Madaxweyne-xigeenka iyo Muuse Biixi Oo Cod Dheer Ku Sheegay Inaanay Ka Bixin Heshiiska Mucaaradka Lala Galay Iyo Faysal & Cirro Oo Si Adag Ugu Jawaabay

0
530

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), oo ay wahelinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shir-jaraa’id ku qabtay aqalka Madaxtooyada, ayaa kaga hadlay heshiiskii ay dhawaan Xisbiyada iyo Xukuumaddu kaga gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, waxaana ay gabi ahaanba meesha ka saareen in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ay ka baxeen heshiiskaas iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay hada wadaan sidii ay Golaha Guurtidu ula fahmi lahayd hirgalinta heshiiskaasi, waxa kale oo ay Xisbiyada ugu baaqeen in ay kala qeyb-galaan sidii Golaha Guurtida loogu qancin lahaa heshiiskii ay wada gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumaddu. Xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna ka jawaabay dhawaaqa madaxtooyada ka soo yeedhay.

Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci).

Md.Cabdiraxmaan Saylaci oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu warbaahinta ka hor akhriyey qodobo ku saabsan mawqifka ay Xukuumadda iyo Xisiga Kulmiye ka taagan yihiin heshiiskii ay ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay Guutidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana ay kala ahaayeen.

1.Mawqifka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxaa uu taageersan yahay heshiiskii Xisbiyada qaranka Xukuumadda iyo Xisbiyadu ay isla gaadheen, meel ay kaga baxdayna ma jirto. 2.Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye sidii aanu ku cadaynay heshiiska Xisbiyada go'aanka Guurtidu waa mid sharci ah. 3.Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxaa ay ku jiraan in mudaneyaasha Guurtida oo ah hay'addii xaqa u lahayd kordhinta aanu ku qancino sidii xalka siyaasiga ah ee danta qaranka u qaadanay aanu iskula waafaqi lahayn oo meelna aan uga soo wada jeesan lahayn. Madaxweyne xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylaci oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Sidaas darteed waxaanu leenahay Xisbiyada mucaaradka in dadka la jaho wareeriyo oo wax aan jirin loo sheego oo la yidhaahdo dawladii ayaa heshiiskaas la gashay Xisbiyada mucaaradka kaga baxday, kamaanan bixin heshiiskaas, waxa weeye sharci ayaa halkan yaala, waxaa aynu qaadanayna waa xal siyaasi ah oo Xisbyadu isla garteen iyada oo aynu eegayno danta qaranka oo aynu ku raali galinayno beesha caalamka ee xidhiidhka wanaagsan innaga dhaxeeyo oo hawlahii dimuqraadiyada ahaa ee ay innoo wadeen aynu dartood ku qaadanay in 2016ka bisha December badhtankeeda ay doorashooyinku qabsoomaan, marka hada waxaan ku jirnaa in odeyaashu go'aanka dastuuriga ah ee ay qaateen sidii aynu isula waafaqi lahayn weeye, wax kale oo meesha yaala ma jiraan, go'aan laga baxayna ma jiro".

Muj.Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa Xisbiyada ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan sidii Golaha Guurtida loogu qancin lahaa heshiiskii ay isla gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumaddu, waxaana uu meesha gabi ahaanba ka saaray in heshiiskaas uu saxeexo Madaxweyne Siilaayo isaga oo sida oo kalena ganafka ku dhuftay in la hor-geeyo Maxkamadda, waxaana tilmaamay in arrimaha doorashadu ay dan u wada tahay Madaxweynaha iyo Xisbiyada isla mar ahaantaana ay lagama maar maan tahay in si wada-jir ah looga wada shaqeeyo sidii loo soo qancin lahaa Golaha Guurtida. “Guurtidu waa ay naga xanaaqeen oo waxaa ay yidhaahdeen annagu go'aan ayaanu gaadhnay ee dalka ha wareerinina, sidii ayaana ay ilaa hada u maqan yihiin, hada cida aanu u taag la'nahay waa Xisbiyada mucaaradka ah oo waar waxii aynu doonaynay ilayn innaga ayaa danta lahe oo doorashada lahee inna keena aynu odeyaasha wada qancinee, hal qalada ayaa ka dhaadhacsan oo ah Madaxweynahu ha saxeexo. Madaxweynahu maxaa uu u saxeexayaa?. Madaxweynaha, Ucid iyo Waddani waa ay u siman yihiin arrintan taagan innaga ayaa doorashada doonayna e, Guurtiduna markii ay qabashada lahayd innaga ayaa sii daynay”.Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi.

