Xisbiga Waddani Oo Madal La Isku Arkay Ku Soo Bandhigay Barnaamijka Siyaasadeed Ee Xisbiga Oo Qoran

0
781

Picture3Hargeys(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa soo bandhigay buug qabyo qoraal ah oo ka turjumaya barnaamij siyaasadeedkiisa uu ku hogaamin doono dalka haddii uu ku guulaysto xilka doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo Sannadka 2017-ka, waxaana munaasibadii lagu soo bandhigay Buuggan oo si balaadhan loo s oo agaasimay oo shalay ka dhacday Guuleed Hotel ka soo qayb galay Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaliland  ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),Madaxda Xisbiga, Guddoomiyayaasha gobolada,  Guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhalinyarta, Xildhibbaano, mas’uuliyiinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, madax-dhaqameed, wax-garad, aqoonyahan, culimaa-awdiin, ganacsato, iyo taageerayaasha  Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo ugu horeyn ka hadlay  munaasibadan, ayaa  sheegay in barnaamijkan uu soo bandhigaayo Xisbiga Waddani aanu ahayn mid ka yimid fikir gaara oo cid kali ahi iska leedahay, waxaana uu tilmaamay in laga soo uruuriyey garaadka iyo afkaarta kala duwan ee dhammaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu guud ahaan dalka u horseedi doono horumar, caddaalad, sinnaan iyo in ay Somaliland bulshada caalamka ka hesho ictiraaf buuxa,waxaanu yidhi  “Barnaamijkani maaha feker qof keliya, waa isu-geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna, cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waana u furan tahay dhamaan xubnaha iyo taageerayasha xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waa badeecad aan wada leenahay.

Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI  waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida  Guud ee xisbigu ku dhisan yahay oo  u badbaadinta shacbigiisa  hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf.”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadnaqay qorayaasha Buuggan qabyo qoraalka ah ee ka turjumaya barnaamijka Xisbiga Waddani oo kala  ah  Xoghayaha Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xoghayaha Siyaasada Arrimaha Dibada Dr Fadal, La Taliyaha Siyaasada Arrimaha Dibada Marwo Faadumo Siciid Ibraahim iyo Cabdirashiid Jayni, waxaanu ugu mahadnaqay sida ay isku xilqaameen iyo dadaalka ay ka muujiyeen buuggan. Dhanka kale  Xoghayaha Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xoghayaha Siyaasada Arrimaha Dibada Dr Fadal, La Taliyaha Siyaasada Arrimaha Dibada Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo iyana dhammaantood Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka war bixiyey Buuggan qiimaha uu leeyahay, waxayna tilmaameen inuu ka turjumay siyaasada dhabta ah ee Xisbiga Waddani ku hogaamin doono dalka iyo dadka haddii uu ku guulaysto Doorashada, waxayna si gaar ah u xuseen in Buuggani ahmiyad gaar ah siiyey Haweenka, Dhalinyarada, Dadka dulman, Aqoonsiga, Dhaqaalaha, Siyaasada Arrimaha Guddaha iyo Siyaasada Arrimaha Dibadda.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa Xisbiga Waddani uga mahadnaqay Buuggan ay ku soo bandhigeen Barnaamijka Xisbiga, waxayna ku taliyeen in halkaas laa sii wado dadaalka, waxayna tilmaameen in loo baahan yahay is badal.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa  ka warbixiyey muhiimada uu Buuggani leeyahay, waxaanu xusay in tacab iyo dadaal la galiyey, isla markaana uu ka turjumayo siyaasada dhabta ah ee Xisbga Waddani dalka ku hogaamin doono.

Dhanka kale waxa Munaasibadaas lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa halka uu maanta dalku marayo iyo is badalka loo baahan yahay.