Bani’aadamku Barashada Qofka Ku Cusub Waxa Ay Ku Eegaan Laba Halbeeg Oo Keliya

25
3531

Hargeysa (Geeska)- Waxaa run ah in ‘Qof aad maalin ku baran weydo, aanad sannad ku baran doonin’ qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu ogyahay in daqiiqadaha ugu horreeya ee aynu qofka innagu cusub la kulanno, aynu sawir weyn ka qaadan karno ugu yaraan dabeecadihiisa iyo qofnimadiisa guud. Laakiin, inta badan isma weydiinno waxa ay yihiin calaamadaha iyo halbeegga ay maskaxdu ku jaangoynayso qiimayntaas degdegga ah ee qofnimada qofka ku cusub ay ku samaynayso.

Waxa ay culimada cilminafsigu sheegayaan in barashadaas degdegga ah ee qofka cusubi aanay ahayn mid aynu si u kas ah maskaxdeenna ugu beerno in ay qofkan barato, balse ay tahay arrin abuur ah oo isla marka aad qof cusub barato ay maskaxdu iskeed u bilowdo in ay isku daydo fahamka iyo barashada qofkan.

Waxaa xusid mudan in waxa ay maskaxdu ku salayso qiimayntani aanu ahayn muuqaalka duleed ee qofka, tusaale ahaan; aad ha uga warwarin bar madow oo shaadhkaaga ku taalla, ama timaha oo aanad sidii ugu fiicnayd u soo xiiran ama u soo qurxin, waa run oo arrimahaasi waxa ay muhiim u yihiin fahamka guud ee uu qofku kaa qaadanayo barashada koowaad. Laakiin haddana ma’aha aasaasi, marka laga hadlayo qiimaynta ay maskaxdu ku samayso qofnimada qofka ay baranayso. Waxa ay maskaxdu ku qiyaastaa qofnimada qofka laba halbeeg oo ay gabadha Amy Cuddy si qoto dheer ugaga warrantay buuggeeda “The Presence” ee soo baxay sannadkii 2015ka.

Amy Cuddy oo bare-sare ka ah jaamacadda Harvard, ayaa muddo 15 sano ah waxa ay baadhis cilmiya ku samaynaysay in ay ogaato waxyaabaha ay maskaxdeennu ku qiimayso qofka. Qormo ay buuggeeda ku faahfaahisay oo arrintaas ay kaga hadashay ayaa lagu baahiyey meelo uu ka mid yahay degelka internet ka ee wargeyska The Independent. Waxa ay Cuddy is weydiinaysaa, “Dadku ilbidhiqsiyo gudahood ayaa ay kugu fahmi karaan, laakiin waa maxay waxa ay kugu qiimaynayaan? Isla iyada oo su’aashaa ka jawaabaysana waxa ay sheegtay in qofku marka ugu horreysa ee uu qof kale arko, isla markaba ay maskaxdiisu jawaab u raadiso laba su’aalood oo degdeg ah:

1. Ma yahay qof aad ku kalsoonaan karto?

2. Ma yahay qof aad xurmayn doonto?

Waxa ay culimada cilminafsigu aaminsan yihiin in ‘Kalsoonida iyo xurmada/sharafa qofku’ ay yihiin labada calaamadood ee ugu qiimaha badan habdhaqannada ay tahay in qofka aad is barataan marka ugu horreysa kaa fahmo.

Dadka badankooda, gaar ahaan dadka aqoonyahanka ah ama mihnadleyda ahi qofka ay baranayaan, marka ugu horreysa waxa ay ku eegaan uu yahay kartida qofka ku jirtaa inta ay leeg tahay. Mihnadlaha ama aqoonyahanka kale marka ugu horreysa ee uu la kulmo qof ku cusub waxa uu ku dadaalaa in uu qofkan ku cusub u muujiyo in uu yahay qof garaad badan, fariid ah, karti buuxdana u leh in uu arrimihiisa iyo xitaa arrimaha qofkan cusubba si fiican u maamuli karo. Iyada oo ay taasi jirto, haddana runtu waxa ay tahay, qofka oo ay muuqato in uu yahay qof kalsooni mudan maskax iyo kartiyina ku jirto in ay yihiin labada calaamadood ee ugu mudan in qof lagu aamino.

In qofka aad baranayso aad marka ugu horreysa eegto kalsoonida aad ku qabi karto, waa dhaqan aadamuhu tan iyo bilowgii abuurkiisa lahaa oo uu soo kala dhaxlay, waxa aanay ku aroortaa dhaqankii noloshii godka ee ugaadhsiga ku dhisnayd, mar kastana colaad u joogta ahayd. Waa kalsoonida aad ku qabto qofka aad doonayso in aad barato oo dabcan nolol iyo xidhiidh adduun idin dhexmaro.

Qofku haddii aanu jawaab ‘HAA’ ah oo weliba aad u xooggan u haynin labadaas su’aalood waxaa muhiim ah in uu ka fiirsado kulanka iyo barashada dadka cusub, gaar ahaan haddii qofka uu la kulmayaa uu yahay qof uu ka doonayo kalsooni ama uu doonayo in uu saamayn naftiisa ku yeesho.

Buugga Cuddy ayaa si fiican inoo tusaya sida ugu habboon ee uu qofku kalsooni dheeraad ah u dareemi karo. In kasta oo ay kartidu muhiim tahay, haddana marka la eego labadan qodob, in qofka kartidiisa lagu jeclaado waxaa ka horreysa in horta kalsooni lagu qabo. Waxa aana hubaal ah in qofka oo ku talaxtaga muujinta kartidiisu in ay ku keenayso uun dhabarjab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here