Mujaahid Muuse Biixi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Maanta waxaynu rabnaa in aynu nidhaahdo Guurtiday dib noola qaata arrintaas nala qaata codsiga iyo talada aanu idiinla nimaadno, laakiin xagayaga ayaa ay qabyo ka tahay oo nimakii mucaaradka ahaa waxay soo taagan yihiin caalamka ayaanu u yeedhaynaa, Maxkamad ha la geeyo oo haddii la innaga xukumo maxaynu taransanay oo aan ahayn khal khal iyo buuq, waxaanu leenahay hawsha waa la wada leeyahay, Xisbiyada iyo Xukumadduba waa ay wada leeyihiin, cidna si gaar ah uma saarna, Madaxweynahu Xisbiga ayaa  uu ka tirsan yahay, waxan aanu ku hadlaynaa waa afkii Madaxweynaha". Xisbiyada mucaaradka ayaa si adag uga jawaabay hadalada ka soo yeedhay madaxtooyada.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiayaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo mar uu qaar ka mid ah waraahinta ugu waramaayey xafiiskiisa ayaa ka hadlay hadalkan ka soo baxay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddu ay ilaa hada ka cago jiidayso fulinta heshiiskii ay isla gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumaddu, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in aanay ka mucaarad ahaan waxba ka gelin in ay xal ka doonaan Golaha Guurtida Somaliland isla mar ahaantaana xalka siyaasiga ah looga fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa uu sida oo kale carabka ku dhuftay in fulinta heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumaddu ay sida wada-jirka ah u gaadheen ay Xukuumadda Siilaanyo u banaan tahay dariiqyo badan balse waxaa uu ku eedeeyey Xukuumadda in aanay ilaa hada wax talaabo ah u qaadin dhinaca fulinta heshiiskaas. "Arrintaas, waxaanu u aragnaa in ay Xukuumaddu heshiiskii ka baxday, sababtu waxa weeyaan gogal ayey dhigtay Xukuumaddu maalintii ay gogasha dhigeen ayaana ay hadalkaas yidhaahdeen oo gogalna waanu dhignay arrinta Guurtiduna waa sharci hadana Xukuumaddu gogashaas ay dhigtay waanu aqbalnay, heshiisbaa ka soo baxay, heshiiskaasina waxaa uu ahaa in doorashadu qabsoonto December 2016ka, maalinta doorashada la cayimo oo Madaxweynahuna uu digreeto ku soo saaro, heshiisku intaas ayaa uu ahaa.Marka hadana muddo bil iyo badh ka dib ah in hadana Xukuumaddu ay ku soo celiso arrintii Guurtiduna waa sharci heshiiskiina kamaanan bixin, waxaa ay ila tahay wax dadka u cuntamayana maaha, wax dunida u cuntamayana maaha, se Labada mid uun in ay tidhaahdo ayey ku fiicnaynd Xukuumaddu".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan CirroGuddoomiye Cirro, waxaa uu isaga oo hadalkiisa sii wata, uu carabka ku dhuftay in ay Xukuumadda ugu dareen 6bilood oo bakhshiish ah isla mar ahaantaana looga baahan yahay Madaxweyne Siilaanyo in uu u hawl-galo sidii uu heshiiskaas u fulin lahaa. "Waa ayaan darro taasi, Madaxweyne ku xigeenka gurigiisa ayaanu fadhinay intii aan heshiiska la gelin, waxaa ay cod sadeen in aanu 24saacadood aanu siino si ay Guurtidu ugu soo qanciyaan inta aan heshiiska la saxeexin, waxay yidhaahdeen heshiiskii diyaar ayaanu u nahay in aanu galno, waxaanu filaynay in ay Guurtida soo qanciyeen oo Madaxtooyada dhexdeeda habeenkii aanu heshiiska saxeexaynay axsaabta oo dhan, wasiirada oo isku dhan, Madaxweyne ku xigeenka oo jooga, waxaanu u ambiil garaynay in guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Golahiisu ay si cad u yidhaahdeen go'aankii in aanay ka noqonayn, waxaad ka warqabtaan Saleebaan toban jeer ayaa uu ku celiyey in aanay go'aankii ka noqonayn. Marka arrintaasi arrin annaga noo taala maaha, Xukuumadda waxaa laga rabaa in ay heshiiska fuliso, Guurtida oo qudha boqol dariiqo ayaa u furan Xukuumadda”. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa uu faah faahin ka bixiyey dariiqyada u furan Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa si loo fuliyo heshiiskii ay isla gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumaddu isla gaadheen.

