“Waxaan Taageerayaashayda Iyo Golaha Dhexe Ee KULMIYE U Sheegayaa Inaan Ahay Musharax Madaxweyne Oo Xisbiga Dhexdiisa Ah Marka Uu Tartanku Furmo”

0
582

Picture8Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay mudaynta shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu sheegay inuu yahay musharax rasmi ah oo madaxweyne marka la bilaabo hawsha musharaxnimada xisbigaas.

Samaale, oo shalay waraysi gaar ah siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ah agaasimaha telefishanka Star, wuxuu taageerayaashiisa iyo golaha dhexeba u cadeeyay inuu hankiisii musharaxa madaxweyne halkii uu hore u taagnaa yahay. “Marka koowaad hankaygii musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo dabadii waa sidiisii waanan u taaganahay, waanan sharaxanahay, waanan tartamayaa marka uu furmo tartankaasi, waxaan Xamsoow  [weriyaha] kuu sheegayaa oo aan u sheegayaa taageerayashayda, oo aan u sheegayaa dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga iyo aasaasayaashii KULMIYE, arrintaasi inay tahay sidii aanu isku ogayn wax haba yaraate iska kay bedelay aanu jirin. “ ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Samaale, wuxuu soo dhaweeyay mudaynta shirka golaha dhexe ee KULMIYE, “Waxaan soo dhawaynayaa mudaynta la mudeeyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo hadda loo mudeeyay 10 November, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa raali ayaanan ku ahay waanan ku faraxsanahay.” ayuu yidhi.

Cabdicasiis Samaale, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii aasaasay xisbiga lana soo shaqeeyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay inuu shirgudoon ka ahaa laba shir oo uu xisbigu qabsaday wakhtigii uu mucaaradka ahaa. Waxaanu u mahadceliyay dadkii kala duwanaa ee xisbiga garab taagnaa mudada dheer, “Waxaan intaas u soo halgamayay aniga iyo in badan oo ila mid ahi waxa ka mid ah in xisbigaasi guulaysto qof walibana hankiisa ka xaqiijiyo xisbiga dhexdiisa, maantana waxaan u taaganahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye xilliga tartankaasi furmo, waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo hamigaas leh, tartan walalatinimo inuu dhaco dabadeed cidda ku guulaysata in lagu dhiso, waana in la helaa tartan xalaal ah oo loo simanyahay.”

Isagoo la hadlaya taageerayaashiisa iyo golaha dhexe ee KULMIYE, wuxuu yidhi “Waxaan u sheegayaa taageerayashayda iyo  golaha dhexe ee kulmiye inaan taaganahay oo aan iska dhex sharixi doono xisbigaas marka lagu dhawaaqo, horena waxaan u sheegay inaanan isla taagayn Madaxweyne Siilaanyo haddii teeram labaad uu isa soo taago go’aankaasina waa sidaan u idhi oo halkii ayuu iga yaalaa, markase taasi ay banaanaato oo tartankaasi furmo qofka koowaad ee taagan ayaan ahay, saaxiibadayda hankaas lehna waan ku soo dhawaynayaa, waxaanan leeyahay waa ciyaar iyo tartan, sida loo kala nasiib badanyahay ayuun baana loo kala badin doonaa.”