Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Dalka Keentay Shirkad Wadooyinka Dhista  Oo Ay Gaar U Leedahay Hargeysi

0
667

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimaddda Hargeysa iyo xildhibaanadda golaha deegaanka caasimadda  ayaa markii ugu horeysay dalka keenay shirkad qalabkeeddu u dhamaystiran tahay oo wadooyinka dhisi doonta oo dawladda hoose leedahay.

Qalabkan cususb oo iskugu jira gaadiidka loo adeegsaddo samaynta wadooyinka casriga ah isla markaana ah shirkad dhamaystiran ayaa dawlada hoose ee Hargeysa ka soo iibsatay shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kuwaas oo qayb weyn ka qaadan doonna dhismaha wadooyin badan oo caasimaddu yeelato, waxaanay shirkaddii kaga hortageen magaalo xuduudda Wajaale ee Somaliland.

Shirkadda wadooyinka dhisi doonnta oo ah mid dawli ah ayaa waxa soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Maayarka Caasimadda oo ay la socdaan dhamaan xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa oo ku faraxsanaa qalabkan wadooyinka oo ay sheegeen inay ka raysan doonaan kharashkii kaga bixi jiray kireynta qalabka ay wadooyinka ku samayn jireen.

Xoghayaha Dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi ayaa sheegay in qalabkan u yimid qayb weyn ka qaadan doono horumar baaxad leh oo caasimadda ku talaabsato mudooyinka soo socda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii ,“sanad gudihii waxaynu arki doona wadooyinkeena oo la tartama wadooyinka aduunka ama ku jaarkeenaba, waa qalab ka kooban Shirkada dhan oo qalabkeedu u dhamaystiran yahay oo iskugu jirta tii wadda qodaysay, tii qasaysay daamurka, tii lagu habaynayey, iska rogooyinkii, waana qayb ka mid ah warshaddi waxa iyana soo socda qaybtii kale waxaan oo dhan isku qasaysay ee wadooyinka hagaajinaysay, balanteenu waa shaqo, insha alla waxaan arki doona wadooyin hilaacaya ayeynu arkayna, wax badana waa laqabanyaa wax badana way inoo fududeynaya, aadna waan ugu faraxsanahay”

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelko ayaa sheegay qalabkani wax badan ka tari doono wadooyinka loo baahan yahay, waxaanu tilmaamay in qalabkan oo dhamaystiran ay noqon doonto shirkadda dawladda hoose yeelato oo u qaabilsan uun dhismaha wadooyinka, taas oo wakhtigii hore lacag badan kaga bixi jirtay kireynta qalabka lagu dhiso wadooyinka.

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko oo arrimahaasi sharaxaya waxa uu yidhi“Waxa farxad weyn noo ah in shirkada Itoobiya ee METEC kala wareegno qalabkii wadooyinka ku dhisi lahayd oo dhamaystiran oo wax ka dhimani aanay jirin, waana markii ugu horeysay ee dalka la keeno qalab caynkan oo kale ah, afar isku rogo, karasharkii, kuwii wadooyinka habaynayey, kuwii isku qasayey iyo qalab faro badan, inta dhimana dhexday ku soo jiraan, waxaan u mahad naqayaa golaha deegaanka oo soo iibinta qalabkan usoo bandhignay oo nagu taageeray iyo saddexdii xildhibaan ee markii heshiishka la galaynay shirkadan nala socday ee ku calool adeegay in qalabkan la wareegno, waxa kale  u mahad naqaya gudoomiyaha jaamacadda Admas Cadnaan oo dhex dhexaadinta anaga iyo shirkaddda qayb ka qaatay, marka Shiinaha qalab laga soo iibsado hadii wax ka xumaadaan way ku adag tahay sidaad ku hesho laakin wadanka jaarka ah way ka fiican tahay oo jaarka dhaqaalaha u kala wareega, waxaanay noogu daran tobabaro lagu habayn doono qalabkan, iyo farsamaqaayadii oo tobabari doono shaqaalaha reer Somaliland iyo qalabkii lagu dayac tiri lahaa oo gaadiidka la socda, aad baan u mahad naqaya dadka xidhiidhkaasi ka dambeeyey”

Sidoo kale, Maayarka Gabiley Maxamed Aamin ayaa isna soo dhoweeyey qalabkan cusub ee dawladda hoose ee Hargeysa la soo degtay, waxaanu ku amaanay horumarka uu ku talaabsaday maayarka Caasimaddu.

“maayarka maayarada waxaan ku hambalyeynayaa qalabkan dhamayska tiran ee aad soo iibsateen ee wadooyinka caasimadda lagu samayn doono waana talaabo horumar ah oo bulshaddu u baahan tahay, waxaana filayaa in anaguna kaaga dayan doono qalabkaasi dhamayska tiran ee wadooyinka ee aad soo iibsateen, maayaradda kalena dhiirigalin u tahay”ayuu yidhi maayarka Gabiley Maxamed Aamin.

Sidoo kale, waxa iyaguna si weyn usoo dhoweeyey xildhibaanadda golaha deegaanka oo aan u kala hadhin soo dhoweynta qalabkan, kuwaas oo wejiyadoodda ka muuqatay faraxsanaan, waxaana dhamaan galabkii iyo gaadiidkii ay saarnaayeenab lagu soo wareejiyey caasimadda si dadweynuhu u arkaan, taas oo dadweynuhu gacmo furan iyo sacab ku soo dhoweeyey.

Xildhibaanada halkaasi ka hadlay waxa kamid ahaa Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Axmed Daahir, Xildhibaan Maxamed Wayrax,  Xildhibaan Ilyaas, xildhibaan Ismaaciil Cago yare, Xildhibaan Cbadilaahi, iyo xildhibaan Maxamed Timacade, kuwaas oo shacabkoodda ugu bushaareeyey inay heli doonaan wadooyin tayo sare leh oo ka kharash yar kuwii hore u samayn jireen maadaama oo qalabkii ay haystaan, isla markaana ka raysan doonaan.