Ciyaarihii Gobalada Oo Burco Iyo Borama Ka Furmay Iyo Xulalka Hawd Iyo Togdheer Oo Laga Badiyay

0
546

Picture5Burco/Awdal (Geeska)- Tartanka is reeb-reebka koobka gobolada Somaliland ayaa shalay dalka si isku mid ah uga furmay, waxaana 14 gobol ku soo kala hadhi doonaan gobolada Togdheer iyo Awdal.

Ciyaaraha furitaankooda waxaa ka qayb galay masuuliyiinta xukuumada, masuuliyiinta gobolada iyo marti kala gadisan oo ka kala yimi gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Shalay waxaa is arkay oo kala calaf qaaday afar gobol oo kala Togdheer, Daadmadheedh, Awdal iyo Hawd. Waxaa lagu durdiyey Todheer oo marti loo ahaa waxaana 0-1 kaga badiyey gobolka ay jaarka yihiin ee Daadmadheedh.

Sidoo kale waxaa guul gaadhay xulka gobolka Awdal oo marti galiyey ciyaaraha qaybta galbeed, waxaanay 1-0 ay ugu awood sheegteen dhigood gobolka Hawd, kuwaas oo ku wada jira Group-ka ugu adag ciyaaraha galbeedka ee is reeb-reebka koobka gobolada. Ciyaartaas ayaa ka dhacday garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Boorama.

Furitaanka ciyaarta ka hor waxaa munaasib daah ka faydid ah loo sameeyey tartanka waxaana ka hadlay madaxweyne xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici), isaga oo kula dardaarmay ciyaartoyaga iyo macalimiinta inay ciyaarta ka saaraan xamaasadan, isla markaana ilaaliyaan nabad galyada garoonka, waxaanu u rajeeyey nasiib wanaag labada gobol ee kala calaf qaaday.

Wasiiro iyo masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay ciyaaraha ka furmay gobolada bariga iyo galbeedka, waxaanay dhamaan u rajeeyey inta nasiibku siiyey inay dhigooda kale si niyad samaan ah ugu bogaadiyaan guusha ay gaadheen, waxaanay ugu dambayntii dardaano u jeediyeen ciyaartoyga.

Maanta waxaa boorama isku arki doonaa xulalka Maroodijeex iyo Buuhoodle. Halka ay burco isku arki doonaan Xaysimo iyo Badhan, ciyaarahan oo ah kuwo aad u xiiso badan ayaa la wada sugayaa cida ay guushu raacdo.