Wasaarado Ay Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranku Ammaantay Iyo Kuwo Ay Aad U Dhaliishay

42
798

Hargeysa(Geeska)-Guddida Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha wakiilada ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay  warbixintoodii afraad oo daaha ka fayday in 98% Miisaaniyadda Qaranka lagu isticmaalo Hargeysa.

Kulanka ay guddigu ku soo bandhigeen warbixintan waxa fadhiyay xubnaha Golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweye Siilaanyo qaar ka mid ah. Guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo xaflad balaadhan ku qabtay hotelka Maansoor ayaa sheegay in kormeerkoodii afraad ee ay warbixintan ka soo saareen kusoo arkeen Goboladda Somaliland in aanay wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladdu ka shaqayn iyagoo sabab uga dhigay in aanay gaadhin Miisaaniyadda Qaranku u qoondeeyey ee ay Gole ahaan ay Ansixiyaan sanad kasta.

Guddidu waxa ay sheegtay gabi ahaanba inaanay goboladda Dalka ka jirin wax maamul daadajin ah, isla markaana ay soo arkeen isuduwayaal ay isuduwayaal ay isku darajo yihiin  iyo badhasaabo is xukumaya taasoo ay ku tilmaameen mid daaha ka faydaysa maamul la’aanta ka jirta goboladda.

Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in shaqaala badan oo goboladda joogaa aanay lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, mushaharkuna uu gaadho sadex biloodkiiba mar, halka qaarkood ay Hargeysa usoo doontaan oo uu ka badan yahay Noolka ay soo isticmaalaan.

Guddida Daba-galku Hantida Qaranku waxay sheegeen in Dawladnimaddii Somaliland kusoo ururtay caasimadda oo kali ah, isla markaana waxa ay sheegeen in Gobolka Maroodi-jeex qaybo ka mid ahi goboladda kale kala siman yihiin dhaqaale la’aanta iyo maamul daadajin la’aanta ku habsatay Hay’adda Dawladda.

Guddidu waxa ay sheegeen inay Kormeerkooda ku soo arkeen afar wasaaradood oo kali ahi inay goboladda ka shaqeeyaa, kuwaasoo kala ah wasaaradaha waxbarashada,  waxbarashada, deegaanka, caafimaadka iyo maaliyadda  oo ay sheegeen in ay shaqaale iyo xarumo ku leeyihiin goboladda ay soo mareen, waxaanay sheegeen inay wasaaradahani miisaaniyadii loogu tallo galay gaadhsiiyaan gobalada dalka.

Guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranku waxa ay ku tilmaameen saddexda wasaaradood ee ugu liita dhinaca maamul daadejintu  inay kala yihiin Wasaaradaha Warfaafinta, Boosaha iyo Macdanta iyo Tamarta.

Guddidu waxay kulanka ku soo bandhigeen Filim ay ka soo duubeen masuuliyiinta Xukuumadda u jooga Goboladda Dalka, kuwaas oo cabasho weyn ka muujiyey duruufaha ay ku shaqeeyaan oo naxdin ku abuurtay dadkii kulanka ka soo xaadiray oo u badnaa Wasiiradda wasaaradaha Xukuumadda iyo hay’adaha Dawliga ah ee ay dhaliishu ku socotay. Wasiirma maaliyadda marso Samsam Cabdi Aadan ayaa soo dhawaysay warbixinta guddigu ay soo saartay.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo markii kulanku dhammaday saxaafadda la hadlay ayaa dhaliilay warbixinta guddiga, waxaanu sheegay inaanay qiimayntoodu ahayn mid lagu eegi karo maamul daadajin balse lagu eegi karo inay shaqadooda qabtaan. Wuxuu ku dooday inay shaqadooda si fiican u qabsadaan, isagoo u muuqda inuu meesha ka saarayo in wasaaraddu ka shaqayso gobollada. “Wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka xarunteedu waa Hargeysa. Qofka doonaya inuu qiimeeyaana waa inuu marka hore akhriyaa waajibaadka iyo xilka wasaaradda warfaafinta oo gartaa. Wasaaradda warfaafinta waxa xilkeeda ugu muhiimsani yahay( Idaacadda, Tv-ga, Wargeyska iyo Websites-ka) inay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah warka ku gaadhsiin karto maqal iyo muuqaal iyo akhris. Maaha anaga arrintayadu gobol ma aha degmo ee muwaadinka gurigiisa iyo halka uu fadhiyo waa inaanu ku gaadhsiinno hadduu gudaha jooga iyo hadduu dibadda joogaba, markaa anaga nalaguma qiimeeyo gobol iyo Degmo,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

 

Comments are closed.