“Waxaa u furan in ay Guurtida qanciso oo aanay isku deyin xattaa, waxaa la leeyahay Saleebaan maalintii dhaweyd ee uu tagaayey Madaxweynaha waa uu arkay laakiin mawduucaas kamay wada-hadlinba sida la leeyahay, waxaana ay ila tahay in aanay mudnaanba u ahayn Xukuumadda arrintaasi, maanta in ay tidhaahdo heshiiskii waanu fulinaynaa, maxay tallaabo qaaday ma weydiiseen? oo imika bil iyo badh ayey haysteen in ay ku fuliyaane, waxaa u furnaa in ay Maxkamadda geeyaan, maxay u gayn la' yihiin?, maxay ugu yeedhi la'yihiin Komishanka si ay si ay u eegaan taariikhdii ay oggalaadeen oo aan annagu Lix bilood oo bakhsiish ah aanu ugu darnay Xukuumadda oo aanu isnidhi odeygu si wanaagsan ha u tago, Komishankana ilaa hada umay yeedhin oo kalamay hadal taariikhda cusub ee doorashooyinka, annaga Guurtidu arrin noo taala maaha, dariiqyo badan ayaa u furan Madaxweynaha, xilkuna Xukuumadda iyo Madaxweynaha ayuu saaran yahay in la fuliyo heshiiskaas haddii kale waxaa ay u eeg tahay uun waanu ka baxnay oo wax ay kaga duwan tahay waanu ka baxnay ma jirto arrintaasi, annagu Guurtida baryi mayno, go'aankoodiina waa ay gaadheen, ka noqon mayno ayaa ay yidhaahdeen 20jeer ayaa ay ku celiyeen, arrintaasna fulinteedu Madaxweynaha ayey u taala".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Inj.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, oo isna gaarkiisa qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay hadalkan ka soo baxay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxaana uu carabka ku dhuftay in iyaga loogga baahan yahay in ay is waafajiyaan sida ay isu qabanayaan labadan hadal ee sharcinimada go’aanka Guurtida iyo taageerida heshiiskii Xisiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, isaga oo sida oo kalena sheegay in laga sugaayo in sidii ay u hirgalin lahayd heshiiskii ay isla gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumadda.Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa kale oo uu Xukuumadda Siilaanyo ku sifeeyey in ay qaaday dhabihii ay ku dhici lahayd, isaga oo tilmaamay in ay la colowday gabi ahaanba beesha caalamka, bulshada Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ah. "Xukuumadda, waxaad ii sheegteen in ay yidhaahdeen waa sharci heshiiskii oo waanu taageersanahay hadana go'aankii Guurtidu waa sharci, bal iyada ayaa lagu sugayaa horta sida ay isu waafajinayso Labada hadal, laakiin waxaan idiin sheegayaa in caalamka iyo shacabka Somaliland-ba ay ka sugayaan in ay meel mariso heshiiskii, ta looga fadhiyaana waa taas”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Waraabe. Inj.Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Mushkilada inna haystaana waxa weeye marka dawladahu jabayaan waxaa lagu gartaa, waxay la coloobaan bulshada caalamka iyo ciddii tidhaahda waar hagaajista waxiina, Xukuumaddu waxaad moodaa in ay sas ka qaaday beeshii caalamka oo inna leh oo qudha waar waxiina hagaajista oo waxaad iibin jirteen dimuqraadiyad, nabad-galyo iyo saxaafad xor ah, waar intiiba hoos ayaa ay u sii socotaa ee hagaajista annaguna aan gacan idin ka siino e, shacbigiii reer Somaliland-na wax xil ah oo ay iska saarayaan ma jirto, asxaabtiina waxaa ay leeyihiin iyaguna maxaa ay sheegayaan, marka waxaa la yidhi ninkii baxaaya jinka ayaa loo bidh bidhiyaaye, dawladani maanta cid Allaale iyo cid ay u tahay wax lala xisaatami karo ma jirto”. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sida oo kale sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay  u hoggaansan yihiin kuna dhaqmayaan heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda ee ahaa in doorashooyinka la qabto 2016ka. “Annagu waxaanu leenahay oo aanu u sheegaynaa shacbiga reer Somaliland in aanu 2016ka isu diyaarinayno doorashaddii, wakhtigaas la sameeyey, Komishankana waxaan leeyahay ku hawl-gala, Komishankana dhawaan ayaanu la shiraynaa, waxaanu leenahay go'aankaas ay daneeyayaashii doorashooyinku qaateen ku hawl-gala ee dawladiina ku waafaqday, bal marka Guurtida doorasho marka noo diidaysa ee iskaayo hortaagaysa aanu aragno e', waa innoo December iyo dorashadeena, annaguna dhinacayaga hada ayaanu hawlahii galaynaa Insha Allahu tacaala Axsaabta boodhka ka tumaynaa, taana waxaa ka soo horeysa uun dawlada wakhtigeedii 27 Julaay ayuu dhammaanayaa haddii Illaahay yidhaahdo inta ka horeysana ha la isagu yimaado dawladii wadi lahayd dalka in aynu ka wada sheekaysano, ha laga tashado, ha la isku raaco, ha lagu duceeyo, laakiin wax danbe oo lagaga noqonayaa doorashooyinka ma jirto oo sidaas ayaa lagu shaqeynayaa".Inj.Faysal Cali Waraabe.