Madaxweynaha Turkiga: Waxa Badbaadisay Awoodii Shacabkiisa Oo Inqilaabka Fashilisay

0
645

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Marka si guud la isugu soo ururiyo, madaxweynaha Turkiga Mr. Tayib Erdogon waxa badbaadisay awoodii shacabkiisa oo uu si ilbaxnimo leh u adeegsaday, waxaana sidoo kale inqilaabka fashilisay awoodii shacabka oo ka hortagtay.

1

Madaxweyne Erdogon oo fasax ku jiray ayaa u muuqday nin aan xog ka haynin inqilaabka oo inkastoo uu ahaa mid fashilmay haddana lahaa cudud xoogan, haddii aan laga hortagin.

Way yarayd wax calaamad ah oo muujinayay madaxwayne Rajab Dayib Erdogan markii dadkii afgambiga soo abaabulay ay u muuqdeen kuwo la wareegay goobaha muhiimka ah ee magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

Sidoo kale raad badan lagama haynin madaxwaynaha markii qabanqaabiyeyaashu ay la wareegayeen dhismeyaasha iyo xarumaha warbaahinta.

Waxay markaas u baahnaayeen in ay helaan taageerada shacabka iyo inta badan millatariga oo aad muhiim ugu ahayd.

Rai’sal wasaare Bin Cali Yildimir ayaa u muuqday in uu hogaaminayay dadka ka soo horjeeda afgambiga.

Laakiin sida ay og yihiin dadka Turkida ahi inta badan awooda waxaa leh madaxwaynaha isaguna uu qaabayn karo in uu sii hayo xilkiisa.

Marka haddii afgambigu sii soconayo dadka soo maleegay waxay u baahnaayeen in ay ka ilaaliyaan in uu shaashadaha ka sii maqnaado, balse way awoodi waayeen.

Markii dambe ayuu soo muuqday isaga oo sheegaya in uu isagu yahay taliyaha

ciidammada.Saacado kaddib ma cadayn meesha uu joogo madaxwayne Erdogan.

Wararka qaar waxay sheegayeen in uu fasax nasasho u joogo Marmaris oo goob loo tamashleeyo ama loo dalxiistago oo ku tala badhmtaha  Koonfurta galbeed ee Turkiga.

Arrintuse waxay is badashay markii uu madaxwaynuhu u soo duulay garoonka Ataturk ee magaalada Istanbul halkaas oo uu ku qabtay war saxaafadeed kaga dhago adaygayo waxa dhacay.

Markii uu tagay saldhig ay ciidamadu leeyihiinna waxaa caddaatay in dawladdu ay dib u helayso gacanku hayntii waxayna heleen saraakiil sare oo dawladda taageeray.

Ankara oo ah meesha xarunta u ah madaxwaynaha iyo meesha ay dawladdu dagantahay wali faro kuma jirin, balse Istanbul waxaa ugu suuragashay in uu si toos ah ula hadlo dadka Turkida ah. Saxafiyiinta ayuuna u sheegay in wixii dhacay ay khayaanno tahay.

Ilnur Cevik oo la taliye sare u ah madaxtooyada ayaa sheegay sheegay in laga guulaystay kuwii afgambiga qorsheeyay.

Way cadayd in uu jiray isku day afgambi laakiin wax kaste si dhakhso ah ayay dhanka dawladdu ugu janjeersadeen.

Erdogan ayaana dadka waydiistay in ay u soo baxaan jidadka Ankara iyo Istanbul sidaas ayayna yeeleen.

Dadka Turkida ah ayay ahaayeen kuwii millatariga dib ugala wareegay garoonka diyaaradaha ee Ataturk, dadka ayaana millatariga ka soo celiyay Telefeshinka iyo idaacadda qaranka.

Xaqiiqadu waxay tahay ciidammada ayaa la wareegay xarumaha warbaahinta qaranka ee TRT, waxayna hor istaageen in shacabku ka qabsadaan, dadkii hogaaminayay afduubkana waxay sii wadeen in ay fariimahooda baahiyaan. Waxay sheegeen in gudi ammaan ay la wareegeen taladii dalka.

Warbaahinta CNN Turk ayaa la damiyay kaddib markii ciidanku galay, baraha bulshada ayaana la hakiyay.

Laakiin maamulidii warbaahinta ma aanay sii waarin, xataa inta aanu gaadhin  garoonka diyaaradaha ee Ataturk wuxuu la soo xidhiidhay CNN Turk wuxuuna dadka Turkida ah ugu baaqay in ay wadooyinka u soo baxaan isaga oo muuqaal ahaan fariintaas u gudbinaya.

Madaxwaynhu nasiib ayuu lahaa, wuxuu sheegay in bambo lala dhacay huteelkii uu dagaana markii uu ka soo tagay kaddib lana qabsaday xoghayihiisii guud.

 

Geesta kale Ilaa 2,839 askari oo Turki ah oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ayaa loo xidhay isku daygii afgambiga oo hadda dhamaaday sida uu sheegay Rai’sal wasaaraha dalkaas Bin Cali Yildirim.

Wuxuu sheegay in ay dhinteen 161 ruux 1,440 ay ku dhaawacantay habeen uu ku tilmaamay bar madaw oo fuushay dimuqraadiyadda Turkiga.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay magaalada Ankara, Istanbul iyo meelaha kaleba xalayto.

Kumanaan dad ah ayaana adeecay baaqii madaxwayne Erdogan ee ahaa in ay diidaan oo ka hor tagaan dadka inqilaabka raba.

Dawladda Giriig ayaa sheegtay in ay xidhay sideed nin oo dalkeeda ku soo galay diyaarad millatari oo ah kuwa qumaatiga u kaca.

Diyaaraddaasi ayaa ku soo dagtay magaalada Alexandroupolis oo ku taala dhanka waqooyi.Dadkaas ayaa Giriiga ka codsaday magangalyo siyaasadeed.

Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in dawladdiisu ay waydiisan doonto in loo soo celiyo.

In kabadan 2700 oo garyaqaan oo dalka oo dhan ka kala shaqaynayay ayaa shaqada laga eryay.

Wakaalad warar oo ay dawladdu maamusho ayaa sheegtay in ay calaaqad la lahaayeen Fethullah Gulen oo ah Sheekh Maraykanka dibad joog ku ah.

Dawladdu waxay sheegtay in iskudaygii afgambiga dhicisoobay ay ka dambeeyeen qayb ka mid ah millatariga oo daacad u ah sheekhaas.

Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan ayaa ku tilmaamay “nidaam kuwan la mid ah” kaas oo uu si cad ula jeedo wadaad Fettllah Gulen.