Dhukanaanta Siyaasiga iyo Wiki Liikis: Maxamed Cabdi Daauud

0
709

Picture123/Feb/2012kii, waxaa carriga Ingiriiska, ka dhacay Shirkii weynaa ee ay ka soo qayb galeen 50ka Dawladood iyo Ururada Caalamiga ah ee AU, UN, EU, Jaamicadda Carabta iyo Ururka Islaamka. Sidoo kale waxaa Shirkaas fadhiyay TFG (Somalia tii uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif), Somaliland Puntland, Gal-Mudug iyo Ahlu Asunnah. Waxa keli ahaa, oo shirkaas ka maqnaa Xarakada Ashabaab, oo iyadu dhaleecaysay Shirka. Haweenayda H. Kilintan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Iyana ku goodiday in Safarada iyo Hantidaba ay ka xanibi doonto cid kasta oo Shirkaas ka hor-timaadda.

Shirka hortii, Xukuumadda Somaliland way is baraxday iyada oo arrinkaas u ban-dhigtay Baarlamanka, kalana tashatay Xisbiyadii Siyaasiga ahaa ee xilligaas jiray. Hal diiddan may lahayn maalintaas. Sidaas baanay Dawladdu uga qayb-gashay Shirkaas. Waliba waxa ay Xukuumadda Somaliland ka afeef-dhigatay in marka ay Shirka fadhido, maqaamkeedu sarreeyo, sidii Dawlad la aqoonsan yahay. Eeg sawirka ku lifaaqan.

Haddaba baaqii shirkaas ka soo baxay ee laysku waafaqay muxuu ahaa? Baaqaas oo dheeraa waxa aan ka soo qaadan karnaa Qodobkii ahaa in Somaliya ay ka korto Xukuumaddii Ku Meel Gaadhka Ahayd (TFG), oo bisha August, isla Sanadkaas, loo dhiso Dawlad Federaal  Ah (Federal Government of Somalia), oo ay u dhan yihiin maamulada ka dhisan Somalia. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa baaqaas qodobkii ahaa in beesha Caalamku gargaarto wadahadalada Somalia iyo Somaliland sidii ay uga wada tashan lahaayeen aayahooda.

Haddaba, Maalmahan, waxaa Saxaafadda iyo fagaaraha Siyaasadda ee Somaliland dhex-miranayay warqad laga soo saaray Wiki Liikis, oo sidata summaddii  Sirdoonka Sucuudiga, oo aan tirsi, taariikh, jiho ay ku socoto, iyo masuulkii qoray toona aan lahayn. Warqaddaasi waxay sheegaysaa xogtaas sare ku xusan, ee baaqii ka soo baxay Shirkii Landhan, ee 23 Feb 2012kii. Laakiin warqaddani Baaqii kuma sheegayso xogtan ee waxa ay leedahay waxaa sexeexay Ka Qayb Galayaashii Shirka ee Somalida Ahaa, shan cisho ka hor oo ku began 18 Feb 2012kii.

Wiki Liikis, iyadu warqaddan way heshay, iyada oo sidaas uun u qornayd. Sidoo kale ayay u fidisay iyada oo sidaas uun u qoran. Sidaana ceeb kuma laha. Laakiin Warqadda ayaa ceebta iska leh. Marka hore, Musuulkii qoray ee is-qariyay baa ceebta leh. Mar labaad, Warqaddani waa bilaa tirsi, bilaa taariikh iyo bilaa Shaanbad xafiis. Mar seddexaad, Masuulka qoray ma soo qadimin wax caddayn ah, marag-muujin, saxeexa iyo goobta uu heshiisku ka dhacay. Marka ay warqaddani sidaas dhooqo u tahay, dhammaanteenna wixii maalintaas dhacay aan ogayn, kaas oo ahaa shirkii ka dhacay Landhan, ma taalo meesha wax ay Somaliland isku xagxagato, ama bulshada lagu weyraxiyo Mucaarid iyo Muxaafid toona.

Gunaanad, Warqaddani waxa ay ka hor-imanaysaa Shirkii 23/2/2012, iyo wixii ka soo baxay oo ay ugu muhiimsanayd in; Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan aayahooda, Bulshada Caalamkuna ku taageerto arrinkaas.

Waa inoo cadadka labaad iyo Waraaqaha Sirta Culus ah, ee ku saabsan Somalia, ee Wiki Liikis ay ka soo xadday Sucuudiga.

Maxamed Cabdi Daauud