Fitnada Ka Soo Foolle Mashruuca Xunbo Weyne Iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenka oo Aan Talo Gacanta Ugu Jirin

0
637

Picture1Bishii July 21dii, 2014 wasiirka hore ee Wasaaradda Biyaha ee Somaliland, Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa sheegay in Mashruuca biya-gelinta Hargeysa ee Xunbo Weyne u soconayo sidii loogu tala galay, waxaanu  meesha ka saaray muran ku aadanaa “in biyaha mashruucaasi oo loogu tala galay saddexda xaafadood ee Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax loo leexin doono xaafado hore biyo u heli jiray.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu guddi u magacaabay arrinta Biyaha Xunbo Weyne oo murankeeda iyo hadal haynteedu aad u batay. Wasiirku wuxuu yidhi, “ Waxaan leeyahay biyahaasi halkii ay ku socdeen ayay tagayaan, halkii loogu tala galay ayay tagayaan, guddidan madaxweynuhu magacaabay oo fadhigii labaad yeeshayna waxay wadaan in wixii cillada ah ee jira laga saaro. Waxaan ku rajo weynahay in biyahaasi dhawaan halkii loogu tala galay iyo qaabkii loo asteeyay ay maraan.”  

Wasiirku wuxuu bulshada reer Somaliland uga digay in biyaha la dhex geliyo qabyaalad iyo arrimo siyaasadeed isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi, “ Waxa kale oo aan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo oo ummadda reer Somaliland u sheego, biyuhu waa noloshii, noloshuna ciyaar ma gasho, waxaan ummadda leeyahay biyaha ha laga ilaaliyo qabyaaladda iyo siyaasadda, labaduba waa u cudur, waana u halis biyaha in la soo dhex galiyo”. Bal meel ku sii gunto hadalkaas uu wasiirku yidhi!

Hadalkaas xaqa ah ee uu wasiirku ku hadlay waxa si xoog leh uga biyo diiday CANAASIIR dhawr ah oo xukuumadda xilal sare ka haya oo ay madax-iyo-mijo isku maran yihiin madaxweynaha ehelkiisa kuwaasoo muddo dheerba lugta ku walaaqayay mashruucan oo aan iyagu oggolayn in biyo gelinta sidii loo qorsheeyey ay u socoto, khariidada marin-biyoodka ( water roadmap) ee la qorsheeyeyna aanay marnaba shaqayn.

Toddob bilood ka dib, hadalkii xaqa ahaa ee uu wasiirku ka dhawaajiyey wuxuu noqday mid isaga galaaftay oo xilikiisii wasiirnimo lagaga xayuubiyey ka dib markii uu ku adkaystay in khariidada biyo gelinta Hargeysa sidii loogu tala galay ay u socoto.

Sidoo kale, bishii February 22dii, 2015 madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Seylici, oo uu si rasmi ah madaxweyne Axmed Siilaanyo u igmaday mashruuca biyo gelinta ee Xunbo Weyne ayaa isna rajo beel ka muujiyey mashruucaas ka dib markii uu arkay qabyaaladda foosha xun ee ku geedaaman mashruucaas iyo sida loo siyaasadeeyey biyaha.

Haddii aad aad xasuusato hadalkii wasiirka, Madaxweyne-ku-xigeenkuna wuxuu toddobo bilood ka dib isticmaalay kelmado iyo weedho la mid ah kuwii uu isticmaalay wasiirkii hore ee biyaha.

Miyey labadoodu is-ogaayeen oo waxay ku heshiiyeen inay weedho iyo kelmado isku mid ah isticmaalaan? Maya! Wax suuragal ah maaha sabab ku kaliftaana meesha ma taal.

Madaxweyne-ku-xigeenku isagoo aad ugu walaacsan siyaasadda iyo qabyaaladda foosha xun ee lagula dhex jiro mashruuca Xunbo Weyne iyo dadka doonaya inay biyaha qas geliyaan wuxuu yidhi:

“[Maanta] waxaanu bilaabaynaa ama dhaxa dhigaynaa mashruucii biyo gelinta ee Xunbo Weyne ee Bariga Hargeysa oo muddo inaga soo jiitamay runtii xag farsamo iyo xag aan odhan karo macnihii waxyaabo aynaan u baahnayn oo ah in la siyaasadeeyo ama la qabyaaladeeyo [biyaha]. Markay noloshu biyo soo gaadho ama horumarku [waxa muhiim ah] inayno mar walba ka ilaalino qabyaaladda sababtoo ah cid kasta oo inaga mid ahi biyaha way u baahantahay.

Annagu haddaanu masuuliyiintii qaranka nahay nin carruurtiisa kala jeceli ma jiro. Dadku waa wada dadkayagii waanu wada jecelahay, wanaagoodaanu jecelahay, inay nolol wanaagsan oo biyo helaan oo horumar gaadhaan baanu jecelahay. Dad aanu kala jecelahay ma jirto. Ujeeddo gaar ah oo aanu cid ka leenahayna ma jirto.”

