Madaxweyne Siilaanyo Oo Baashe Cawil Iyo Mingiste U Magacaabay Safiirada UAE Iyo China

0
517

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay magacaabay laba wakiil oo Somaliland u fadhiyi doona dalka Imaaraadka Carabta iyo dalka Shiinaha.

Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa wuxuu Madaxweynuhu wakiilka Imaaraadka Carabta u magacaabay Baashe Cawil Cumar, halka uu Shiinaha u magacaabay Maxamuud Salebaan Ciise (Mingiste). Madaxweyne Siilaanyo ayaa Baashe Cawil u ah soddog.

Warsaxaafadeedka ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;  Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.  Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;  Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;  Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.”