Aragti Nooceeya Ayay Shacabka Reer Saaxil Ka Aaminsanyihiin Saddex Cali Iyo Wasiir Sacad

0
622

labaBy: Axmed Jaamac : Suxufi Madax Banaan

Tan iyo ilaa wakhtigii uu socday wareejinta haamaha shiidaalka berbera ayay bulshawaynta reer saaxil aragtiyo kala duwan ka bixinayeen madaxda ka soo jeeda gobolka saaxil ee ka tirsan xukuumada axmed siilaanyo hogaamiyo aragtiyahaas oo qaar kood isbedeleen markii ay soo horkaceen barnaamijkii xukuumada waday guushana ka gaadhay ee ahaa wareejinta haamaha shiidaalka oo  lagu wareejiyay kooxo ka ganacsada shiidaalka ah.

Hadaba waxaynu midba gaar u sheegi doonaa aragtida bulshada saaxil ka qabto masuuliyiinta aanu ku xusnay cinwaanka sida ay u kala horeeyaana waynu u kala qaadi doonaa, waana sidan:

Cali Gadheer: tiro dad ah oo aan aragtidooda isu soo minguuriyay ayaa waxey masuulka Cali gadheer ku tilmaameen nin ilaa wakhtigii uu qabtay jagada xoghayaha dawlada hoose ee berbera uu ahaa nin kolba kor u sii socday ilaa uu ka gaadhay wasiir ku-xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha  uu yahay nin kolba ka faa’iidaysta masuul kale oo ay ka soo wada jeedaan gobolka oo ka biyo diiday barnaamijyada lidiga ku ah bulshada saaxil oo xukuumadu wado tusaale ahaan wakhtigii doorashada golayaasha deegaanka oo lagu muransanaa cida noqonaysa kuxigeenka maayarka degmada berbera oo wakhtiagaasi xukuumadu u ololaynaysay inuu noqdo nin ka soo jeeda beesha madaxayne siilaanyo taas oo galaafatay badhasaabkii wakhtigaas oo ahaa Ramaax laguna bedelay Cali gadheer  oo ahaa xoghayaha dawlada hoose , hadana waxa dhacday inay xukuumada isqabtaan wasiir dawlihii amniga oo ahaa Maxamed Abokor laguna bedelay Cali Gadheer oo mar walba inaadeerkii jabkiisa ku faa’iida ayay bulshadu ka aaminsanyiin inuu yahay masuul cali gadheer dhacdadii u danbaysayna ee wareejinta haamaha berbera ninka horkacaya ee dadka reer saaxil xidhxidhaya isaga yahay oo ay kala dhinteen bulshadii uu ka soo jeeday miisaana aanu kulahayn manta dadka reer saaxil ayna sugayaan maalinta uu waayo kursiga uu xukuumada ugu fadhiyo inay maalintaa banana kula xisaabtamaan beesha reer saaxil.

Eng. Cali Xoorxoor: aragtida dad badani masuulkan aya ka bixiyeen ayay badidoodu ku soo koobeen sadex qaybood oo aya yidhaahdeen wuu leeyahay masuul Cali xoorxoor waa qodobka koowaade: waa masuul shaqadii uu dalka ka qabtay ilaa mudo gaadhaysa labaataneeyo sano ilaa imika haya oo ah maareeyaha dekedda berbera shaqadeedaku wanaagsan iyo ilaa xadna balaadhiyo oo hada dhisay deked cusub, oo taa shaqadiisa kama dayacanto dadka reer saaxilna ma helmaamo oo dhibaato ama waxay diidan yihiin ulama yimaado,

Qodobka labaad : waxa uu jecelyahay xukuumada uu ka tirsan yahay iyo bulshada reer saaxil inuu aad isugu xidho iyaga oo isu calool fayaw.

Qodobka sadexaad: waa masuul had iyo jeer ka war haya dadka aadna bulshada aan ahayn reer saaxil iyo in kaleba wanaag u sameeya haday tahay sooryo ama wax kale oo ay uga baahdaan isaga.

Cali Dhegoole: masuulkan ayay dadku badidoodu waxay isu raacsanyihiin inuu ahaa shaqaalaha kastamada wakhtigii uu wasiirka maaliyada ahaa Maxamed xaashina loo dhiibay agaasime laakin degdeg looga qaaday taas oo ay yidhaahdeen waxa maxamed xaashi ku yidhi waanu kuu ilduufnaye ragii loo baahnaa wakhtiga ma tihid ee xilku waa meerto imikana lagu war helay isaga oo u ololayna wareejinta haamaha shiidaalka berbera oo taas ayaana lumisay waxaanu kalsooni siin lahaynba oo wakhti yar ayy dibindaabyo reer saaxil u soo hor kacay.

Ina Cali Shire: waa wasiir Sacad cali shire’e waxay dadka reer saaxil isu raacsan yihiin inuu yahay nin aad ugu wanaagsan shaqada iyo wasaarada uu wasiirka ka yahay aqoon balaadhana u leh qorshaynta qaranka laakiin aan ka shaqayn barnaamijyada qalooca ee xukuumadu ula timaad reer saaxil, wana nin afgaaban muranada xisbiyada iyo xukuumadana aan ka dhex muuqan marnaba.

Intaas ayaan ku soo ururinayaa hadaan ahay suxufiga qoray maqaalka waxna ku maan darin ee waa sidii dadka reer saaxil midba ay ku sifaynayeen bulshadaa oo aan kula kulmay deegaanada Sheekh Berbera Abdaal Mandheera ana ay igu dhalatay inaan bulshada reer Somaliland u soo bandhigo hadii aratiyo ka duwan intaasina jiraan waa xor qofkii soo gudbinaya.