Waxaynu ogsoonahay in madaxweyne ku xigeenku uu yahay masuulkii ugu sarreeyey waddanka marka laga reebo madaxweynaha. Waxa haddaba marka hore is-weydiin mudan muxuu madaxweyne-ku-xigeenku sidaa qaawan ee aad arkayso uu ugu naqdiyey mashruucii uu isaga laf ahaantiisu masuuliyadeeda lahaa ee uu isagu gacanta ku hayey? Muxuu xukuumadiisa maamul xumadeeda la xidhiidha mashruucan uu dibadda u soo dhigay oo uu rajo beelka uga muujiyey? Wa ayo ciddan madaxweyne-ku-xigeenka ka awood badan ee mashruucii loo igmaday uu ka dhaqaajin kari waayey illayn madaxweynuhu isaga ayaa hawsha u igmadaye?

Dabcan madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu arkay in isaga iyo madaxweynaha aanay midna talo gacanta ugu jirin ee dad kale oo u dhaxeeyaa labadooda uu xukunku gacanta ugu jiro. Wuxuu arkay fool xumada iyo fitnada ka soo jeeda mashruucan masuuliyadiisa isaga loo igmaday. Sidaa awgeed wuxuu gartay inuu arrinkaas xasaasiga ah ee qabyaaladaysan uu iska fogeeyo oo uu u bayaaniyo oo u soo bandhigo shacabka reer Somaliland masiibada iyo fitnada qabyaaladaysan ee ka soo foolle mashruucaas biyo gelinta. Waxa cad inuu iska sii moosayo in haddii uu denbi ka dhasho mashruucaas mustaqbalka (Ilaahay kama dhigo eh) in hadhowto aan isaga waxba loo raacan. Sidoo kale, toddobo bilood ka hor wasiirkii hore ee biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle, wuxuu isna sidoo kale shacabka reer Somaliland uga digay khatarta iyo masiibada ka soo foolle mashruucan iyo in biyaha laga ilaaliyo qabyaaladda iyo siyaasadda.

Waxaad ogaataa in wasiirkii hore ee biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle, iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Seylici, ay labaduba ka soo kala jeedaan beelaha darafyada sidaa awgeed aanu midna dan gaar ah ka lahayn mashruuca Xunbo Weyne ee biyo gelinta Hargeysa.

Cidda ay labadan masuul kala hayaan ee dhexdhexaadinayaan waa beeshii dhexe ee waaga beryaba ku andacoota in sababta ay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre u rideen ee ay qaranimadii Soomaaliya oo dhan u baabiiyeen ay ahayd caddaalo darro iyo qabyaalad iyaga lagula kacay awgeed.

Haddaba, maanta ma Maxamed Siyaad Barre ayaa nool oo xukuma Somaliland? Yaa is-qabyaaldaynaya oo caddaalad darro tii abid ugu fool xumayd isku haya? Yaa nolosha isu diidan illayn biyuhu waa nolole? Haddii aan noloshiiba la isu oggolayn waa maxay waxa kale ee reer Somaliland ka dhaxayn kara ee lagaba wada hadli karaa? Caddaalad darradu markay gaadho heer nolosha la isugu yimaado waxa xigaysa Ilaahay (swt) kama dhigo eh, in qoryaha la isu gurto oo mindida la iska aslo oo markaa cid waliba wax ku weydo.

Labadan masuul waxay arkeen qabyaaladda foosha xun, xinka iyo xaasidnimada ay isku la dhex jiraan beelahan Hargeysa wada dega iyo fitnada ka soo foolle haddii mashruucan sidaa lugta loogu sii walaaqo. Laakiin waxaad moodaa inaan cidi dheg jalaq u siin hadalada labadaa masuul.

Wasiirkii hore ee biyaha iyo madaxweyne-ku-xigeenkuba waxay far ka dhaqaajin kari waayeen mu’aamaradaha iyo dabamartaynta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxdan xaq-darrada isku bahaysatay ee ku adeegata awoodda madaxweynaha.

Si arrinka loo sii cakiro oo labadan masuul loogu quus gooyo waxa la soo ciyaarsiiyey dadka ka ag dhow deegaanka Xunbo Weyne oo lagu soo buuxiyey in raxmadda Ilaahay- waa biyaha dhulka hoostiisa ku jira eh- ay sheegtaan inay yihiin hanti ay iyagu gaar u leeyihiin sidaa awgeed aanay oggolaanin in mashruuca sidii loogu talo galay uu u socdo.

Ugu dambeyntii, canaasiirtan, oo ka kooban xubno wasiiro ah oo faro ku tiris ah oo xukuumadda xilal muhiim ah ka haya, gacan saarna la leh ehelka madaxweynaha, waxay ku guulaysteen in isku shaandhayntii ugu dambeysay ee ay xukuumaddani samayso in wasiirkii hore ee biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle, ay ka xayuubiyaan xilkiisii maadaama uu ku adkaystay in biyuhu ay maraan marinkii loogu talo galay oo uu diiday inuu dhinac raaco. Sidoo kale, canaasirtani madaxweyne-ku-xigeenka oo isna diiday inuu dhinac raaco way eryi lahaayeen balse dariiqo dastuuri ah oo ay u maraan ayey waayeen.

