhimasho Keeni Kara

26
3334

Cunista basbaaska kululi waxa ay keenta xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin cudurka gubashada afka ee magaciisa loo soo gaabiyo BMS. Cudurkan oo sida oo kalana loo yaqaanno ‘Zungenbrennen’ waxa uu sababaa in afka guud ahaan iyo si gaar ah carrabku olol iyo gubasho badan sameeyo, carrabka laga dareemo xanuun ah sida irbad lagu taagayo meelo kala duwan iyo kabuubyo carrabka ah.

Warbixin lagu faafiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay dad busbaaska noocyadiis ugu kulul la cunsiiyey, lagu arkay xanuun aad u daran oo ah madaxa iyo raqabadda. Waxa kale oo lagu arkay xanuunka dhanjafka noociisa loo yaqaanno ‘Thunderclap headache’ (Madax xanuunka onkodka ah) oo ah in madaxa qayb ahaani ay sida nabar lagu dhuftay uu u xanuunto qofka, laakiin aanu xidhiidh ahayn ee uu kala googo’an yahay. Madax xanuunka noocan dambe ah ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu yahay xaalad u baahan in qofka gurmad degdeg ah loo sameeyo, maadaama oo uu noqon karo ina tusaysa in uu jiro dhiigfuran maskaxda ah, ama maskaxda oo dhiiggu ka xidhmay iyo xaaladaha la midka ah ee nolosha galaafta. Waxa aana la ogaaday in qaar ka mid ah maaddooyinka ku jira busbuaaska kululi ay u dhowdahay in ay sababaan madax xanuunka aynu ka soo warannay iyo in ay xidhiidhi noqdaan hawlbawlayaasha dhiiggu, waana sababta keenta in dhiiggu ka xidhmo maskaxda.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirta arrintan baadhay sheegeen in ay arkeen xaalado ay maaddooyinka aynu sheegnay ee busbaaska sababaa qofka ku keeneen wadne xanuun. Laakiin baadhitaanno dheeraad ah oo la sameeyey ayaa muujiyey in haddii qofku uu joojiyo cunista busbaaska aadka u kulul, ay u dhowdahay in toddobaaddo kaddib ay xaaladda xididdadu dabiici ku soo noqoto.

Ugu dambayntii waxa ay dhakhaatiirtu ka digeen in qofku uu ka taxaddaro cunista busbaaska aad u kulul, haddii ay dhacdo in uu cuno oo kaddibna uu isku arko calaamado muujin kara xaaladaha aynu soo sheegnayna waxaa waajib ku ah in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ugu tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here