Dawladda Turkiga Oo Cadaysay In Wasiiradii Somaliland Ay Kulan La Yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Iyo Nin Ganacsade Ah

0
743

Hargeysa(Geeska)- Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Turkiga ee la yidhaahdo Haberturk, ayaa cadadkiisii 27 April 2016 ee shalay, daabacay warbixin  ka qoray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,  waxaanu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ay dalka Turkiga ku kulmeen wasiirado ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Wargeysku wuxuu warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Heshiiska Ankara ee Soomaalida.”

wwwwwwwwwwwww

Xildhibaan Kanti Turan, oo ka tirsan Baarlamaanka Turkiga, lagana soo doorto gobalka Bursa, oo sidoo kale ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa wargeyskan u sheegay in Wasiirada Somaliland iyo Somaliya ay yeesheen kulan ay ku gaadheen heshiis aan rasmi ahayn, kaas oo ay saxeexi doonaan 31 May, 2016.  Wuxuu xildhibaanku sheegay in kulanku dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isku dhinac ah iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa oo uu weheliyay nin ganacsade Somaliyed oo uu wargeysku magaciisa ku sheegay Faarax Giindhe.

Wuxuu xildhibaan Kanti Turan, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Turkigu, u sheegay wargeyskan in wasiiradu dib isugu soo noqon doonaan 31 May, oo ay heshiiskan aan rasmiga ahayn saxeexi doonaan.

Hase yeeshee Wargeysku, ma faahfaahin nooca uu yahay heshiiska hordhaca ah ee ay gaadheen masuuliyiinta Somaliland iyo Somaliya.

Wargeyska, ayaa xildhibaankan Turkiga ah ku tilmaamay siyaasi door muhiim ah ka qaatay heshiiskii dhawaan ay gaadheen dawladda Somaliya iyo maamulka Puntland ee ku saabsanaa nidaamka saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliya ee loo yaqaano 4.5.

Geesta kale, siyaasigan ayaa dhawr goor socdaalo ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa,isagoo kulankiisii u dambeeyay la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.