Agaasimaha Guud Ee Maaliyadda Oo Beeniyay In Musuq-Maasuq Ka Jiro Wasaarada

0
557

Picture2Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Md. d Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa beeniyay eeddo musuqmaasuq oo loo jeediyay sarkaal ka tirsan wasaaaradaas, kuwaas oo uu mid ka mid ah wargeysyada dalka ka soo baxaa shalay qoray.

Agaasimaha guud oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu beeniyay eeddaas, . “Runtii wararka noocasi ah ma ah qaar sal iyo raad toona leh, wasarada maaliyadu wax musuqmaasuq ah oo ka dhex jira ma jiraan, wax kale oo ay wasarada maaliyadu dhisaysa oo aad indhihina ku aragtaan dhismayaal cusub oo ay u dhisayso Hantidhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud, wax kale oo ay dhistay dhismayaal kale oo wasaradaha  aanu u dhisnay iyada oo aan cid kale naga gacansiisay aanay jirin, runtii wax qabadka in taasi leeg wax qabatay wasarada iyo xukumada madaxweyne Siilaanyo  marka wararka meelahasi laga sheegaya ma ah qaar sal iyo raad toona leh.”Ayuu yidhi agaasimaha guud ee maaliyadu.

Waxa kale oo uu ka hadlay ganacsatada qaarkood oo uu ku eedeeyay inay dadka rakaabka ah ee diyaaradaha soo raaca u soo dhiibaan shandado ay ku jiraan qalabka elektaroonigu, iyagoo cashuurta kala cararaya, waxaanu yidhi “Wax Jirra Niman ganacsato ah oo baryahan cadeystay in qalabka Electorinka ah sida Mobilada oo kale in ay ku sooridaan Shandada gacanta lagu qaato ee ay sitaan dadka diyaaradah soo raaca, halkii ay ku sooridilahayeen shixnadaha kargooga ah ee ay wasarada Maaliyadu  cashuurto, dadkaasi noocaasi sameynay waa dadka inta badan soo raaca diyaarada kuwaaasi oo ka yimada Dubia ama meel kale oo badan iyada oo  dadka  ganacsatada  ahi u soo dhibaan shandado ay ku jiran Qalabkaasi Electaroogi ah ee ay u diidan yihiin in cashuur laga qaaddo,  marka ganacsatada reer somaliland waxanu ugu baaqayaaa in ay u hogaansamadaan sharciga, haaddii kale waxanu u sheegayna in wasarada maaliyadu leedahay indho qudhanjo oo wax walba oo sharcidarro ah ay arkayo, talaaban ka qaaddi doonto cidii Arrimhaasi ku kacda.” Toddobaadkan gudihii, waa markii labaad ee uu agaasimaha guud beeniyo eeddo musuqmaasuq oo mid ka mid ah lagu xidhiidhiyay wasiirka duulista iyo hawada oo uu wargeys Hargeysa ka soo baxaa qoray inuu wasiirku lunsado dhaqaale ay leedahay wasaaradda maaliyadu, halka warkan labaad ee uu shalay baahiyay isna lagu xidhiidhiyay mid ka mid ah saraakiisha aadka ugu dhowdhow wasiirka maaliyadda.