Laba Saxafi Oo Ku xidhan Berbera

0
479

Picture3Berbera(Geeska)-Ciidanka Booliska magaalada Berbera ayaa shalay xabsiga u taxaabay laba saxafi oo kala ah  Axmed Siciid Maxamed oo ka hawl gala Kalsantv Iyo Shabakada Wararka Ee Mandheera.com Iyo Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo ka hawl gala Somalinews Tv Iyo Shabakada Wararka Ee Oodweynenews.com.

Maxkamadda gobalka Saaxil ayaa la sheegay inay amartay sii daynta labadan saxafi, laakiin taas ayaan weli dhicin.  Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa cambaareeyay xadhiga saxafiyiintan oo uu sharci darro ku tilmaamay.

Saxafiyiinta magaalada Berbera ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyay waxa noqdeen kuwa ugu xadhiga badan dalka.