Barnaamij Soo Jeediye Talefishan Oo Shaqadeeda Qabsatay Iyada Oo Ilamheeda Yar Xambaarsan Iyo Sababta Kalliftay

28
3284

Washington (Geeska)- Dhacdo ku cusub warbaahinta muuqaalka ah ayaa ay noqotay markii dhowaan haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Susan Martin shaashadaha talefishanka laga daawaday iyada xambaarsan ilmaheeda yar xilli ay jeedinaysay barnaamij dhinaca cimilada ah. Haweenaydan ayaa sidan yeeshay si ay dhankeeda uga qaybgasho xuska toddobaadka caalamiga ah ee loo asteeyey ubad xambaarka.

Haweenaydan barnaamij soo-jeediyaha ah oo ka tirsan wakaaladda Predictions agency oo u gaar ah wararka cimilada ayaa mar wax laga weydiiyey sababta ku kalliftay in ay ilmaheeda soo xambaarato waxa ay tidhi, “Waa toddobaadkii loo calaamadiyey wacyigelinta hooyada lagu baraarujinayo xambaarka ilmaha, sidaa awgeed ayaa aan maanta u soo qaatay”

Susan oo si aad ah u dhoolla caddaynaysa ayaa barnaamijka jeedinaysay, laakiin waxaa la arkayey ilmaha hal sano jirka ah ee ay xambaarsan tahay oo inta uu lulooday dhabarkeeda ku sii gam’aya.

Fiidyow kooban oo ay ka muuqato gabadhani ayaa lagu soo bandhigay barta bulshadu ku xidhiidho ee FACEBOOK, muddo gaaban gudaheedna waxaa daawaday dad ka badan 1.2 Milyan oo qof, halka kumannaan kalana ay faallooyin kala duwan ka bixiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here