Cali Cumar Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Cirro Iyo Baashe, Farriina U Diray Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

0
517

Picture4Hargeysa (Geeska)-Mulkiilaha Guuleed Hotel Cali Cumar Guuleed oo ah ganacade iyo siyaasi reer Hargeysa ah,  ayaa waxa uu soo dhaweeyey heshiiskii dhexmaray Shir gudoonka Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Baashe Maxamed Faarax, waxaanu ku tilmaamay isa saamax ay bulshadu ku faraxday.

Cali Cumar Guuleed, ayaa sidoo kale Farriin baaqa u diray Suldaanka Guud ee Beelaha  Subeer Awal, waxaanu ugu baaqay  inuu ka guto waajibka  ka saaran arinta Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Baashe Maxamed Faarax iyo Suldaan Mawliid Sabayse, isaga oo tilmaamay in Baashe si sharaf iyo gobonimo leh ka yeelay Suldaan Sabayse, “Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax, waa tii arin fool xumi ka dhex dhacday, Shacabka Somaliland iyo wixii damiir lihi way ku farxeen inay arinkoodii dhamaystaan, dadkana way ka raali geliyeen, waanan ku hambaliyeynayaa heshiiskaas Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka iyo wanaaga ay gaadheen ee samaha ah ee walaaltinimadu ku jirto”.

Cali Guuleed ayaa mar uu ka hadlaayey fariin uu u diray Suldaanka guud ee Subeer Awal iyo soo daynta Suldaan Mawliid Sabayse ayaa yidhi “Waxa la soo daayey Suldaan Mawliid Cali Sabayse, dabadeed Telefeshinka ayuu ka hadlay, waxa uu yidhi hadalkii aan idhi ka noqon maayo, waxa aan leeyahay Suldaan hadalka horta aad tidhi midina Xukuumadda iyo Hamaha ayuu khuseeynayey oo aad xaq ku leedahay Dimuqraadiyada dalka taala in wixii rayigaaga ah aad cabirto ama diid ama yeel, xorbaad u tahay, ta dhaqanka iyo af xumadii dhacday ee aad ku samaysay Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Baashe Maxamed Faarax, adiga oo waliba seedi leh, adiga oo waliba wax hadal ah aanay kula iman qoyska aynu nahay,  waxaana hadalka ii geeyey sida aad u hadashay, waxaanay ahayd in aad labada hadal kala saarto, haddii aanad ka noqonayn ta aad Haamaha ka tidhi xor ayaad u tahay, ta Guddoomiye ku xigeenka aad ku khaldantay xaalkeeda iyo marinkeeda inaad mariso ayaa fiican, waxaan ku leeyahay Abti taas cid hore oo kaala hadashay ma jirto malaaye.”

Cali Guuleed mar uu fariin u diraayey Suldaanka Guud ee Subeer Awdal ayaa yidhi “Suldaanka Guuud iyo Suldaan Shariif waxa ay tageen Guddoomiye ku xigeenka gurigiisa, si xishmad iyo sharaf leh ayuu u soo dhaweeyey, waxa uu yidhi Guddoomiye ku xigeenku wax aan Suldaan Mawliid u haysto oo aan ka doonayo ma jirto, sidaasna wuu ku dhameeyey ilaa Xeer ilaalinta isaga ayaa u raacay, iyada oo niman badan oo Abtiyaashay la socdeen, waxa ay ahayd in xurmada dadka la eego.

Wax la aqbali karo maaha Nin dalka sharaf ku leh, Nin dadka sharaf ku leh, Abtirsiin sharaf ku leh, oo ka badha Somaliland iyo Nin kale oo Madax ah oo ehel ah, oo isna Madaxweyne u socda markay is qabtaan in wanaag iyo sharaf lagu kala qabto ayaa fiican, Suldaanka guud oo abtirsiinta marka la eego, afar jeer reer Suldaan gala, afarta dambena Garaad gala, waa Siddeed, Suldaan Xasanoow arinkii aad dhex dhexaadisay iyo sidii uu Baashe ka yeelay, iyo wanaagii aqalkii aad tagteen ee idinku lahaa sharafka waxa aanu eegaynay in aad hadalka halkiisa aad mariso Suldaan, adigana waanu ka sugaynaa.”