Baranbarada Oo La Ogaaday In Ay Leedahay Dheecaan Hidde-Side (DNA) Oo Sirta Ay Awooddeeda

36
3645

Beijing (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday sirta ka dambaysa awoodda ay baranbaradu u leedahay in si aad uga badan xayawaannada kale ay ku Taranto kuna noolaan karto meelaha ugu qudhunsan dunida arlada guudkeeda, taas oo ay sheegeen in ay la xidhiidha nooca dheecaanka hiddesidaha ah ee xayawaankan.

Baranbarada nooca aynu naqaanno oo cilmigu u yaqaanno Baranbarada Maraykanka ah “American Cockroach” ayaa ay cayayaan khatar ku ah caafimaadka, si aad u daranna u faafiya xanuunnada. Waxa aana la aaminsan yahay in bilowgii ay ka timid qaaradda Afrika, horraantii qarnigii 16naadna u gudubtay dhinaca qaaradda Ameerika, gaar ahaan dalka Maraykanka.

Baranbaradu waa noole aad u taran badan oo hoygiisu yahay meelaha madowga ah ee qoyan iyo guryaha, hudheellada, xafiisyada, suuliyada iyo kijooyinka. Waxa uu ka tarmaa ogxaan, waxa aanu koraa illaa uu dhererkiisu qaarkood gaadho shan sentimitir.

Cilmibaadhayaasha u dhashay Shiinuhu waxa ay si gaar ah u daraaseeyeen nidaamka hiddeside ee baranbarada oo isu dhammaystiran, gaar ahaan nooca loo yaqaanno ‘American Cockroach’ oo ah ta dhulkeenana ku nool, waxa aana u soo baxday in uu leeyahay in ka badan 20 kun oo hiddoside, taas oo habdhiska hiddosideyaashiisa ka dhigaysa mid ku dhow qaabka koodhka bani’aadamka. Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Nature Communication’ ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa intaas ku dartay in Xu Shui oo ka tirsan maxadka cilmiga shaqooyinka dhirta iyo deegaanka ee magaalada Shanghai uu helay tiro aad u badan oo ah hiddosideyaal aan caadi ahayn oo ay leedahay baranbarada Maraykanka ahi. Waxa aana ka mid ah hiddosideyaal siiya awood ay ku kala sooci karto urta ka soo baxda noocyada kala duwan ee cuntada, gaar ahaan cuntada la khamiiriyo, iyo hiddosideyaal kale oo awood u leh in ay sunta ka saaraan jidhka baranbarada, taas oo ah sababta u suurtagelisa in aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin cunto iyo shay kasta oo sun leh. Waxaa sida ay sida oo kale baranbaradu leedahay hiddosideyaal awood siiya habdhiskeeda difaaca oo ka ilaaliya dhammaan xanuunnada faafa ee jeermiska iyo wasakhda ka dhasha oo ay iyadu mar kasta la kulanto deegaanka ay ku dhooshahay awgood, waana sababta keentay in ay si caadi ah ugu noolaan karto qudhunka dhexdiisa. Iyo in ay ka badbaaddo cudurrada faafa ee mararka qaarkood cayayaannada kale sida aadka ah u dabargooya.

Hiddosideyaasha kale ee Alle (SWT) baranbarada u abuuray waxaa ka mid ah kuwo mucjiso aynu ku tilmaami karno oo baranbarada ka taageera in xubin kasta iyo waax kasta oo go’daa ay sida geedka dib ugu soo baxdo, sideedii dabiiciga ahaydna ku soo noqoto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here