Run ahaantii, waxay ahayd in madaxweyne-ku-xigeenku uu isagu canaasiirtaas wasiirada ah uu Laad kaga saaro madaxtooyada oo uu iyaga eryo, shacabkana uu u soo bandhigo waxay xukuumadda ka dhex wadaan oo ah wax aan la qaadan karin.

Balse, markuu arkay xinka, xaasidnimada iyo qabyaalaadda foosha xun ee ciddiya ku dirirka ah ee ka dhex taagan mashruucan halkuu ka eryi lahaa kuwa isaga mu’aamaradeynayey ee xukuumadda ka tirsan wuxuu door biday inay isagu is-eryo oo mashruucii Xunbo Weyne uu gebi ahaanba faraha kala baxo inkastoo aan weli tallaabadaas si rasmi ah loo shaacin. 

Kooxdan is-bahaysatay si ay burhaan u tusaan madaxweyne-ku-xigeenka inay iyagu waddanka ka taliyaan ee aan isaga iyo madaxweynaha toona ka talin waddanka, waxay madaxweynaha ka saxiixeen dharaar cad warqad burinaysa oo lid ku ah mid uu madaxweynuhu hore ugu saxiixay Al-Khaliifa Foundation oo ah hay’adda samafalka ah ee ku sadaqaysatay Somaliland mashruuca biyo gelinta Hargeysa ee Xunbo Weyne.

Madaxweynuhu wuxuu mar hore qoraal rasmi ah ugu oggolaaday in Al-Khaliifa Foundation oo kontaraag ku siisay sharikadda Al-Falaax inay mashruuca biyo gelinta Hargeysa sidii xukuumaddu u qorshaysay ay u wadaan. Haddana waxay canaasiirtani madaxweynaha ka saxiixeen warqad kale oo taa hore ee uu madaxweynuhu qoray lid ku ah. Markii labadii waraaqood ee is-burinayey la wada hor keenay madaxweynaha wax Alle wuxuu ku jawaabo wuu garanwaayey iyo goor laga saxiixay toona. Waxay ku noqotay naxdin iyo anfariir. Sharaftii iyo karaamadii madaxweynaha iyo magacii qarankaba dhulka ayaa la jiiday.

Waxaad halkaa ka arkaysaa in madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka aan midna talo gacanta ugu jirin.

Kooxdan is-bahaysatay markay madaxweyne-ku-xigeenkii shacabku doortay ay mashruuca Xunbo Weyne waddo cad ka mariyeen, ee wasiirkii hore ee biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle, ay xilka ka xayuubiyeen ee madaxweynihii waddanka loo doortay ay ceebeeyeen oo waraaqo is-burinaya oo HAA iyo MAYA ah ay ka saxiixeen waxay caddeysteen in iyaga mooyaane aanay cid kale waddanka ka talin. Mashruucan sida laga yeelayana canaasiirtan ayuu gacanta ugu jiraa ee xukuumaddu meesha way ka baxday.

Waxa muhiim ah in Wasiirka cusub ee biyaha, Baashe Cali Jaamac, uu is-ogaado in sababta xilka loogu dhiibay ay tahay inuu mashruucan dhinac raaco haddii kalena xilka laga xayuubin doono sidii Xuseen Axmed Cabdulle oo kale. Waase la arki doonaa wuxuu yeelo.

Waxa la yidhi xalaal dharaar cad ayaa la qashaa. Canaasiirtan haddii ay wax xaq ah ku doodayaan maxay shacabka ugu soo bandhigiwaayeen? Waxa cad inaanay oggolayn in lala arko qorshaha ay wataan iyo sida ay wax u doonayaan si khilaafka biyaha loo soo afjaro laakiin waxay doonayaan caqligooda inay ummadda inteeda kale ka faro maroojiyaan talada biyaha oo sida ay iyagu doonayaan oo keliya ay wax u socodsiiyaan.

Dadka lugta ku walaaqaya mashruucan, qaar waa la isticmaalayaa oo waxba ma oga ee waa iska dhegweyn, kuwaas waxaan Ilaahay (swt) uga baryeynaa inuu soo hadeeyo. Kuwa xaqiiriinta ah ee xinka iyo xaasidnimo awgeed nolosha kala dagaalamaya walaalahood ee fitnada ka dhex wada, iyagana Ilaahay nolosha ha kala dagaalamo oo far iyo suul ummadda ha kaga dhex qaado waayo haddii Ilaahay ka dhex saaro ummadda waxa ka raysanaya ummadda muslimiinta ah ee harraadan ee baaldiyada la meeraysanaysa habeen iyo maalinba, waxa ka raysanyaa habar dugaaga, waxa ka raysanaya cayayaanka, waxa ka raysanaya geedaha, waxa kale oo ka raysanaya wax Alle wixii san-ku-neefle ah ee biyo ku nool.

Waxa keliya ee lagama maarmaanka u ah inay shartu guulaysato waxa weeye markay dadka fiicani xumaanta ka aamusaan oo waxba ka odhan waayaan oo ay iska aqbalaan oo weliba dugsadaan!

Jamaal Madar

London, UK