Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Xadhig Iyo Ganaax Ku Riday Nin Ku Eedaysnaa Goynta Dhirta Qoyan

0
865

Hargeysa(Geeska)-Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex qaybteeda wareegta waxa ay xukun isugu jir xadhig iyo ganaax lacageed ku riday nin ku eedaysnaa jarida shan boqol oo geed oo qoyan , falkaasi oo uu ka gaystay deegaanka qori-jabley ee degmada Sabo-wanaag ee Gobolka Maroodi-jeex.

1

Ninkan falkan ku eedaysan oo la yidhaahdo Cabdilahaahi Haaruun Aadan(Sool) waxa uu maxkamada horteeda ka qirtay dacwada loo haystay isagoo sheegay in uu goynta dhirtan uga dan lahaa in uu ka dhigo dhuxul iyo sarab uu iib geeyo.

Dacwadan waxa dhibane ka ahaa oo matalayey wasaarada deegaanka ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud waxaana dhagaysigeeda ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan wasaarada deegaanka oo uu hogaaminayey agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka , Guddoomiyaha Degmada Sabo-wanaag iyo qaar ka tirsan odayaasha deegaanka qori-jabley, waxaana dhagaysiga dacwadan qaybtiida uu ka qabsoomay deegaanka qori-jabley oo uu falkani ka dhacay

Intii ay dacwadani socotay waxa la dhagaystay qaar ka mid markhaatiyayaashii goob jooga ka ahaa dhacdadan, iyadoo maxkamada la tusay  cadaymo muujinaya baaxada ay leeg tahay dhir jarida eedaysanahani  gaystay .

Markii ay dhamaatay dhagaysiga dacwadu Axmed Dalmar Ismaaciil Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka maroodi-jeex waxa uu halkaasi  kaga dhawaaqay go’aanka ay maxkamadu gaadhay waxaana uu yidhi;-“Maxkamada gobolka Maroodi-jeex qaybteeda guur-guurta waxay saaka ku soo baxday dhagaysiga dacwada ciqaabta ah ee sumadeedu tahay 313/2016 taas oo uu eedaysane ka yahay eedaysane Cabdilaahi Haaruun Aadan , ina faadumo jaamac , 33 jir ah , laguna eedaysanyo dambiyada cusub ee xaalufinta deegaanka , eedaysanaha markii loo akhriyey xaashida eeda oo lagu eedaynayey in u jar-jaray dhir qoyan oo ku taala deegaanka qori-jabley isagoo u adeegsanaya dhuxul ,qaarna sarab ahaan in uu u iibiyo , isla markaana uu maxkamada horteeda ka qirtay in uu gacantiisa ku jaray boqol geed ,isagoo gadaalna ka sheegay in uu badh kalena u diray dad jar-jara.

Maxkamadu eedaysanaha qiraalkiisa kumay koobnaan waxay ku kabtay markhaatiyo afar ah oo sharxay maxkamada horteeda siday wax u dhaceen iyo dhirtaas la jarjaray , maxkamadu waxa ay indhaheeda ku soo aragtay dhir ka badan boqolaal oo la jarjaray , waxa kale oo maxkamada loo soo gudbiyey dhirtii la jarjaray qayb ka mid ah oo maxkamada hortaala oo qoyan kana muuqato mididii la mariyey ,eedaysanuhu waxa uu ku dooday in ay dhirtaasi ahayd dhir uu ka samaynayey sarab isla-markaana uu banaynayey meesha si uu beer uga dhigto , waxa kale oo maxkamada loo soo gudbiyey in dhirta uu jarjaray haddii lays yidhaa dib u beera ay lacag dhan ($150,000) ku baxayso iyo muddo nus qarni ku dhaw oo ay dib u baxayso.

Sababahaa dartood waxa ay maxkamadu soo saartay xukunkan iyadoo adeegsanaysa markii koowaad  taariikhda xeerka cusub ee xeerka ilaalinta kaymaha iyo duurjoog xeer no: 69/2015 ka dib markii maxkamadu dambi ku heshay eedaysane ama dambiile  Cabdilaahi Haaruun Aadan , ina faadumo jaamac , 33 jir ah waxa ay ku xukuntay saddex sannadood oo xadhig ciqaabeeda iyo  saddex milyan , waxa kale oo maxkamadu ku xukuntay marka uu xadhiga dhamaysto in uu beero inta ay doonto ha ku qaadateen boqol geed sida ay sheegayso farqada labaad ee qoddobka 28-aad ee xeerkan 69/2015.

Waxa kale oo maxkamadu ku wareejisay dhirta boqolaalka ah ee la jarjaray wasaarada deegaanka si ay ugu wareejiso ciidanka booliska iyo cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa.

Markii xukunkaasi ay maxkamadu ka gaadhay dacwadaasi waxa isna dhiniciisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Maxmed Cilmi Xuseen oo sheegay in ka wasaarad ahaan ay soo dhawaynayaa xukunkan ay Maxkamadu gaadhay waxaana uu yidhi:-“Runtii maalin weyn oo farxadeed ayey noo tahay ka wasaarad ahaan waa maalintii koowaad ee xeerkii 69/2015 la meel-mariyey lagu fuliyo degmada sabo-wanaag waliba qori-jabley oo uu xasuuqan darani ka dhacay , runtii aad baanu ugu faraxnay ,aad baanu u soo dhawaynay xukunkii dhacay ,waanu ku diirsanayn , waanu taageersanahay , waxaana uu tusaale u yahay dadweynaha reer somaliland”.

Waxa sidoo kale xukunkan si isku mid ah u soo dhaweeyey Gudoomiyaha degmada sabo-wanaag cali hugur galab, ku xiggeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Maxamed maxmuud, isuduwaha wasaarada deegaanka ee gobolka maroodi-jeex, agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaarada deegaanka iyo qaar ka mid ah odayaaasha deegaanka qori-jabley ee falkani ka dhacay, waxaana dhamaantoodba hoosta ka xariiqeen sida go’aanada noocan ahi dabar ugu noqon karaan dhibaatada lagu hayo deegaanka.