Waa Kee Madaxwaynaha Ay Dadkiisu U Jeclaan Karaan Sida Erdogan ?Jaamac Aadan Maxamed

0
717

RAJAB DAYIB ERDOGAN: Iyo Afganbigii Xalay.

"heerbaa la gadhaa hurin aad la nooshahay kugu soo hirtaano ku hareer istaagaagaan"

heerbaa la gaadhaa dadku yahay hubkaagii, marna yahay hugaago,hantidiyo naftaadii, noloshiyo hal-beegii,hogoshiyo daruurtii, hadhiciyo ugbaadkii, hawo aanad la,aanteed habeen aanad barideen.  Abwaan Weedhsame.

h

Madawaynaha Dalkaasi Turkish-ka oo horena u soo qabatay Xilka Rasy'asal Wasaare nnimo waa Madaxwayne mudadii uu dalkiisa Majaraha Siyaasadeed u hayay gadhsiiyay horumar badan waxana uu wadankiisa gaadhsiiyay heer uu in dhaha caalamka oo dhan ku soo jeediyay waxanu wadankiisa ka dhigay mid boos muhiima kaga jira quwada iyo siyaasadda caalmka gara ahaanna tan wadamadda Muslimka, waxa uu simay bulshooyinka wadankiisa ku noola oo laba dhinac u kala safna Qaybta Muslimka Suniga ah iyo Cilmaaniyadda, Dhinaca Milteriga ayuu Sare u soo qaaday isaga oo wadankiisa markii ugu horaysay u sameeyay Taangiyo kuwa dagaalka oo Turkish-ku farsameeyay,Diyaradaha aan duliyaha lahayn Iyo Dayax Gacmeed dhanka millateriga ah, Koba dhaqaale ee wadankiisa ayuu keenay meel aad usaraysa oo ay dad badani u qaadanawaayen.
Mr Erdogaan waxa uu inbadan u hanqal taagay in wadamadda Muslimku ka hoosbaxaan siyaasadaha Reer Galbeedka noqdaana qaaramidaysan oo dhanwalba ku iska kaashada waxanu hamigiisa in badan ku taamay in la helo Dawladmidaysan oo Islaamiya maadama oo wadankiisu ahaa Wadankii ugu Danbeeyay ee ay ka jirtay Dawladii Cusmaaniyiinta oo hayd quwadii kowaad ee dunida Islaamkuna ku midaysna.

Wadanka Turkish-ka waxa saamayn togan ku yeeshay Dagaaladda mudada dheer ka holcaaya Wadanka uu jaarka layahay ee Suuriya, waxana sanadkan horaantiisi uu sooriday Diyaarad kuwa Dagaalka ah oo laga laha dalka Ruush-ka madama ay ku soo xadgudubtay dalkooda waxa samada isku shareeray khilaaf siyaasi ah oo labada dal ka dhex qarxay, xiligaana waxa wadanka Turkish-ka tageeray Dawladda maraynka balse wixi intaas ka danbeeyay wadankaas waxa laga dareemay faragalin shisheeye oo duulaan

siyaasadaysan ah.

Khilaafkaasi labada wadan ayaa xal is afagarada laga gaadhay balse waxa geestiisa goodiyay Maraykanka oo ay cadaawadi ka dhaxayso Ruushka waxana uu ahaa mid ka xumaaday hishiiska labada wada, bishii hore ee sanadkana Marayakanku waxa uu ka digay Weeraro Aragagixiso oo ka dhaca Madaarka ISTANBUL, waxa xiligaasi ka sii jiray wadanka rabshado qaraxayadu kawkayihiin waxanay Dawladu ku timaantay Faragelin shisheeye.

Hadab iyada oo dalkaasi la daala dhacaayay xaaladaahsi kala gadisan ayaa Milatariga wadankaasi oo quwad badan leh saamayna kuleh siyaasaha kala duwan ee dalkaasi waxa uu habeenkii xalay fuliyay Inqilaab aan dhiigbadani ku daadan oo fashilmay una eeka mid dhinaca debeda laga soo abaabulay waxana Madawayne Erdogan ku guntaday Shacabwaynaha Dalkiisa oo jacayl farabadan u qaba hogaankiisa iyo siyaasadiisa oo ay u arkaan mid suuban.
Geestoodana Siyaasiinta ka soo horjeeda hogaanka wadankaasi ee mucaaridka ah ayaa u arka Siyaasadda Madaxwayne Erdogan in ay tahay mid qalafsan oo aan u fiicnayan dhankooda waxanay ku eedeyaan in siyaasadiisu u badantahay ama u janjeedho Xisbigiisa iyo Saaxibadiisa ku xeeran oo Qudha.
Jaamac Aadan Maxamed.

Jamac1100@gmail.com

Hargeysa Somaliland.